Haweenka mar walba waxay ku jiraan halgan muuqda iyo mid daahsoon oo ay qeyb kaga yihiin horumarinta bulshada. Balse ayaan-darrada jirta waxay tahay in, inaga mid ahi aysan ku baraarugsanayn kaalintooda. hayeeshe, ma ahan oo kaliya abaal-dhaca ay la kulmaan haween badan oo dunida ku nool dhibaatada qura ee heysata. Waxaa jira rabshado kala duwan oo lagula kaco haweenka iyo gabdhaha kuwaas oo jiilba jiil ay u soo joogeen waaya’aragnimadeeda.
Soomaaliya mid ka mid ah rabshadaha lagu hayo haweenka waa hor istaagga cadaalladda oo ah tan u xukmisa dhibanaha xaqiisa. Dumarka dhibanayaasha ah ayaan helin gartii ay la haayeen.
In kufsi iyo dil la isugu daro Dumarka waa wax dhaca oo aan ku cusbeyn dhagaha bulshada, mid ka mid ah kiisaska anfariirka leh waa gabar ku jirtay da’da labaatameeyada oo la kufsaday lana dilay, kaddibna la duugay dabayaaqadii bishii October ee sannadkan, si aanan loo ogaan, raadna looga helin danbiilayaasha, balse caddaalad marsiinta kuwa geystay xadgudubka iyo gacan ku dhigistooda waxaa hor istaagay waalidiin labada dhinac ka socotay sida ay innoo sheegtay Faa’iza Jeyte oo ah sharciyaqaannad arrintan goob joog u aheyd.
‘‘ Kiis waxaa jiray gabar in la kufsaday, haddana la dilay, kaddibna la duugay si aanan loo ogaan, markii arrinteeda ay galeen hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka, Odayaal ayaa ku soo baxay, ninkii kiiska geystay waa la aqoonsaday, kaddib waxay go’aansadeen in aanan maxkamad la soo hor istaajin oo si hoose lagu xaliyo, taas oo ay ka hortimid gabadhii la waxyeeleeyay ee nolosha la dhaafiyay hooyadeed, balse sidii ay jecleyd hooyadaas ma dhicin” ayay tiri Faa’iza Jeyte.
Ehelada labada dhinac oo ka gaara Isfahan dhibtii dhacay ayaa ah caqabada ugu weyn ee meesha ka saareysa xaqa dhibanaha, sidoo kalana aan wax ciqaab ah dareesiineynin kan dhibta geystay.
Sidoo kale Ku qancinta dhibanaha in uu dacwada ka tanaasulo waa arrin caqabad kale ku ah caddaalad helidda dumar badan, Faa’iza ayaa ku eedeyneysa Waalidiinta qaar in ay gacan bidixeeyaan sharciga oo ay mararka qaar hor istaagaan, si arrinta loogu dhameeyo xeer halkii sharciga loo deyn lahaa go’aanka.
‘‘ Markii qofka dhibanaha ah lagu caawiyo cadaallad u raadinteeda, waxaa lala kulmaa caqabado dhowr ah oo ay ugu weyn tahay, in waalidiinta qaar ay ka dalbadaan in ay dacwada ay ka tanaasusho dhibanaha, cid wadi kartana ma lahan dacwada mar hadii uu ka laabtay dhibanihii, waxaa kale oo lagu cabsi geliyaa in ay noqoneyso qof dadka ka tilmaaman oo dhibane ah, waxyaabahaas oo is biirsaday ayaa sabab u ah in inta badan haweenka aysan helin cadaallad”. Ayay raacisay hadalkeeda Faa’iza Jeyte.
Arrintaasi ah Gacmo geel jire hoos ayaa loo dhaqaa jiritaankeeda Faa’iza waxaa la qabta Maama Maryan Taqal oo ka tirsan Xarunta horumarinta haweenka soomaaliyeed ee (SWDC). Waxay tilmaameysaa in marka la dareemo in dhibanaha ay heli rabto cadaallad, arrinta dhinac kale ay u rogaan odayaal dhaqameed, Masuuliyiin dowladeed kuwaas oo wakiil ka ah kuwa dhibka geystay, sheekaduna ay halkaas ku danta, sidoo kalana ay meesha ka baxda Xaqii uu lahaa dhibanaha.
‘‘ Markii la arko in dhibanaha ay ku guuleysaneyso xagga cadaalladda ayaa waxaa imaanaya oday dhaqameed ama Masuul dowladeed oo wakiil ka ah qofka dhibta geystay, kaddibna dhibanayaasha ku qanciya wax yar oo lacag ah oo aanan u qalmin dhibtii dhacday ama handada si ay uga laabtaan dacwada” ayay tiri Mama Maryan Taqal.
Dadka badan ayaa rumeysan in haddii Hay’adaha cadaalladda, Booliska iyo sharciga loo hogaansamo, ruuxa dhib geystay iyo kan loo geystay intaba oo ay ku kalsoonaadaan ay sahli karto sarreynta sharciga iyo helidda cadaallad, sida ay qabto Maama Maryan Taqal.
“ Waxaa looga hortagi karaa in dadka la siiyo wacyigelin ku aadan cadaalladda iyo in aaminaan sharciga sarreyntiisa,hay’adaha cadaalladda iyo Booliskana waa in ay dhiirageliyaan dadka, isalamarkaana aan la handadin dhibanayaasha” ayay tilmaamtay Maama Maryan Taqal.
Sinnaan la’aantu waxay ka jirtaa meelo badan oo dunida kamid ah. ku guuleysiga sinnaanta iyo xoojinta haweenka iyo gabdhaha waxay u baahnaan doontaa dadaallo joogto ah iyo qorshayaal fog oo lagu horumarinayo aayatiinkooda. Waana qeyb kamid ah hiigsiga 2030-ka ee barnaamijka horumarinta joogtada ah ee QM.
WQ: Maxamed Qadar Cabdi oo ka tirsan Radio Himilo.