In kabadan Labaatan Gabdhood oo ka kala yimid gobollada Bay, Bakool, Mudug, & Gedo oo ay si daran u saamesay abaara ka jira dalka ayaa soo gaarayey Muqdisho tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii hore, si ay u caawiyaan qoysaskooda.
Muumino Xuseen Cali oo soo gaartay Muqdisho bishii Nofeember ee sanadkii 2021, ayaa sheegtay in kaddib xaaladda adag ay galeen qoyskeeda oo ay ka dhamaadeen xoolo ay dhaqan jireen, ay go’aansatay in ay usoo shaqeyso si ay ugu yaraan u helaan wax ay nafta ku ceshadaan.
Maalmo ay usoo lugeyneysay Xudur illaa Baydhaba iyada iyo gabdha kale oo la socday, ayey ku dhalatay in ay usoo wareegto Xamar, maadaama ay shaqo ka weyday Baydhaba oo ay ku sugneyd muddo Afartan cisho ah, lacagta gaariga ay uga soo raacday Magaalada ay isugu soo dardareen dad ay ka baratay.
Muumino oo hadda shaqaala ka ah Maqaayad ku taalla Xaafadda Ansalooti ee degmada Waaberi ayaa SOMA u sheegtay in Boqol dollar oo ay qaadato bishii ay u dirto qoyskeeda oo iyada uun eegana, maadaama ay yihiin Sideed carruur ah oo kan ugu yar uu jiro Laba sano & Hooyadeed oo iyana naafa ah
Waxa ay dareensan tahay in aysan ku filneen lacagtaas, maadaama ay ku nool yihiin xerada dadka soo barakacay ee Tawakal oo ku yaalla Magaalada go’oonka ku jirta ee Xudur, taas oo maciishadeeda ay aad qaali u yihiin.
“Kowdii beeraley aheen beeraha way naga abaarsadeen awaara na waday xoolaha way naga dhamaadeen xamara usoo baxnay, 15 bari jidka kuso jirnay kadin waxan helnay. Baabur faaruq ah kadib afgooye imaanay kadib dad lacag nasku ken dardaray sidaasa xamar ku imaanay ilaa buura soo lu geenay hadana afgooye iyo leegaa soo lugeenay sas ayaan xamar kuso gaarnay”.
Xadiyo Ugaas Jaamac iyo Afar gabar oo kale ayaa iyana uga soo tagay degmooyinka Garbahaarey & Luuq oo Gobolka Gedo ka tirsan, kaddib markii ay abaar dad & duunyaba saameyn ku yeelatay ay ka dhacday Gobolka, taas oo ku qasabtay in Kumanaan qoys ay ka cararaan deegaanadoodii.
Horraantii bishii Janaayo ee sanadkan ayey Xadiyo timid Muqdisho, markii ay lacag dhan Lixdan dollar ay deen ahaan uga soo qaadatay kusoo aaday Muqdisho oo ay rajo wanaagsan ka qabtay in ay shaqo ka heleyso si ay u caawiso qoyskeeda oo ay abaartu saameynta adag ku yeelatay.
Waxa ay hadda u shaqeysay cid degan Xaafadda Shanta geed ee Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banadir, oo ay bishii ka qaadato Sideetan Dollar. Bishii lasoo dhaafayna qeyb kamida lacagtaas deynta oo ay ahayd $30 ay isaga bixisay, halka $50 ay dirtay Hooyadeed si ay u masruuftaan.
Xadiyo Ugaas kahor imaanshiyaheeda Muqdisho waxa ay ahayd qof kaliya ee qoyskeeda xoogga u ah, iyada oo suuqa u qaadi jirtay Caanaha laga maalo xoolihii ay lahaayeen kahor inta aysan abaarta ka dhicin Gobolka Gedo, lacagaha ay kusoo gatana ay qoyska rashin ugu soo iibin jirtay. Rajada ugu weyn ee ay leedahay xilligaan ayaa ah in ay qoyskeeda ay ka saarto marxaladda adag ee ay abaartu ku yeelatay.
“Waxan u imaaday maadama aan joogay garbahaaray ina aan u dhaq dhaqaaqo qoyskeyga oo abaarta aad usamaysay. Cida hada ushaqeya waa ayna igu filantahay waana ku faraxsanahay waxana rajeenaa inan helo shaqo tan ka wanagsan si aan lacagta ka helo wax u barto qoyskeenana ubiilo. Markii hore nolosheena waxay ahayd mid wanagsan oo aad an ugu faraxsanen”.
Mumino Xuseen Cali waxay sheegtay in markay timid Xamar ay la kulantay dhibaatooyin badan intii shaqo raadinta ay ku jirtay. Waxa ay tilmamtay in shaqadii ugu horresay ay hesho ay ahayd canjeero aroorta hore loo dubayo maqaayad oo maalintii ay ka qaadanaysay 50 kun oo Shillin Soomaali ah taas oo ay usoo heleen dad qaraabadeeda ah.
Balse mudo labo bil ah oo maqaayada ay u shaqenaysay ay kala kulantay in ay lacagta ay ku heshiyen ay siin waayeen oo haaf ay ka jarten iyagoo ku mar marsiiyo uga dhigayey in aysan shaqada ugu qaban si ay ku qanacsan yihiin, ugu dambeyna ay kasoo tagtay mudo ay raadineysayna shaqo ay heshay Maqaayaddan oo qol yar uu kasiiyey Milkiilaha si uu deegaan ugu noqdo, kaddib markii ay uga warrantay xaaladeeda, maadama aysan iska bixin Karin lacag haddii ay qol kireysato.
“Qol i gooni ah ma haysto waxan la her galaa dadka. Markaan gobolka joogana ma arkin wax gar gaar ah iyo hay ad na caawisa ma helin”.
WQ: Shukri Caabi oo Radio Risaala ka tirsan