Waxaa maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 27-ka November 2017-ka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka furmay shirka Guddiga fulinta Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA), kaasi oo 6-dii bilood kadib mar la qabto.
Shirkan ayaa waxaa furitaankiisa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Ururka SOMA Maxamed C/laahi Kooshin, Guddoomiye ku xigeenka Ururka Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi, Madaxa Tababarada Ururka SOMA Axmed Ciise Guutaale, Abuukar Albadri oo ka socday IMS/FOJO, C/raxmaan Taysiir oo ka tirsan Radio Ergo, xubno SOMA ka tirsan oo ka socday Gobolada dalka iyo masuuliyiin kale oo shirka lagu casuumay.
shirka guddiga Fulinta waxaa soo xaadiray xubnaha guddiga fulinta oo kala ah:
Maxamed c/llahi Kooshin, Maxamed C/wahab, Axmed Ciise Guutaale, C/llahi Xasan Black, C/fitaax Macalin Nuur, C/Kariin Bulxan, Maxamed Makaran.
Shirkan ayaa wuxuu gaar u yahay xubnaha Guddiga fulinta oo ka kala yimid Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka, inkastoo ay jiraan xubno maqan, balse waxaa buuxa kooramka loogu tala galay shirka.
Maxamed C/laahi Kooshin oo shirkan furay ayaa sheegay shirkan in looga hadlayo ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin waxyaabihii Ururka u qabsoomay sanadkii tagay, Qorshaha SOMA ee sanadkan soo aadan, Hormarka Ururka iyo Arrimo la xiriira Barnaamijka Wadaagga oo ay soo diyaariyaan warbaahinada xubinta ka ah SOMA iyo kuwo kale.
Wuxuu sheegay Guddoomiye Kooshin in yrajeynayaan in shirkan uu noqdo mid ka duwan kuwii hore, waxyaabaha la isku afgartana ay noqdaan kuwo mira dhal ah oo guulo u horseeda SOMA.
Guddoomiye Kooshin ayaa aad ugu mahadceliyay IMS/FOJO iyo Radio Ergo, wuxuuuna ku ammaanay qaabka wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan SOMA, isaga sidoo kale sheegay IMS/FOJO iyo Radio Ergo in ay laf dhabar u yihiin shaqada SOMA.
Shirkan oo sida qorshaha uu yahay socon doona Hal maalin ayaa waxa ay ahayd in xilli hore uu qabsoomo, balse arrimo farsamo awgeed uu maanta ka furmay Magaalada Muqdisho, waxaana gaba gabada shirkan laga soo saari doonaa war murtyeed ay isku raacsan yihiin xubnaha ka qeyb galaya shirka.