Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo Gabagabeeyeyย ย Shirweynihii Golaha Guud dalladda SOMA , waxaana Shirweynahaasย ย kasoo qayb galey dhammaan xubnaha SOMA oo kala socdey Gobolada iyo Magaalada Muqdisho.
Maanta oo ahayd maalinta labaad ee shirka waxaa lagu daahfuray Hab-raaca Badqabka Warbaahinta Soomaaliya oo dalladda SOMA ay diyaarinaysay muddo laba sanao ah ayadoo taageera ka helaysa hayadda IMS/FOJO.
Daahfurka habraaca bedqabka warbaahinta Soomaaliya waxaa ka hadlay Agaasimaha Wasaaradda Warfaafin Cabdiraxmaa Yuusuf Al Cadaala,ย ย Mahadcelin ka dib waxaa uu sheegey in aad u soo dhaweynayo Shirweynaha SOMA sidoo kale Agaasimaha waxaa uu sheegey in Daafurka Habraaca Badqabka Warbaahintaย ย Kaalin mug leh siinaya Bahda Warbaahinta islamarkaana uu yahay mid ku Hogaaminya qaabka Badqabka Warbaahinta.
โWaxaan leeyahay Bahdaย ย Warbaahinta in laga gudbey Xiligii Wararka Colaada, Khilaafka iyo iska horimadka, marka waa in aad wararkiina ay noqdaan kuwa Baaris Xog raadin ku saleysan sidoo kale waa in aad ka hadashaan nolosha bulshada iyo horumarinta dalkaโ sidaa Waxaa yiri Agaasime Al Cadaala oo sheegey in Wasaarada Warfaafina ay iyadaย ย bilaabi doonto ku dhaqanka Hab-raaca Badqabka Warbaahinta Soomaaliya.
Shirweynahaas ayaa waxaa kaloo ka Hadley Hormuudkaย ย Kuliyada Saxaafada Porf Cabdiqaadir Maxamed Dhicisow oo kuย ย dheeraadey Aaas-Aaaskii Jaamacada Ummada oo uu sheegey in ay ka qalin jabiyeen in ka badan 15 kun oo aqoonyahan kuwaas oo si weyn Aqoontooda looga dareemey dalka.
Mar uu ka hadlayey Kuliyada Saxaafadaย ย waxaa uu yiriโ Kuliyada Waxaa la Abuurey Sannadkii 1979 kii sida daraadeed maanta waxaa nasiib ah in mar kale dib boorka looga jafey Kuliyadii Saxaafada laguna bilaabey 55 ardey waxana Sannnadkaan ay Kuliyada qaadaneysaaย ย in ku dhow 60 Ardey , sidoo cid kasta oo xiiseyneysa ama hada ka mid ah Bahda Warbaahinta in Kuliyadda ay bilaabeyso dipolama muddo Sannad ah marka waa in aad ka faaiideysataanโ
Waxaa kaloo Shirweynahaas ka Hadley Ustaad Faarax Cumar Nuur oo ka socdey NUSOJ, Xasan Cali Geeseey oo ka socdey SIMHA, Abuukar Albadri oo ka socday IMS/FOJO, Farxiya Maxamed Khayre oo ka socotey Ururka SWJ iyo Muxyadiin Rooble oo ka socday Radio Ergo/IMS-FOJO, waxayna dhamaatood ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin qabsoomida daahfurka iyo saxiixa habraaca bedqabka warbaahunta Soomaaliyeed.
Dhanka kale Shirweynaha SOMA ayaa waxaa lagu doortey Gudoomiye, Gudooomiye ku xigeen, Xoghayaha Guud iyo Xubnaha kale ee guddiga Fulinta, waxaana xilka gudoomiyaha ku Tartamey Maxamed Cismaan Makaraan iyo Sharmaarke Maxamed Axmed waxaana 25 Cod iyo 5 Cod ku Guuleystey Maxamed Cismaan Makaraan oo ka socdey (Hiiraan Weyn Radio) ooย ย si rasmi u noqdey Gudoomiyaha SOMA.
Xilka gudoomiye ku xigeenka waxaa u tartamey Axmed Caydiid Diiriye iyo Hilaal Shiikh Shuceyb waxana 18 Cod iyo 10 Cod ku Guuleystey Axmed Caydiidย ย Diiriye oo ka socdey (Radio Sooyaal Kismaayo) oo Noqdey Gudoomiye Ku Xigeenka sidoo kale Xoghayaha guud waxaa u tartamey Maxamed Cabdiwahaab Cabdulaahi iyo Axmed Maxamed Caano Geel waxaana 25 Cod iyo 5 Cod ku guuleystey Maxamed Cabdiwahaab oo ka socdey Radio Risaala Muqdisho oo noqdey xoghayaha guud ee SOMA.
Shirweynahaas waxaa lagu doortey lix xubnood oo guddi fullinta ka tirsan waxayna kala yihiin Axmed Maxamed Caano Geel, (Codka Nabada, Gaalkacyo) Hilaal Shiikh Shuceyb (Warsan Radio, Baydhabo), Hanad Cabdi Faarax (Radio Codka Mudug), Maxamed Axmed (Radio Kulimiye, Muqdisho), Ibraahim Cabdi Xasan (Istar FM Soomaaliya) iyo Axmed Ciise Gutaale (Mustaqabal Radio, Muqdusho).
Gaba gabada shirka waxaa laga soo jeediyey lana qaybiyey nuqul lagu faahfaahiyey qaababkii loo isticmaaley dhaqaalihii u soo xaroodey SOMA,waxaana halkaas warbixin ka hadleysa dhaqaalaha ka jeediyey Madaxii Maaliyada Cabdulaahi Maxamed Xasan ( Black) oo kula dardaarmey xubnaha cusub in ay raacaan habkii wanaagsanaa ee ay u maamulayeen maaliyadda SOMA, ugu dambeyn ka qayb galayaasha ayaa halkaas lagu Gudoonsiiyey Shahaadooyinka aqoonsi oo ah ka mid ahaanshaha SOMA.
Dalladda SOMA ayaa markii hore lagu aas-aasey ilaa 13 Idaacadoodย ย Shirweyne ka dhacay dalka Uganda, hadda dalladda SOMA waxaa ku mideysan in ka badan 3o xarumo warbaahineed oo shaqaynaya.