Dhallinyaro ka kooban saddex iyo toban, ayaa Iskuulada, Jaamacadaha, iyo meelaha fagaarayaasha ah ee Muqdisho waxa ay ku beerayaan geedaha sida dhaqsaha leh ku baxa iyadoo ujeedkoodu yahay yareynta saameynta isbaddelka cimilada adduunka, iyaga oo howshaan wadaan tan iyo bishii Maarso ee sanadkaan.
Axmed Cabdi Cusmaan oo ah horjoogaha kooxdan dhallinyarada ah ee ku midoobay magaca Madasha Deegaanka Soomaaliyeed ayaa SOMA u sheegay in howshaan ay ku dhalatay kaddib markii uu ku fikiray sida wax looga qaban karo abaaraha iyo fatahaadaha kusoo laalaabta dalka.
Waxa uu xusay in dhirta ay kusoo gaarto qaab dalab ah, iyaga oo lacago ku siiya dadka geedaha iibiya, kaddibna ay geeyaan goobaha ay ugu talagaleen in ay ku beerayaan, iyaga oo aan wax lacag ah ka qaadin. Axmed ayaa sheegay in sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay ay beereen in ka badan Konton geed oo intifaac leh.
Ujeedada kale ee ay dhirta u beeraan ayaa ah sidii ay bulshada uga heli lahayd harsi fiican, marka lagaa xilliga jiilaalka oo magaaladu kuleyl daran uu ka jiro. Geedaha ay beeraan dhallinyaraaan waxaa kamida Showliga, waxaana ay ku beereen in kabadan sideed Iskuul, todobodo Jaamacad, iyo meelaha kale, si ay qeyb kaga noqdaan bilicda deegaanka iyo yaraynta khataraha uu isbedelka cimiladu keeno.
Axmed Cabdi & kooxdiisa oo waday kahor inta aysan bilaabin howshan dhir beersita ah, wacyigali ku saabsan muhiimada ay leedahay in geed la beero, ayaa rajeynaya in ololahooda ay gaarsiiyaan illaa gobolada, si ay meesha uga saaraan dhaqanka dhir jarista, taa baddelkeedna ay bulshada beerto, si deegaanka uusan ugu dhicin nabaad guur.
“Anaga waxa Muhammad no ah in aan dib usoo Celino deegaanka burburay oo aan qurxino oo soomaaliya aan ka dhigno meel cagaaran oo dunida kale la tartanta sidaa ognahay dunida meelwalba sida wadooyinka waxa ku beeran dhir ujeedadeen waxay tahay in iskuulaadka magaalada aan dhirtaa ku beerno kadibna meelaha kale ee muhiimka ah aan ku beerno si bilicda magaalada ay uga qayb qaadato”.
Masuuliyiinta meelaha ay dhallinyardaan ku beereen geedaha ayaa soo dhaweeyey howshaan, iyaga oo dhiirigaliyey in laga wada qeyb qaato dhir beerista si kor loogu qaado bilicda magaalada.
Cabdiqaadir Nuur Ciise oo ah maamulaha Iskuulka 21 Oktoobar ee ku yaalla degmada Warnabadda ee Gobolka Banadir, kana mid ah dugsiyadii ka faa’iideystay ololahaan dhir beerista, ayaa sheegaya in qeyb weyn ay ka qaadaneyso dhirta loo beeray bilicda Iskuulka iyo in ardayda ay helaan hawo fiican, iyo harsi waqtiyada ay ku jiraan nasiinada.
Wuxuu uu tilmaamay in lagu beeray Iskuulka 21 Oktoobar illaa Sideed geed oo kala duwan, ayna ku faraxsan yihiin in ay ka mid noqdeen goobaha ay dhallinyada gaarsiyeen geedaha, islamarkaan ay caawinayaan kuwa kale ee horay ugu yaallay Iskuulka, marka ay baxaan.
“Horta dhalinyaradu waa ay is xilqaameen waliba si wanaagsan ayay isku xilqaameen wixii tabartooda ahna waa ay sameeyeen oo ay ugu tala galen is ay uga qayb qaataan bilicda iskuulka waxan leenahay waa ay ku mahadsanyihiin geedahasna ma filled ismana lahayn dhalinyaro is xilqaantaa geedo idinkeeni doonta laakiin waan ku faraxnay markay inoo keenin dhirtaas waliba wacyigalin iyo baraarujin ayay nogu smeyeen ardayda team ku shaqa lahaa araimaha deegaanka iyo dhirta oo iskuulka ka dhisnaa ayagana waxay siiyeen wacyigalin”
Aqoonyahanada ayaa qaba in fikirka dhallinyaradaan kusoo kordhiyeen magaalada ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana lagama maarmaan u tahay in ololahaan la gaarsiiyo miyiga, si loo yareeyo geedaha la jaro.
Maxamuud Axmed Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed arimaha deegaanka ayaa SOMA u sheegay in dhirto ay faa’iido badan u leedahay deegaanka, sidoo kalana ay dhirto ka ilaaliso nabaad guurka ku dhaca carada, iyo in ay ka qayb qaadato qaboojinta kuleelka deegaanka.
Waxa uu tilmaamay in xilligii dowladii dhexe jirtay maalmo dhir beeris ah oo ay bulshada ka qayb qaadato, islamarkaana ay yareyneyso saamynta isbedelka cimilada, maadaama Soomaaliya sanadihii dambe ay isbadelka cimilada saameeyeen.
Aqoonyahan Maxamuud ayaa ku talinaya in qof walba oo Soomaali ah uu geed ku beero deegaanka uu ku nool yahay, maadaama ay ka qeyb qaadaneyso in roobka uu da’o, sidoo kalana ay yareneyso in abaaraha ay dhacaan.
“Runtii cidwalba waa ay ogtahay geed oo la beera hal geed oo la beera in deegaanka ay wax utaraydo qofkastana naftiisa ayay an facaysaa cafimaadkiisa iyo noloshiisa ayay wax utaraysaa marka geed in labeera waa arin muhiim ah qofkastoo soomaaliyeed waxa maduuliyad ka saarantahay ilaalinta dhirta hadiisan uu geed beerenin ugu yaraan waa in uusan geed jarin hadii geed loo isticmaalo daawo ama dhar ama waxyaabo kle oo nolodha muhiim u ah waa in badalkiisa la beera”
WQ: Shukri Caabi, oo kamida Radio Risaala-Mqudisho