Ururka SOMA
Sooyaalka SOMA
Taariikhda warbaahinta elekteroonikada ah waxay soo martay heerar kala duwan laga soo bilaabo xilligii gumaysiga.
Dawladdii rayidka ahayd ee xukumaysay dalka laga soo bilaabo 1960 waxaa sagaal sannadood kadib afgembiyey taliskii meleteriga. Mileteriga wuxuu ka talinaayey dalka 21 sannadood iyadoo adeegsanaayey maamul kaligii talis ah, Milereriga wuxuu laalay dastuurkii wuxuuna taa bedelkeeda ku xukumaayey dikareeto, taasoo soo afjartay xorriyaddii hadalka iyo warbaahinta xorta ah.
Kadib markii dawladdii mileteriga lagu saaray kacdoon shacbi iyo kooxo jabhadeed bishii January 1991, waxaa jiray gaabis , waxaana loo baahday in la sameeyo idaacado si gaar ah loo leeyahay. Taasi kadib, warbaahintii idaacadeed ugu horeeyey ee si gaar ah loo leeyahay ayaa laga bilaabay dalka sannadkii 1999, waqtigaasi kadib idaacado kale gaar loo leeyahay ayaa ka abuurmay dalka Soomaaliya oo dhan.
Taasi waxaa ka dhashay in idaacado badan oo gaar loo leeyahay ay haatan ka halwgalaan dalka Soomaliya oo dhan. Xaaladdaasi, waxay abuurtay baahida loo qabo in la sameeyo ururo sida Midowga Warbaahingta Soomaaliyeed ee SOMA oo ka shaqaynaya inay sare u qaado aqoonta iyo kartida idaacadahaasi iyo suxufiyiinta iyadoo siinaysa tababaro xirfadeed si sare loogu soo qaado anshaxa shaqadooda si loo helo idaacado iyo suxufiyiin mas’uuliyad qaadi kara.
Sidaasi awgeed, SOMA waxay ka shaqaynaysaa inay horumariso awoodda idaacadaha xubnaha ka ah iyo suxufiyiinta iyadoo sare loogu qaadayo awooddooda ay adeegyo warbaahineed ku siiyaan bulshada oo daboolaya qeybaha horumarinta dhaqaalaha, bulshada, dhismaha nabadda , waxbarashada bulshada iyo maamul wanaagga.
MAXAY TAHAY SOMA?
Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waa urur warbaahineed oo madaxbanaan, aan faa’iido doon ahayn oo aan ahayn urur siyaasadeed, waxaana sameeyey koox ka mid ah maamulayaasha warbaahinta jooga Soomaaliya.
SOMA waxaa markeedii hore urur ahaan loogu aasaasay magaca Isku Xirka 2013 magaalada Kampala bishii February 2013 iyadoo ay aasaaseen 13 idaacaadood ka jira dhamaan dalka Soomaaliya, waxayna saxiixeen isfaham, waxayna samaysteen dastuur, haseyeeshee, shirkii SOMA ee Golaha Guud la qabtay May 2016 ayaa magaca Midowga Isku-Xirka 2013 loogu bedelay Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA.
Qaab dhismeedka SOMA wuxuu ka kooban yahay Guddoomiye, Guddoomiye Ku Xigeen, Xooghayah Guud iyo Guddiga Fulinta oo ka kooban 7 xubnood.
Ujeedka Midowga waa horumarinta mabaad’iida warbaahin Soomaaliyeed xrifad leh, madaxbanaan oo xor ah oo u taagan horumarinta nabadda, dib u heshiisiinta iyo qiyamka demoqaraadiyadda, iyo gaar ahaan in la xoojiyo awoodda xaruumaha idaacadaha iyaagoo ah kuwa bixiya adeegga dadweynaha ee bulshada Soomaaliyeed, taasoo waxa ku soo kordhinaysa nabadda, dib u heshiisiinta iyo horumarinta.
