Ilaalinta dareenka farxadeed ee carruurta waalidiintu waxay u tahay udub dhexaadka nolasha, hayeshee waxaa mararka qaar ka dhasha waxyaabo aanan la mahadinin ciribtooda balse ka yara dahsoon waalidka.
Mid ka mid ah waa u iibinta carruurta agabyada ay ku ciyaaraan maalmaha Ciidda, gaar ahaan kuwa waxyeeleyn kara caafimaadkood sida Bistooladaha baaruuda iyo midda Kuusha oo dhaawac jireed sababa.
Munasar Yuusuf waa 13 jir, waxa uu ku sigtay in dhawaac darran uu ka soo gaaro ishiisa bidix, isaga iyo saaxibadiis oo is weydaarsanaya bustoolada kuusha oo ay caruurtu ku cayaaraan.
‘‘Isha goonkeeda ayay iiga dhacday kuusha, waxaa soo riday cunug aan isla cayaareynay, ma islaheen isha ayey kaaga dhaceysaa, haddii ay kugu dhacdana wax saameyn ah malahan ayaan islahaa, hadda isha way ii fiican tahay’’. Ayuu yiri Munasr Yusuf .
Marwo Shukri Cabdullaahi waa hooyo dhashay 5 Carruur ah uma iibin ubadkeeda Bustooladaha ay carruurtu ku ciyaaraan, kaddib markii ay la kulantay waxyeello caafimaad oo ka soo gaaray mid ka mid ah carruurta ay dariska yihiin bistooladda kuusha oo ka haleeshay ishiisa bidix
‘‘Carruurtu way jecel yihiin waa sax, laakin aniga inta badan waxaan sameeyaa inan ubadkeyga uga sheekeeyo dhibaatooyinka ay leeyihiin bistooladahaas, waxaan ku qanciyaa agabyo kale oo aan saameyn ku keeneyn caafimaadkooda, waa ay iga diidaan marka hore, laakiin ugu dambeyn waa ku qancaan’’ Ayey tiri Marwo Shukri Cabdullaahi.
Waqtiyada ugu badan ee uu la kulmo Dr. Axmed Cabdalla waxyeellada caafimaad ee ka dhasha bustooladaha ay carruurtu ku cayaaraan waa maalmaha ciida, waxa uuna qaabilay
Maalmihii ciida ee aynu ka soo gudubnay carruur iyo dad waaweyn oo dhaawacyo ay sabab u ahayeen bistooladda kuusha ay ka haleeshay qeybo ka mid ah indhahooda.
‘‘Carruurta iyaga oo ku dheelaya bistooladda kuusha ayey dhacdaa in ay ka waxyeeleyso indhaha, waalidkiina uusan la socon oo uu cunugu ka qariyo, taas oo keenta in caabuq uu isku beddelo waxyeelada ka soo gaartay isha, waxaa dhici karta karta in mararka qaar kiisku uu noqdo mid halis ah’’ Ayuu yiri Dr. Axmed Cabdalla oo qaabilsan cudurrada ku dhaca Indhaha.
In waalidiinta ay xil iska saaraan carruurtooda oo aysan u iibinin waxyaabaha waxyeellada caafimaad keenaya ayey ku talineysaa marwo Shukri Cabdullaahi .
‘‘Qof kasta oo waalid ah carruurtiisa waxaa ka saaran xil weyn, marka aad u gadeyso waxyaabo saameyn caafimaad dhalin kara waxaa habboon marka horre inad is weydiiso waxa ka dhalan kara hadad u iibiso, waxaa wanaagsan inaad wax kale ugu badasho oo an saameyneyn caafimaadkooda’’ ayay ku soo koobtay hadalkeeda.
Kiisas waxyeeleeyay arragga oo saameyn aan sidaas u darneyn u geystay yar iyo weyn ayuu la kulmay Dr. Axmed Cabdalla.
‘‘Hadda kiisaska aan arkay waxay isugu jireen carruur iyo dad waaweyn, waxayna xaaladahooda ahaayeen marxaladda koobaad oo aad uga habboon marxaladaha kale daaweyntooda, waxaa la ii keenay labo carruur ah iyo qof weyn oo carruur ay kaga dhufteen isha Biskooladda baaruudda, runtii xaaladoodu waxa ay ahayd mid meel dhexaad ah, waan la tacaalnay, waxaan u rajeynayaa in ay kazoo bogsadaan dhaawacaas’’. Ayuu yiri Dr. Axmed Cabdalla.
Ilaalinta dareenka farxadeed ee carruurta waa mid muhiim ah, inkastoo ay ka sii mudantahay in laga ilaaliyo agabyada aan caafimaad ahaan u wanaagsaneyn.
W/Q:- Maxamed0-Qadar Cabdi Maxamed oo Radio Himilo ka tirsan.