Reer miyiga xoola dhaqatada ah ee ku nool miyiga deegano hoosyimada degamada Guriceel maamulka galmudug ayaa si mutadwacnima ah ugu daaweya reer miyiga kale ee xoolaha dhaqatada ah.
Deeganada Xodale, diiriye xasan, calaale, ayey dadkan xoolaha ka daaweyaan ka dib markii ay tababar ku saabsan sida xoolaha loo daaweyo ka helay ururka CERELPA ee xanaanada xoolaha gobalada dhexe iyago sii gaarsiiay reer miyiga kale una daaweya xoolaha.
Maxamed Abdi Fiidow waxa uu ka mid yahay dhakaatiirta xoolaha ee CERELPA ee dadka reer miyiga ah u taba baray sida xolaha loo daweeyo, Maxamed wuxuu ii sheegay dadka reer miyiga ah iney siiyeen tababaro iyo agab lagu daweeyo xoolaha la dhaqdo sida Geela Lo’ da & Arigga.
“Waxaan gaarsiinay waxbarasho ah sida xoolahooda u daaweystaan sida ay ukala bartaan cudarada xoolaha ku dhaco sida daawada ay ugu durtaan, dadka aan tababarnay sidoo kale in ay sii gaarsiiyaan dadka kale reer miyiga ah, deeganada aan tababarka ka bixinay waxa ka mid ah qod qod, girijir Xodale, diiriye xasan, moroodile, dhagax yaale warar dhuuma leh.”
In dadka reer miyiga ah loo taba baro daweynta xoolaha, kadibna ay sii gaarsiiyaan dadka iyo deegaanada kale ee ka sii fog iyo xoolaha kale ayey wax weyn unoqotay xooladhaqato badan oo ku nool deeganada Galmudug.
Cabdi rixmaan cabdi barre waxa uu ka mid yahay dadka reer miyiga ah ee ururka CERELPA u tababaray sida xoolahaha loo waadeeyo, Tababarka uu ka helay CERELPA ayuu xoolahiisa iyo xoolaha kale ee dadka reermiyiga ah ee deegaanka diiraya xasan ee hoostaga degmada guriceel ayuu ku daawaayaa xoolaha.
“Waxaa nala baray caafimaadka, xoolaha daawada sida aay ukala leeyihiin, cudarada xoolaha ku dhaca, talaalkooda, qiyaasta daawada, miisaanka. Anaguna waxaan sii gaarsiinay ilaa 50 Kiilo mitir oo kale iyo deegaano badan. Wixii anaan aqoon waxaan la kaashanaa oo aan dib ugula solaabanaa macalimiinti wax nasoo baray oo aan la wadaagnaa.”
Inta ay wadeen howshan mutadacwnimada ah ayey ku daweyeen Xoolo isugu jiro GEEL & ARI tira ahaana ka badan ilaa 1500 neef ayna bilaabeen howshan iney qabtaan lix bilood ka hor walina aay wadaan daweynta xoolaha.
Dhibaatada dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool galmudug ayaa ah in aysan jirin kaalin weyn oo ah xannaanaynta xoolaha la dhaqdo maadaama nolasha dad farabadan ku tiirsan tahay xoolaha la dhaqdo. Balse kaalinta ururkan dadka xoola dhaqatada ah taageera ayaa ah mid aay ad reer miyigu soo dhaweeyeen.
Hooyo Xaliimo xasan axmed waxa aay ka mid ah tahay dadka xoola dhaqatada ah ku nool tuulada Calalaale waxa ay usoo safartay degmada guriceel, waxa aay caraabo u tahay deegankii saaka aay ka soo safartay waxa ay ii sheegaty in loo daawey Ariga ay dhaqato oo ka kabadan tiro ama 100 Neef.
“Neefkii iga xanuunsada Arigeyga waxaa ii daaweeya dad tuulada nala dagan oo xoolaha duri yaqaana, Waxeey inoo sheegan neefka waxa uu qabo iyo waxa uu u baahan yahay, daawada ayaan guricel ka so ibsanaa si naloogu daweeyo, Aniga iyo dadbadan ayey xoolaha u daweeyeen waxbana nagama qaadan marka ariga noloo talaalo.”
Gobalada mudug & galgaduud ee maamulka Galmudug ayey inta badan dadka ku nool nolashoodu ku tiirsan tahay xoolaha la dhaqdo, iyadoo nooca ugu wanaagsan ee xoolaha lagu dhaqdo adduunka korkiisa ay dadku dhaqdaan sida Geela, Lo’da, iyo Adhiga.
WQ: Cabdi Qadar Xasan oo ka tirsan Radio Galgaduud