Uurka waxaa maalgeliya xubnahiisa iyagoo bixiya fee-ga isdiiwaangelinta, qaaraan laga helo Idaacadaha FM-ka xubnaha ka ah iyo iyadoo loo ololeeyo in lacag laga helo hay’adaha wada shaqaynta la leh SOMA.
HIRAALKA
Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) wuxuu leeyahay aragitda ah inuu noqdo Midowga warbaahinta ugu horeeya ee laga xushmeeyo dalka Soomaaliya.
WAXQABADKA
Inuu si waxtar leh u taageero, una dhiirigeliyo madaxbannaanida, danaha dhaqaale iy sharci ee xubnaha Midowga iyadoo loo sii maraayo cilmi baaris tayo leh, dib- u- eegid , la talin, u ololayn iyadoo lala jaanqaadayo nidaamka deegaanka iyo ganacsiga isbedelaya.
QIYAMKA
Qiyamka Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (S)MA) waxaa hogaamiya falsadaha muuhiimka ah soo socda:-
- Xirfadlenimo
- Dhexdhexaadnimo
- Cad-caddaan
- Qiimeyn dhex-dhexaad ah
- Madax bannaani
- Sinnaan
- Wada Shaqeyn Kooxeed
- Ka go’naansho
UJEEDOOYINKA
Ujeedooyinka Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay ku xiddidaysan yihiin rumaysashada sare u qaadidda bulshada. Waxay noqonaysaa injiinka horumarinta bulshada
Ujeedooyinka SOMA u degsan waxaa ka mid ah :
- In la awood siiyo bulshada iyadoo loo sii maraayo warfaafinta awoodaha warbaahinta
- In la dhiso Isku Xiryo ay si joogta ah bulshada ugu qeybgalaan iyadoo laga qeybgelinaayo dadweynaha hawlaha horumarinta
- In cod la siiyo kuwa aan codka lahayn iyo in wax laga qabto arimaha dadka ay walaaca ka qabaan
- Horumarinta Saxaafadda Nabadda
- Ka go’naanshaha awood siinta xaruumaha warbaahinta iyo suxufiyiinta
- Xoojinta midnimada xubnaha warbaahinta SOMA
MAXAY QABATAA
Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) wuxuu ka shaqeeyaa qeybaha soo socda :-
- XOOJINTA AWOODDA IDAACADAHA IYO SUXUFIYIINTA SOMA
Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxaa ka go’an inuu horumariyo awoodda warbaahinta iyo suxufiyiinta xubnihiisa ah iyadoo loo sii maraaayo barnaamijyo awood dhisid ah kala duwan si sare loogu qaado kartidooda ay ay ugu gudbin lahaayeen dadweynaha adeegyada warbaahineed xirfadda iyo tayada leh si ay wax ugu biiriso dadaalka loogu jiro habka horumarinta, nabadda iyo dib u heshiisiinta.
Suxufiyiinta iyo xaruumaha warbaahineed aqoontooda sare loo qaado waa had awood leh lagu abuuri karo ku wacyigelinta bulshada arrimo bulshadeedka muhiimka ah oo fariinta u gudbinaysa dadweynaha. Taasi marka ugu dambaysa waxay abuuraysaa muwaadin aqoon leh oo awooda inuu mas’uuliyadda bulshadeedka
Isgaarsiinta warbaahinta Dadweynaha waa xuquudda aadamiga aasaasiga ah iyo in qof kasta xuquuq u leeyahay inuu war helo. Baahinta idaacadaha waxaa lagu tilmaamaa inay tahay sida isgaarsiinta ugu raqiisisan ee dadka saboolka ah ay awoodi karaan.
2). HORUMARINTA BEDQABKA XARUUMAHA WARBAAHINTA IYO SUXUFIYIINTA
Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay ka shaqaynaysaa barnaamijyo awood dhisid ah si loo horumariyo wacyigelinta xubnaha SOMA dhanka baahida loo qabo in loo sameeyo habka bedqabka suxufiyiinta warbaahinta Soomaaliya, iyo sidii loo hubin lahaa in si buuxa loo sameeyo habkaasi.
