Dheeraanshaha fasaxa iskuulada ee Magaalada Baydhabo Corona Virus awgiis waxaa dhibaato ay ku noqotay waalidiinta oo u taag la,asan maareynta Caruurtooda oo ku xakameyn weysan guriyaha.
Ardeyda oo sababta markii hore iskuulada looga fasaxay ahayd bad baadada naftooda Maadaama wadanka uu Soo gaaray Corona Virus ayaa hadana maalintii dhan Waxay ku mashquulaan oo ay aadaan goobaha dabaasha ee Magaalada Baydhabo iyo garoomada banooniga lagu dheelo, Goobahan oo waalidiinta raali ka aheyn.
Faadumo Aadan Xuseen Waa Hooyo seddax ka mid ah caruurteeda horey u aadi jirey waxbarashada, Balse mudadan sedaxda bilood ka badan Guriga ku celin weysey ilmaheeda
Maadaama Corona uu jiro meelaha dadka badan laga digey In la isugu tago. Waxay sheegtey in xirnaanshaha iskuulada dhibaato ku noqotay islamarkaana maalintii dhan caruurta wakhtigooda ku dhameeyaan wareeg iyo In mararka qaar kasoo qabato goobo Halis ah oo la dabaasho sida garbada.
“ Dhibaato weyn Ayaan ku qabnaa Caruurta markii hore waxbarasho ayaa soo aadi jirey waqtiga iskuulka aadayo iyo ka soo baxaayo aad ogaan jirtey hada ma jirto, subaxdii haduu kaa tago oo mar hadii wax cuno iska baxo adi waxaa ku qabaano walwal oo aad ka cabsaneyno in loo adeegso askar iyo waxyaabo kale waxan dalbaneynaa in iskuulada naloo furo” ayey tiri hooyo Faadumo
Hooyooyinka keliya ma ahan kuwa waalidiinta ee caruurtooda fasaxa waxbarashada ku dheeradey ee daneynaya In iskuulada Dib Loo Furo si caqabada waalidka iyo caruurta ee celceliska meesha uga baxdo.
Maxamed Ibraahim Cabdi Waa Aabe shan caruur ah waxbarshada iskuulada u aadi jirtey,Markii uu ku heyn waayey gudaha magaalada Baydhabo caruurta ayuu sheegey inuu u direy miyiga si halkaas usoo joogaan mudadda fasaxa.
Laakiin meeshii ayaa lagu heyn waayey Dib ayaana loogu soo celiyey magaalada baydhabo, Xaalkana wuxuu noqdey inuu isaga mararka qaar shaqada ka haro oo Maalintii dhan Guriga ku ilaaliyo, isagoo arintaasna u yeelayo maalmo badan oo kasoo qabtay garbada ah oo meel mool ah oo caruur horey uga dhinteen.
“Aniga waxaa iskuul ii dhigta shan Caruur markii iskuulka la xirey waxaan u direy Baadiyaha dadkii aan u geeyey wey heyn waayeen, caruurtii waxay dhaxeen anaga halkaan ma joogi karto, Baydhabo markaan keeney waxaan hada ku madad daaliyaa Dugsi qaarkooda guriga ayaa ku celiyaa” ayuu yiri Aabe Maxamed Ibraahim
Abdiraxmaan Aadan Xuseen Waxaan kula kulmay garbada Baydhabo,wakhtiga aan booqanayay waxaa dabaalaneysey Ilaa 30 ku dhowaad oo caruur ah, waxay ii sheegeen in ay waqtiga maalintii dhan Halkan ku qaataan, isagoo ka waramaya Abdiraxmaan sababta guriga u joogi waayey iyo sida aan uga warqabin waalidkiisa waxa uu yiri.
“ Iskuul Baydhabo ayaan dhigtaa Corona Vurus ayaa na saameeyey afar bilood ayaa fasax ku jirnaa Imtixaankiina ma qaadan waa naga baaqdey, hada waxaan joognaa garbada Subaxdii ayaa soo baxay raashiinkii xitaa waa ilaabay, waqtigeyga ugu badan halkaan ayaa ku qaataa, waa la qabsaney fasaxii, laakiin mustaqbaleena ayaa qasaarey fursadii waxbarasho aan heysaney hada ma heysano”.
Si kastaba waalidiinta Magaalada Baydhabo ayaa dalbanaya in dib loo furo iskuulada islamarkaana dowlada ay la timaado qorshe ardeyda iyagoo waxbarashadooda wata looga ilaalinayo Corona Virus.
W/Q: Shukri Ismaaciil Axmed oo joogta Baydhaba, kana tirsan Radio Warsan.