Jimco 12 May 2023 Tababarkan lagu baranayay Badqabka saxafiyiinta oo ay ka faa ideysteen in kabadan 20 suxufi ayaa maanta Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee Soma ku so gabagabeysay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Ujeedada Tababarkan loo qabtay ayaa aheyd sidii hoos loogu dhigi lahaa qataraha ay wajahayaan suxufiyyinta xiliyada ay ka howlgalayaan goobaha Colaadaha iyo musiibooyinka Dabiiciga ah
Xoghayaha Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Osman Makaran ayaa la Dartaarmay Suxufiyiintii lo so gabagabeeyay tababarka waxana uu kula taliyay Agaasimayaasha iyo tafatirayaasha in ay si dhaw ula socdaan goobaha ay u dirayaan Suxufiyiinta.
Makaraan ayaa sheegay Tababarkan in horay loogu qabtay Magaalooyinka Kismaayo Baydhabo muqdisho dhuusamareeb iyo magaalooyin kale si loo yareeyo qatarta suxufiyiinta Soomaaliyeed.
qaar kamid ah suxufiyiintii ka qeyb galay tababarka ayaa sheegay in ay waxbadan ka fahmeen qatarta iyo halista ay ku shaqeeyaan warbaahinta soomaaliyeed waxana ay u mahadceliyeen Daladda SOMA madaama ay tababar muhiim ah ahaa ay u qabteen.
Gabagabadii Xoghaye Makaraan ayaa u Mahadceliyay Hay”adaha IMS iyo FOJA oo oo suurta giliyay in tababarkaan maana la qabto.