Boqolaal qoys oo kasoo barakacay abaaraha ka jira deegaanada maamulka Jubbaland ayaa ayaa hoy la’aan waxbarasho la’aan , cunyari iyo biyo yari ku wajahaya xeryo barakac oo ku yaalla duleedka magaalada kismaay, halkaasi oo ay soo gaareen labadii bilood ee ugu dambeysay.
Niniile Cabdi Aadan oo ka yimid deegaanka Laan-aabar oo hoostaga Degmada Jaamaame ee Gobalka Jubbada hoose oo ay abaarta ka dishay 26 ari iyo 27 neef oo Lo’ah ayaa soo gaaray Kaamka Kulmiye horaanta bishii Janaayo ee sanadkaan.
Waxa uu tilmaamay in dhibaatada hoy la’aanta, & cunna xumida, ay ugu darsoontay in carruurtiisa oo qaarkood dhiganayay Dugsi Qur’aan aysan hadda haysan meel ay wax ka bartaan.
Niniile oo kamid ah dadka ay sida xooggan u saamaysay Abaartu ayaa sheegay inuusan awoodin in carruurtiisa uu geeyo Iskuul, wuxuu intaasi ku daray inuu la daalaa dhaco sidii uu u heli lahaa nolasha maalmeedka Qoyskiisa ayna ku adkaatay in carruurtiisu Iskuul helaan.
Niiniile hadda ma haayo wax shaqo ah, qoyskiisuna waxa ay ku tiirsan yihiin Xaaskiisa oo dadka deegaanka ah usoo dhaqda dharka oo maalintii ku hesha Laba illaa Saddex Dollar, iyadoo ay mararka ay soo weydana aan dabka loo shidin reerka.
Kaamka Kulmiye oo uu hadda dagan yahay Aabbo Niiniile iyo Qoyskiisa ayuu dadka kala siman yahay waxbarasha la’aanta haysata carruurtooda, waxaana uu codsaday in dadka wax haysta ay gacan qabtaan.
“Waxbarasho aan hadda geeyey malaha way u baahan yihiin waxbarasho sidii Allaah uu uu ka dhigo baan arkaynaa” “Waxaan ka soo barakacnay Abaarta xoolo wixii aan haysanay way naga dhamaadeen waxaan codsanayna in na loo garaaro” buu yiri Niiniile Cabdi Aadan.
Guddoomiya Kaamka Kulmiye ee Kismaayo Nimco Xaashi Cismaan ayaa shaagtay in ay soo gaareen labadii bilood ee lasoo dhaafay 12 qoys oo cusub oo ka kala yimid Bu’aale, Jaynay Cabdalla, Haraawe iyo Laan- abaar, oo ay kaga soo carareen abaaro iyo colaado is biirsaday.
Waxa ay tilmaamay ka maamul ahaan iyaga & dadka deegaanka oo is kaashanaya ay dadkaan qaarkood ka caawiyeen in ay helaan Aqalo cusub, halka qoysas kalana ay hadda dul saar ku yihiin kuwii horey u deganaa.
Nimco ayaa xustay inay qaylo-dhaan u dirtay cidkasta oo ay arrintaan khusayso haddii ay noqoto Dowladda iyo hay’adahaba, si loo taageero dadka ay Abaartu cayrtaysay ee Kismaayo ku soo Barakacay kuwaasi oo aan haysan nolal iyo waxbarasho toona.
“Dadkan waxbarshay u baahan yihiin, guryey u baahan yihiin, cunadii ayey u baahan yihiin dad aad u dhibaataysan weeye”
Xaliimo Aadan Maxamed waxay kamid tahay dadka Abaartu Saamaysay waa beeralay, roob la’aan haysay muddo Laba sano ah ayaa sababtay inay ka soo cararto deegaankeeda Haraawa oo beerihii ay wax ka soo bixi waayeen.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in Roob la’aanta ay ugu darsoontay Colaad ka jirtay halkii ay ku noolaayeen, maadaama ay u cabsadeen in ay waxyeelo kasoo gaarto dirirta, kaddibna ay go’aansadeen ay kasoo tagaan.
Waxa ay tilmaamtay in beerteeda oo Saddex Hiktar ahayd aysan kasoo go’in wax dalag ah labadii sano ee lasoo dhaafay, maadaama wax soo saarka deegaanka ay ku nooleyd uu ku tiirsanaa Roobka.
Xaliima iyo qoyskeeda ayaa muddo afar maalin ah wadada kusoo jiray, iyaga oo kasoo tagay xitaa qeyb kamida alaabihii u yaallay guriga, oo ay qaadi waayeen. Waxa ay xustay in ku dhawaad Toban maalin oo ay Kaamka ku sugan ay dul saar ku yihiin reer kale oo uga soo horreeyey.
“Anagoo wareersan oo markaa soo galnay magaalada oo aan la’nahay meel aan dagno ayaa waxaa noo yimid Guddoomiyaha Kaamka waxayna na dajisay guryahan Carshaanta ah wax nolal ah oo kalana ma hayno ayey tiri Xaliimo”
WQ: Cabdullaahi Cabdixakiin oo kamid ah Radio Sooyaal