In kabadan Afartan Dumar ah oo ku shaqeysta xirfadda Umuliso dhaqameedka kana kala yimid degmooyinka & deegaanada Gobolka Banadir ayaa qaatay tababar looga hadlaayey kahortagga dhibaatooyinka ay kala kulmaan Haweenka goobaha ay ku umulaan ee aan Isbitaalada ahayn.
Xaliimo Ibrahim Eenow oo qaadatay tababarkan ayaa kamid ah haweenka Umuliso dhaqameedka ah ee ku nool Degmada Dayniile ee Gobolka Banadir waxa ay sheegtay in mudo 10 sano ah ay howshan umulinta ah ay ku dhax jirtay haween badana gacanteeda ay ku dhalisay, tan iyo 2012-kii oo ay howshaan ka baratay Haweeney ay deris ahaayeen.
Waxa ay ku faraxsan tahay in ay qaadatay Tababarkaan oo ay aaminsan tahay in waayo aragnimo xaga shaqadeeda ah kusoo kordhiyey, sidoo kalana ay rajeyneyso in ay sii hormariso shaqaada Umulisanimo.
Xaliima ayaa qirtay haweenka Ugubka ah aysan iyadu dhalin, kuna taliso in ay la xiriiraan Isbitaal maadaama ay dhici karto in gabadha ay u gudan tahay qaab fircooni ah loona baahan yahay in marka la dhalinayo la baneeyo boos uu cunuga kasoo bixi karo iyo in ay yihiin qaarkood gabdho yar yar oo aan lahayn kaf wayn oo uu soo maro cunuga taaso qatar badan ay kala kulaman haweenka. Sidoo kalana ay jiraan in bulshada halka ay ku nooshahay ay ku qanacsan yihiin Umuliso dhaqameedka, iyaga oo u fiirinaya lacagaha ku baxaya.
“Horay wacyi galintaan uma qaadan lakiin maanta waa la ii faaiideyay waxaan ogaaday dhibaatada ay leedahay umuliso dhaqameedka waxaan ogaaday in faaiido aysan laheen oo lagala kulmo xanuuno badan sida dhabar xanun xundhur xanun iyo kafka oo gabadha xanuuna”.
Sumayo Cumar oo xubin ka ah Hay’adda Ifrah Foundation ayaa SOMA u sheegtay in u jeedka ugu weyn ee Tababarkan loo qabtay uu yahay in laga hortago dhibaatada umuliso dhaqameedka ay ug eystaan haweenka Soomaaliyeed iyo sidii bulshada looga wacyi galin lahaa in dumarka ay geeyaan isbitaalada si ay u helaan xilliga Dhalmada daaweyn iyo adeeg caafimaad oo buuxa.
Waxa ay sheegtay in ay muddo badan ay baaris ku wadeen dhibaatooyinka lagala kulmo umuliso dhaqameedka, ayna la fariisteen haween badan oo qabsatay dhibaatooyinka ay go’aansadeen in ay dardar galiyaan wacyigalinta la xariirta yareynta khataraha ay la kulmaan haweenka xilliga dhalmada marka ay joogaan goobaha umuliso dhaqameedka ah.
Sumaya ayaa xustay in lix bilood oo ay xeryaha dadka soo barakacay eek u yaalla Muqdisho iyo duleedkeeda ay ka wadeen qiimeynta ay kula kulmeen dhowr kiis oo qaarkood xaalad ah ku jiray, kuwaas oo markii dambe ay ku guuleysteen in ay Isbitaal geeyaan. Waxa ay sheegtay in kaliya aysan ku ekeen Muqdisho, sidoo kalana ay xafiisyo ku leeyihiin degaano ka jirsan Mamulada Puntland, Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed, raja weynna ay ka qabaan in ay kordhiyaan tababarada lasiinayo haweenka ka shaqeeya Umuliso dhaqameedka, si ay meesha kaga baxdo khataro badan oo hadda jira.
“Waxa uu yahay ujeedkeena ku aadan tababarka waa in aan helo dad u diyaarsan umuliso nimada iyo in aan wacyi galino dadka aan qibrada u laheen umuliso nimada eek u shaqaysta xirfad umuliso dhaqameed oo umuliso dhaqameed yadii hore la xariira sidoo kle waxan wacyi galinta waxaan geenaa xerooyinka barakacyaasha oo ay ku nool yihiin dadka danta yare e soo barakacay oo haweenka ay umuliso dhaqameedka xirooyinka ka dhaliyaan waxaan u kordhinay faaiido ah in xirfadooda haystaan aqoon klena ay kororsadaan”.
Faadumo Anas Axmed waa hooyo heesata labo caruur ah kuna nool xerada barakacyaasha Al Macallin, ee deegaanka Garasbalay wali waxa ay xasuusataa dhibaatooyinka ay kala kulantay Umuliso dhaqameedka Labadeedii da’ ee ugu horreysay sanadihii 2020, iyo 2021.
Waxa ay sheegtay tilamamtay in labo caruurta ah oo ay heysato ay ka dhalisay umuliso dhaqameed taas oo ay kasoo gaartay dhibtooyin ay kamid yihiin Dhiig bax iyo in ay gashay xaalad miir dabool ah, labadii mar ee ay ku dhaleysay umuliso dhaqameedka, maadaama aysan qoyskeeda awoodin qarashaadka ku baxaya Isbitaalka.
Faaduma oo guursatay 2016 kaddib markii wiil ka mid dadka xerada kula nool ay is arkodeen hadana ay tahay qoys heesta labo caruur ah ayaa tilmaamtay in ay wali ay dareemeyso dhabar xanuun daran oo kasoo gaaray umuliso dhaqameedka xilligaas, laakin waxa ay hadda sii aruursaneynaa lacag si ay markaan ugu dhasho Isbitaal leh qalab dhameystiran oo aan dhibaato kasoo gaarin.
Waxa ay SOMA u sheegtay in ay jiraan Haween badan oo ay taqaanay kuwaas oo ku Umul raacday xerada Al Macallin, oo ay ka jirto haweeney Umuliso, halka kuwa kalana ay halis u galeen in ay naftooda waayaan.
“Labada cunug ee igu horesay waxa iga dhalisay umuliso dhaqameed waxan kala kulmay dhiig bax badan cunigayga kowaad waa mamooyin anaga nagala soo barakacay oo haweenka dhaliya ma haystaan qalab fiican iyo xaruumo ay ka howlgalaan dhibaatooyin badan kula kulanaa marraka qaar waxa haweenka ay umuliyaan ay ku dhawaadaan in ay nafwaayaan anaga waxan nahay dad iska danyar oo aan awoodin qrashaadka ku baxaya isbitaalka hadii aan aadno”.
WQ: Shukri Caabi oo ka tirsan Radio Risaala