Kumannaan bukaan oo la xanuunsanaya cudurrada ku dhaca dhimirka aduunka oo dhan ayaa la xaqiraa xuquuqdooda bini aadanimo, waa la takooraa, xadgudubyo maskaxeed iyo kuwa jireed ayaa loo gaystaa iyaga oo aan helin adeeg caafimaad oo ku filan, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
1O-ka Oktoobar sanad walba waxaa Dunida laga xusaa maalinta cudurrada ku dhaca dhimirka. Iyadoo Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ay sheegtay in 40 ilbiriqsi ba uu qof sameeyo in uu gacantiisa isku dilo.
Soomaaliya bukaanada ka qaba cudurrada ku dhaca dhimirka ma helaan adeegyo caafimaad oo ku filan sida la sheego. Inkastoo Muqdisho ay ku yaallaan Xarumo lagu daweeyo dadka dhimirka ka xanuunsanaya, oo uu hirgaliyey Cabduiraxmaan Cali Cawaale “DR Xabeeb”, Qadka Taleefoonka yuuna iigu waramay.
Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.