Inta badan deegaanada miyiga ah gobalada Mudug & Galgaduud ee Maamulka Galmudug waxaa ka taagan colaad saameysay nolasha dad badan oo ku nool dhulka miyiga ah.
Waxaa socda xal lagu doonayo in lagu joojiyo Colaadaan oo ay ku geeriyoodeen dad u badan birimageedo, kuwaa oo ay wadaan Waxgaradka iyo Culimada kasoo jeeda deegaanada ay ka dhacayaan.
Nabadon Cabdirisaaq Xaaji oo kamida Waxgaradka Guriceel ayaa sheegaya in ay wali taagan tahay dhibaatada Colaada ay reebtay, Oday ahaanna aysan ka tagin doorkoodii ahaa Nabadeynta.
Nabadoonka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in si deg deg ah ay kusoo afjari karaan dagaal beeleedyada ka taagan deeganada u dhaxeeya Balanbale & Guriceel ee Galgaduud, oo ay hadda aysan ka jirin nabad la sheego.
“Dhibka ka jira ma aha wax hadal kaliya lagu koobi karo dadkan is leyntoodu waxa ay noqotay mid sahlan dhiig waagii baryaba micno daro loo daadinayo iyo cid ka hadkeysa oo aan jirin ayaa ka jirta meeshan colaad midii ugu xumeyd ayaa ka taagan dadbaa colaadii ay la kowsadeen wali dhex taagan Ayuu yiri Nabadon Abdi rizaaq.”
Deegaanada dhaca Koonfurta Gaalkacyo, mida Qalaanqale & Tan deeganada hoostaga Degmada Balanbale iyo Guriceel ayaa ah kuwa dad badani ay colaada sababtay dhimashada dad badani ay ka dhacday.
Dadka dhibaatadu ay kasoo gaartay ayaa wali xasuun aan wanaagsaneen ku reebtay Colaadaha, kuwaa oo doonaya in dirirta ay dhamaato si aysan ugu sii waayin dad kale.
Maxamed Colaad Cabdi oo 28 jir ah waxa uu Laba sano kahor Colaadda ka taagan Deegaano hoos taga Degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ku waayey Walaalkiis ka weynaa & Adeerkiisa kadib markii ay Habeen weerar kusoo qaadeen kooxo hubaysan.
Hadda waxa uu kasoo tagay deegaanka uu ku waayey qaar kamida Qoyskiisa, sababo la xiriira in dhibaato ay kasoo gaarto, isaga oo wali xasuusan Niyad jabkii soo gaaray 2018-kii.
“Waxey ii geystay dhibaato iyo xanuun aan mar walba dareemo waxaan ku waayay walaalkey iyo aderkey waxaa kale oo jira dadkale oo aniga iga daran oo waalid iyo walaalba ku waayay mar walba oo la dirirayana sidaas oo kale ayaa dhacdana ayuu yiri Maxamed.”
Waxaa muuqata doorka Culimada oo ah kuwa la ixtiraamo haystana sharciyadda ugu xooggan ee xallinta colaadaha, ayaa dadka uga digaya cawaaqibka ka dhalan kara Colaadda haddii ay sii socoto.
Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir oo ah Gudoomiyhii hore ee Golaha Talada Ahlusuna waxa uu kamid yahay Culimo ku baxay Dagaalkii ka dhacayey Koonfurta Gobolka Mudug.
Sheekha iyo dadkii kale ee la socday oo aan ku guuleysan in ay xal dhab ah ka gaaraan Colaadaasi ayaa sameeyey xabad joojin, si labada dhinac u wada hadalsiiyaan.
Waxa uu Wadaagga SOMA u sheegay in dhinac kamida uu diiday in uu joojiyo dagaal oo aan wax faa’iido ah ku fadhin, laakiin aysan ka quusan doonin in Nabadda & islaax dadka walaalaha ah kasii shaqeeyaan.
“Maalin iyo habeen ayan wadaha hadal ku jirnay waxaan jeedinay in dagaalka iyo xabada sharuud la’aan la joojiyo ciidamada is hor fadhiyana lakala qaado caqli iyo diina lagu kala celiyo nabadana halkaa lagu kala qaado balse dhinacyadii diririyay dhinac ka mid ah ka hor yimid arinkaa ugu danbeyna sababtay inaan wax natiija ah ka gaari weynay. Ayuu yiri Shiikh Cumar.”
Colaada ka jirta deeganada Galmudug ayaa sababtay barakaca dad badna, iyadoo ay dadka qaarkii ay waayeen nolal maalmedkii.
Dhaqankii hore ee xeerka qabiilada Soomaalida waqtiyada dagaalka waxaa jiray dad loo yaqaan Biri Ma geeydo oo aan la dilin colaaduna aysan qaban. Sida macallinka dugsi quraanka iyo ardaydiisa, haweenka, duubabka, waayeelada, suugaanleeyda iyo maganta reeraha, balse colaada waqtigan intaba waa ay saameysay.
WQ: Cabdi Qadar Xasan oo ka tirsan Radio Galgaduud.