Qaar ka mid ah dadka soo barakacay ee ku nool xeryaha Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay isbadal ku sameeyaan qaarkood noloshadooda maadaama muddo dheer ay barakac ahaayeen, waxaana qaarkood dadaalo ay sameeyeen ay ku abuurteen ganacsiyo ay shaqo ka heleen dad kale.
Xasan Dheere Sannadkii 2015 ayuu bilaabay in uu hareeraha waddooyinka ku iibiyo shaahiga oo uu markaas u arkayay xalka keliya oo uu ku maareyn karo noloshiisa iyo midka reerkiisa oo ka kooban Toban carruur ah & Hooyadood, iyo sidoo kale waalidkiis.
Xasan waxaa u suura gashay in sannadkii 2020 uu hirgeliyo qol yar oo uu ku iibiyo cunnada uu ka sameeyo noocyada kala duwan ee dalagga dalka, isaga oo ay ku xiran yihiin macmiil badan, waxa ay goobtiisa shaqada furan tahay gelinka hore iyo gelinka danbe ee maalinkii halka wakhtiga u dhaxeeyana uu waxbarto
Waxa uu SOMA u sheegay in shaqadaan ay uu ku abuurtay muddo badan oo uu dhaqaaqo aruursanaayey, haddana ay wax badan ka baddeshay nolosha qoyskiisa, maadaama uu helo maalintii lacag u dhaxeysa 15 ilaa 20 dollar oo faa’iido ah, isagana uu degan yahay saddex qol & barsad, uuna kasoo guuray xero ku taalla degmada Kaxda oo ay degan yihiin dadka soo barakacay oo uu kamid ahaa.
Xasan oo ku dhawaad 10 sanno kahor ka yimid baadiyaha degmada Qoryeeley ee gobalka Shabellada Hoose xilligaasi oo uu kasoo barakacay dagaalo iyo abaaro isbaahsaday oo ka jiray ayaa sameeyey ficillo ka saacidaya sidii uu ku maareyn lahaa noloshiisa, markii ugu horreysayba waxa uu bilaabay in uu ka shaqeeyo maqaayad ku taallay halku uu ku degganaa caasimadda oo aheyd degmada Dharkeynley, wixii intaasi ka danbeeyay waxa uu fahmay jawiga magaalada.
“Runtii duruufo adag oo ka jirey magaaladii aan ku noolaa ayaa sababtay inaan soo barakaco, markii aan Xamar imaaday way igu adkaatay nolosha, maqaaxi baan ka shaqeeyay, xoogahaa yar oo aan arruursaday ayaa ii suuragelisay hirgelinta halkaan, aad banana ugu faraxsannahay,” ayuu yiri Xasan Dheere.
Qaar ka mid ah dadka soo barakacay ee shaqada ka helay xarunta uu sameeyay Xasan ayaa sheegay in nolol maalmeedka Carruurtooda ay ku dabaraan.
Cabdullaahi Xuseen Cali oo kamid ah dhallinyarada halkaan fursadda shaqo ka helay, bishii April ee sanadkan ayaa sheegaya in fursadan ay u tahay mid weyn oo nolol ahaan wax badan ka saaciday, maadaama uu hal kaliya ka shaqeeyo Maqaayaddaan.
Waxa uu tilmaamay in labadii sano ee lasoo dhaafay uusan qabaneynin wax shaqo ah, kaddib markii uu ka burburay gaari gacan uu ku xamaala jiray, kaas oo marna uu soo heli jiray biilka marna uu waayi jiray.
Cabdullaahi in afartii bil ee lasoo dhaafay uu habeen walba dib ugu laabanaayey qoyskiisa, isaga oo wata lacag u dhaxeysa 25 kun illaa 35 oo shilin Soomaali ah oo uu Maqaayada shaqaalaha ka yahay ka helo, iyadoo galinka hore ee maalinkiina uu magaalada kasoo qaraabto.
Cabdalla: “Afar billood oo aan halkaan ka shaqeynayo isbeddel ayaa ku yimid nolosheyda, waxaan ahay qof dhallinyaro ah, tani waxay igu dhiiri gelineysaa inaan noqdo msutaqbalka qof isaga loo shaqeeyo oo dadka shaqo u abuura”.
Sannadihii danbe dadkeenna waxay fahmayeen adeegsiga dalagga dalka oo ka wax tar badan cunnooyinka dibadda laga keeno, sida ay qabaan khuburada kuwaasi oo la warshadeeyo marka loo eego kuweenna.
Asad Nuur waxa uu kamid yahay macaamiisha Maqaayadda Xasan Dheere isaga oo joogto ah ugu xeran halkaan maadaama uu ka helayo cuntada laga sameeyo dalagyada kala duwan ee dalka ka baxa.
Waxa uu tilmaamay in muddo lix bilood ee lasoo dhaafay uu maqaayadan ku xirnaa, sidoo kalana ay jirto talooyin badan oo ku aaddan isticmaalka raashinkaan lasiiyey, maadaama aysan lahayn Sokor, & dufan toonna, isaga oo rajeynaya inuu sii wado illaa hadafkiisa oo ah dhimista miisaanka ka gaarayo.
“Sida iska cad xittaa markaan joogo meel isaga ka baxsan waan tabaa canbuuladiisa oo ka kooban galleey, digir iyo salbuko, ujeedka ugu weyn ee aan u adeegsado ayaa ah sidii miisaanka isaga dhimmi lahaa,” ayuu Yiri Asad oo kamid ah macaamiisha goobtan.