Dhallinyaro aqoon yahanno isxilqaamay ah ayaa tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkaan ayaa xeebta Liido ee Muqdisho ka waday olole nadaafeed, si meesha looga saaro qashinka iyo waxyaabaha kale ee wasaqda ah ee sida joogtada ah loogu soo shubo, taas oo caqabad ku ah duunyada ku nool badda dhexdeeda.
Cabdisatar Carabow oo ah madaxa ololaha dhallinyaradaan ayaa SOMA u sheegay in fekirkaan uu ku dhashay laba sano kahor balse ugu danbeyn uu hirgalay Shan todobaad kahor, waxa uu xusay in aragtidaan ay ku dhalatay markii uu arkay xeebta oo ay daadsan yihiin qashin isla markaana ayna jirin cid masuuliyad iska saareysa, taasina ay aheyd wixii kiciyay maskaxdiisa, ilaa ugu danbeyn isaga iyo dhallinyaro badan ay bilaabeen ololahan, oo ay sameeyaan maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, si ay usoo saaraan xeeb lagu nasan karo.
Waxa uu tilmaamay in bulshada bilowgii hore ay u arkayeen wax aan suuragal ahayn in lasameeyo, oo xitaa mararka qaar lagu sheego kuwa camal la’aan ah, balse isaga iyo kooxdiisa ay u dhabar adeegeen, taas oo keentay in Shirkada Muqdisho qaar ku tabarucaan Gacma-gashi, iyo sidoo kale bacaha lagu qaado qashinka.
Dhallinyarada uu Cabdisatar kamid yahay ayaa rajo weyn ka qaba in ololahaan mid lamid ah ka bilaabaan degaanada kale ee dalka ee leh badaha iyo wabiyada, Sidoo kalana ay sameeyaan wacyigain la xiriirta Nadaafadda si bulshada faham fiican uga qaadato.
“Runtii aad baan ugu faraxsanahay in uu ugu danbeyn hirgalo barnaamij aan laba sano ka fekirayay tani waxaan rajaynayaa in uu isbeddel degaan abuuri doono oo lagu badbaadinayo dadka iyo duunyada kale eek u nool xeebta” Ayuu yiri Cabdisataar.
Barnaamijkan lagu qurxinayo xeebta waxay fursad ballaaran u noqotay ardayda jaamacadaha dalka ka barta cilmiga shaqada bulshada ama Social work kuwaasi oo wax badan ka faaiday aragti ahaan wixii lagu baray jaamacadda oo aheyd u shaqeynta bulshada si isxilqaan ah.
Caisha Xasan Subeyr oo kamid ah ardayda ka qeyb qaatay ololahaan ayaa aad ugu faraxsan in ay ka qeyb noqoto wax kasta shaqadaan isxilqaanka ah si bulshada caasimada ugu soo nasiino tagaan xeebta iyada oo aan ka muuqan wax nadaafad darro ah.
Waxa ay tilmaamtay in daraasadda ay Jaamacadda Muqdisho ku qaadaneysay Afar sano ay hadda ku aragto si tijaabo ah, maadaama ay howshaan hayso muddo saddex todobaad ah, sidoo kalana ay jiraan qaar kamida ardayda saaxibadeed ah ay kusoo biireen Olalaha nadiifinta xeebta Liido ee Muqdisho.
“Ka Caisha ahaan annigu ololahan waxaan u arkaa mid faa’dio weyn inoo ah haddii aan nahay bulshada ku nool caasimadda, ka warran marka aad ku dalxiisto xeebta oo aad aragto wasakh runtii kuma riyaaqeysid, waxaana dhallinyarada reer Muqdisho si gaar ardayda barata culuumta Social Work u sheegayaa in ay ka qeyb qaataan barnaamijkan”. Ayey tiri Caisha
Sida lagu xusay barnaamijka degaanka ee Qarrmada Midoobay, wax soo saarka waxyaabaha balaastikada dunida ayaa lagu sheegay in sannadkii isu beddelaan wasakh ahaan uu gaarayo 381 million tan, waxaana la rajeynayaa in uu laba jibaarmo sannadka 2034-ka.
Bahda ka shaqeeya arrimaha degaanka ayaan arrintan aad ugu walaacsan taasi oo ay ku sheegeen in ay tahay dhibaato kusoo wajahan dunida.
Axmed Cabdi Cusmaan oo ah aasaasaha Madasha Degaanka Soomaaliyeed, ayaa SOMA u sheegay in arrintan la xiriirta nadiifinta xeebta ay tahay arrin weyn oo xilligeeda timid isla markaana ay aad usoo dhaweynayaan ka urur ahaan, marka loo eego, khataraha ka jira badda ee la xiriira wasakhda.
Axmed waxa uu xusay in loo baahan yahay in dadaalkan si wadajir ah loogu qeyb galo isla markaana dhallinyarada ka ak dhow xeebta ay masuuliyad ka saran tahay hagaajinta xeebta.
“Degaanka in la nadiifiyo waxay masuuliyad ka saran tahay qof kasta sidaas darted waxaan dhiirigelinayaa qof kasta oo ficilkaas qurxoon sameynaya, aad baana usoo dhaweynayaa dhallinyarada manta fahmay muhiimadda ay leedahay in xeebta la nadiifiyo,” ayuu yiri Axmed.
WQ: Maxamed Xasan oo Radio Himilo ka tirsan.