• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Xoogsatada Baydhaba oo dib u bilaabay Shaqooyinka Siddeed bil kaddib

On Dec 3, 2020
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Sideed bilood kadib waxaa dib u bilowdey qaar ka mid ah shaqooyinka uu xayirey COVID 19,kaasoo isu dhowaanshaha dadka in ay qaadaan cudurkaas ka dhalan kartey  dartiisna loo xanibey.

Shaqooyinkaas waxaa ka mid ahaa dhismooyinka guriyaha iyo wadooyinka oo ay caado aheyd in ay dad badan ka qeyb qaataan,ciriiri badana ka jirey,isu dhiibka dhagaxa iyo shamiindada oo aysan dadka shaqada ku jira heli Karin masaafo isku jirsi kaga bad baadi karaan CORONA VIRUS.

Dad badan oo danyer kunool magaalada iyo dadka barakacay ah ayaa noloshooda ku tiiraneyd tan iyo markii xanibaada dhacdeyna waxay galeen ciriiri dhanka nolosha ah,iminkase tartiib tartiib ayay u bilaabayaan shaqooyinkoodii.

Xasila Maxamed Xasan waxay ka mid aheyd xoogsatada COVID 19-ka xanibaadiisa taabatay mudadii uu jireyna nolosheeda aheyd mid adag mar qad mar quudo,maatase waxay ku faraxsan tahay dib u bilaabida shaqadii mudada sideeda bilod ah ka laalneyd.

Waxay ka qeyb qaadaneysaa dhismo ka socda wadada dheer ee xaafada ADC ee Magaalada Baydhabo oo ah shaqo daldalis cara ah.

“Intii Corona yimid,waxaan weyney meel aan u dhaqaaqno,waxaan heli weyney caruurta dugsiga noo dhigata wax aan uga dhiibno,wax la cuno iskaba daayee,waxaan ku faraxsanahay in mudo ka dib shaqo aan lacag ku qaadanayo kusoo laabto,waa wax aan ku taamayay”

Lama suureyn karo nolosha adage ee Xasila soo martey mudadda aafada COVID19-ka taagneyd,inkastoo wali idlaanin oo uu soo rugaalceliyay hadana bilowga shaqa wadareedka soo noqonaya,waxay u ragtaa Xasilo mid raja gelineyso oo qarashaadka kasoo gala ay isaga bixin karto deyn tiro badan oo lagu yeeshey.

Maxamed Jibriil waa gudoomiye ku xigeenka maamulka gobalka Bay,wuxuu rajo iyo yididiilo ka muujinayaa dib u howlgelida danyarta xoogooda kunoolka ah oo bilooyinkii lasoo dhaafey cabashadooda la daala dhacayeen,maadama ay joogsadeen inta badan howlihii kala duwanaa ee shaqo abuurka ahaa.

“Xafiisyada shaqada waxaa noogu imaanayay maalin kasta tobaneeyo danyarta iyo barakacyash ah oo noo sheegaya iney nolosha qaati ka taagan yihiin oo ay rabaan in loo soo celiyo shaqooyinkii xoogsiga ku noolaayeen,waa alle mahadiis in qeyb ka mid ah dalabkii dadka aan fulino”

Shaqada wadareedka waxay ka mid ahaayeen howlihii sida ba’an u saameyey COVID19-ka,dhakhaatiirtana ka digayeen in COVID19-ka ka beermo isu dhowaanshaha sidaas darteetna wadanka oo dhan uu galey xanibaad,danyar badan oo kunooleyd ku noqdeen baaga muundo dabsaarkiiba waayey.

 

 

 

Yuusuf Sheekh Ibraahin wuxuu ahaa Fuundi guriyaha dhisa kuna filnaa noloshiisa,hayeeshee COVID19 ayaa galaaftay shaqo la’aan ka dhigey,keydkiisii intuu dhamaystay qatooyo qaabiley,waxaa uu ka waramayaa hada uu shaqa bilaabey maalmihii adkaa ee soo marey waxay uga dhignaayeen.

“Si kasta aan isku maareyn karey waan sameeyey,keydkii iga dhamaadey,reero miyiga jira badar deyn ah ka dirsadey,shaqo xoogsi iyadaaba jirin mudadaas,hada marka la ii sheegey in shaqadii wadooyinka dhismahooda dib loo bilaabey waan ilaawey caqabadii Corona na marsiiyey”

Caasha Aadan Maxamed oo ka mid ah Haweenka danyarta hada fursada u heley in shaqadii dib u bilowdo ayaa wali waxay ka walwalsan tahay soo laba kacleynta cudurka,iyadoona ka walwalsan wakhti kale oo adag inuu soo wajihi karo hadii xayioraada mar kale soo laabato.

“Dhibaato waxaa noogu filan intii hada kasoo gudubnay ee cudurka noo geystey,wal wal waa nagu taagan yahay sababtoo ah waxaan ka maqalnaa idaacadaha cudurkii ayaa soo laabtay”

Dib usoo noqoshada shaqooyinka iyo bilaabida xoogsiga danyarta ee ku tiirsanaa helista shaqooyinkaas waxay bidhaaminayaan soo kabasho iyo raja ah ka bixista xiliyadii adkaa COVID19-ka dhaxalsiiyey,laakin tani waxay shaqeyneysaa marka laga bad baado laba kacleynta COVID10- oo haatanba qeybo ka mid ah caalamka laga soo calaamadeeyey.

WQ: Muxidiin Xasan Maxamed “Xusni” oo ka tirsan Radio Warsan.

Share

Prev Post

Halkee ayey ku dambeysaa Cadaalad u raadinta Haweenka dhibaatooyiinka ay la kulma?

Next Post

Reer Miyi la baray sida xoolaha loo daweeyo oo u faa’iideynaya dadka ku nool Miyiga Guriceel

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

Muqdisho: 40 Haweenka leh xirfadda Umuliso dhaqameedka oo helay wacyigalin &…

SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Gabdho magaalada u yimid si ay u caawiyaan qoyskooda oo abaarta ceyrteysay

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYN: Beeraleyda ka cabanaya hoos u dhac ku yimid wax soo-saarkooda

SOMA PROGRAM SHARING

SH/HOOSE: Beeraley dhowr mar khasaaray oo helay Tababarro & suuq-geyn

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

Muqdisho: 40 Haweenka leh xirfadda Umuliso dhaqameedka oo…

Apr 14, 2022
Prev Next 1 of 125
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.