Isticmaalka daawo aan dhakhtar kuu soo qorin, waa waxa ugu badan ee ay dhakhaatiirta Soomaaliyeed kaga digaan bukaanada. Balse waxaa jira dad isticmaala Daawooyin uusan Dhakhtar usoo qorin, iyaga oo ka doonanaya Farmashiga.
Nuuca ugu badan ee daawadu dadka ay si iskood ah u isticmaalaan waxaa kamida Xanuun baabi’iyaha iyo kuwa kale ee Qalajiyaha.
Bukanada ayaa dalabkooda Sharoobo ama Kaniini iskooda u doorta halka kuwa kalana ay ugu warbixiyaan xanuunada haaya qofka farmashiyaha joogo si loo siiyo dawada uu ku bogsoon karo asigoo aanan marin baaris caafimaad.
Si isku mid ah ayey Ragga iyo Dumarka uga iibsadaan Daawooyinka goobaha farmashiyayaasha ah ee ku yaalla Muqdisho.
Faadumo Cali Xuseen waxa ay kamid tahay dad sida joogtada ah farmashiga uga doonta daawooyinka haddii ay xanuuno dareento. Waxa ay sheegeysaa in baaris caafimaad aysan marin.
Sababta waxa ay noogu sheegtay in aysan awoodin bixinta lacagaha lagu aado Isbitaalada. Faadumo oo qiyaas ahaan ku jirta da’da Sodomeeyada ayaa sidoo kale noo sheegtay in marar qaar ay dhacdo in ay iibsato kaniini oo uusan waxba ka tarin, ay hadana qaadato Cirbad ama Sharoobi, si ay u daaweyso xanuunka haaya markaas.
“Marka uu Madaxa ama Lafaha i xanuunaan, waxaan tagaa Farmashiga, si aan uga soo qaato daawo, kadib waan isticmaalaa, dhakhtar iima qoro daawadaas, Ilaah waxyeelo igama soo gaarsiin, kaliya waxaan la tashadaa qofka jooga Farmashiga” Ayey tiri Faadumo Cali.
Waxa ay hadalkeeda raacisay “Sidoo kale qofka meel xanuunto, iyo Ciyaalka xitaa waxaan u sheegaa in ay Farmashiga daawo kasoo qaataan. Aniga ayaa dhakhtar isku ah, Isbitaal ma aado, sababtoo ah ma awoodo lacagaha ku baxeysa”.
Shariif Maxamed Sheylillaah waa gade farmashiye waxa uu nala wadaagay in dadku aysan isku mid u siinin daawada, oo ay jiraan kuwa la yimaada Warqad caafimaad oo ay daawooyinka ku siiyaan.
Shariif waxa uu sidoo kale ii sheegay in aan wax daawo ah la siinin dumarka inta ay su’aal badan weydiin, haddii aysan wadan Warqad cadeyn ah.
“Xanuunada dadka ay sheegtaan waxaa ugu badan Gaas, Madax-xanuun, iyo Ekfashinka caloosha. Daawada waan ka iibinaa dadka laakiin Rag iyo Dumarka isku mid maahan. Waxaa jira Su’aallo aan weydiineyno qofka Haweeneyda ah, sida in ay Uur leedahay oo kale iskama siino wax daawo ah”. Ayuu yiri Shariif Maxamed.
Dadku kama wada sinna isticmaalka daawada aan dhakhtarka usoo qorin, oo waxaa jira dad marka ay dareemaan xanuun si deg deg ah ula xiriira Isbitaal si ay xaaladooda ula socdaan.
Aamina Xuseen Cali oo kamida dadka sidaas qaba ayaa noo sheegtay in ay dareensan tahay Isticmaalka Daawo laga qaato Farmashiga ay dhibaato u keeni karto.
Sababta sidaas ay u sameyso waxa ay ka dambeysay kadib markii ay kala kulantay xalaad caadimaad darro, oo sabab u noqotay in Isbitaal loo jiifiyo Daawo ay ka iibsatay Farmashi si ay u isticmaasho.
“Mar waxaa dhacday in Mindhiciraha i xanuunaan, ma haysan lacagta aan dhakhtarka ku aadi lahaa, waxaan tagay Farmashi, xanuun saa’id ah Ayaan dareemay, waxa uu I siiyey kiiniga Kaabsool ah. Aniga iyo ninka jooga Farmashiga waxba isma dhaamin. Hal xabo markii aan cunay xanuunkii ayaa iiga daray”. Ayey tiri Aamina Xuseen.
Iyada oo hadalkeeda raacisay “Xameetida ayaa dhagax iiga jiray, waxaan galay Koobo, oo dhowr maalin ayaa Isbitaalka ku jiray. Maalintaas kadib waxaan go’aansaday in aan farmashi ka qaadan Daawo uusan dhakhtar ii soo qorin, xitaa haddii madaxa i xanuuno”.
Dr Yuusuf Maxamed oo qaabilsan cudurada Guud ayaa Barnaamijka Wadaagga SOMA u sheegay in xanuuno gaar ah ay ku dhici karaan, qofka isticmaala daawo aanan u qorin dhaqtar, isagoo xusay in dalalka kale ee horumaray dambiile ka noqonayo in bukaanka lasii Daawo aan loo qorin.
Dr Yuusuf waxa uu sheegay in ay jirto habacsanaan dhanka Wasarada Caafimadka ah, oo la xiriirta hubinta dadka furanaya Xarumaha Caafimaad aqoontoda.
“Qofka wuu la kulmi karaa dhibaato caafimaad, xitaa haddii uu qaato daawada xanuun baabi’iyaha. Kaniiniga Takamoolka tusaale ahaan waxa uu ka kooban yahay dhowr nuuc, qofka marka uu si joogto ah u isticmaalo waxaa dhici karta in Killiyaha ay shaqada joojiyaa/istaagaan”. Ayuu yiri Dr Yuusuf
Isaga oo sii hadlayey waxa uu yiri “ Qofka marka uu daawo aan sax ahayn siiyo bukaanka, waxaa lagala noqdaa Ruqsada, wadamada Horumaray, laakiin dalkeena waxaa jira duruufo badan, Wasaarada Caafimaadka oo aan iyana doorkeeda ciyaarin”.
W/Q: Maxamed Bootaan Yuusuf oo ka tirsan Radio Risaala.