Habka bedqabka wuxuu muhiimad u leeyahay iyo baahida looqabo in sare loo qaado wacyigelinta iyo xirfadaha wax looga qabanaayo xaaladaha nolosha halista gelinaaya ee ka jira goobaha colaadaha inta ay ku gudajiraan hawlahooda warbaahineed ee ka jira goobaha cooladda ka jirta.
Waxay sidoo kale SOMA ka shaqaynaysaa inay soo saarto buugga hab raaca bedqabka si ay u wadaagaan dhamaan hawlwadeenka warbaahinta ka jirta Soomaaliya.
3). XOOJINTA ISKU XIRKA XARUUMAHA WARBAAHINTA IYO SUXUFIYIINTA SOMA
Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) oo ka kooban yahay in ka badan 40 xaruumo warbaahineed waxaa isku xira oo ay iskula xiraan hab dhismeedka Golaha Guud oo yeesha shir sannadeed oo ay ku wadaagaan wixii qabsoomay, caqabadaha ayna ku ansixiyaan istaraatijiyadda qorshaynta.
Midowga wuxuu leeyahay koox maamuleed kala ah Guddoomiye, Guddoomiye Ku Xigeen, Xooghayaha Guud iyo Guddiga Fulinta oo maareeya isla markaasna go’aamiya arrimaha muhiimka ah ee Midowga.
4). BARNAAMIJKA WADAAGGA
Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) laga soo bilaabo bishii September 2016 wuxuu maareeyaa soona saaray isla markaasna baahiyey 62 Barnaamij Wadaag oo todobaadle ah oo laga sii daayo dhamaan idaacadaha xubnaha ka ah SOMA ee ka jira dhamaan dalka Soomaaliya.
Barnaamika Wadaagga oo isku xira xaruumaha Warbaahinta SOMA waxaa diiradda lagu saaraa in la soo saaro lana baahiyo barnaamij idaacadeed tayo leh ku saabsan arimaha bulshada sida maamul wanaagga, nabadda, dib u heshiisiinta, hogaaminta, waxbarashada, caafimaadka iyo barnaamijyada horumarinta dhalinyarada si loo sii horumariyo wacyigelinta bulshada.
Ujeedka ugu muhiimsan ee B arnaamika Wadaagga waa in la bixiyo adeegyada warbaahinta dhexdooda ay ku wadaagaan kulana xiriiraan barnaamijka wacyigleinta bulshada, gaar ahaan arimaha haatan dalka ka socda.
5). OLOLAYNTA IYO QAREEMIDDA
Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) wuxuu sameeyaa barnaamijyada u ololaynta iyo u qareemidda ee la xiriiira munaasabaha sannadlaha ah ee caalimiga iyo gudaha ah oo muhiimad gaar ahaaneed u leh in la horumariyo bedqabka warbaahinta Soomaaliyeed iyo suxufiyiinta.
Ololayaasha iyo u qareemidda waxaa ujeedkooda yahay in la horumariyo madaxbannanida iyo xorriyadda hadalka iyo xirfadda suxufinimada.
6).WADA SHAQAYNTA IYO ISKAASHIGA
Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) wuxuu wada shaqeyn iyo iskaashi la leeyahay xubnaha idaacadaha kala duwam, jaamacado, hay’ado dawli ah iyo kuwa gaar ah, ururada caalamiga iyo kuwa wadiniga ah si sare loogu qaado horumarinta warbaahinta iyo in la abuuro guulo isku xiran.
Haatan , SOMA waxay wada shaqeyn iyo iskaashi la leedahay :-
- IMS/FOJO
- Radio Ergo
- UNESCO
- Media Ink/Free Press Unlimited
- The National Union of Somali Journalists (NUSOJ)
- The Somali Women Journalists (SWJ)
- The Somali Independent Media Houses (SIMHA)
- Iftin Foundation
- Mogadishu University
- Mustaqbal Foundation