Axad 21 May 2023 Tababarkan ay Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA manta ku so gabagabeysay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa lagu baranayay tabinta wararka Arimaha Bulshada waxaana faa ideysteen in kabadan 20 suxufi oo ka kala yimid Dagmooyinka Gobolka Hiiraan.
Xoghayaha Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Osman Makaran ayaa ka hadlay gabagabada tababarka ayaa ku dheeraaday ka sheekeeynta muhiimada uu leeyahay tababarka ku saabsanaa tabinta wararka Arimaha Bulshada.
Waxana uu kula dartaarmay Suxufiyiintii tababarka lo so gabagabeeyay in ay si wanaagsan uga shaqeeyaan tabinta wararka la xiriira Arimaha bulshada kuwaas oo muhiim u dadka soomaaliyeed.
Xoghaye Makaraan ayaa gabagabadii u mahadceliyay Hay”adaha IMS iyo FOJA oo taageero dhaqaale ku bixiyay qabsoomida tababarka ku saabsanaa Tabinta wararka Arimaha Bulshada.
Qaar kamid ah suxufiyiintii ka qeyb galay tababarka ayaa sheegay in ay waxbadan ka fahmeen tabinta wararka arimaha bulshada ,iyagoona u mahadceliyay Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo tababarkan ku qabatay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.