• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

 Haweenka Baarakacayaasha ee ku nool Duleedka Mogadisho oo aan haysan goob caafimaad oo ay ku dhalaan

Last updated Jul 30, 2020
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Boqolaal Haween Barakacayaal ah ayaa ku nool xeryaha dadka soo barakacay ee ku nool Duleedka Muqdisho, waxaana ku haysta dhibaatooyin kala duwan.

Dhibaatooyinka xilligaan ugu daran ee dareemayaan waxaa kamida in aysan haysan xarumo Caafimaad ay ku dhalaan, iyadoo Hooyo walba marka ay xaamilada tahay, kahor dhalmadeeda ay ku fakirayso sida ay noqon doonto xaaladeeda.

Qoysaskan ma awoodaan in ay tagaan Isbitaalka xilliyada ay hayso Foosha, sababo la xiriira kharashka ku baxaya oo aysan awoodin.

Haween badan oo barakac ah ayaa ku dhalay guryaha cooshadaha ka sameesan oo ay ku nool yihiin. Halka haween kale ee filayaan in ee ku umulaan waa hadii deegaanka aan laga hirgalin xarun Hooyada iyo dhalaanka

Xaliimo Xasan waxay ku nooshahay kaamka Macruuf, waxayna kasoo barakacday Janaale, mudo hal todobaad ayeey umul tahay horana ifka waxaa ugu joogtay 5 canug.

Hooyaan waxa ay ku umushay halka hoyga u ah, kadib markii ay dhashayna waxaa dhacday in ay saa’id u dhiig baxday, ilaa si iskiis ah uu dhiigga u joogsado.

“ Halkan ayaan ku dhalay, ninkayga waa gaari gacanle mana awoodo in uu iga bixiyo lacagta uu Isbitaalka igu gayn lahaa. Si aad ah ayaan u dhiig baxay markii aan dhalay. Waxaa la’ii wacay Umuliso xaafadeed si ay ii caawiso”. Ayey tiri Xaliimo.

Faadumo Cabdi Xuseen iyana waxa ay ku nooshahay, kaamka Cali Fuutow, waa hooyo haysata Saddex caruur ah. Hadda waxa ay leedahay uur Shan bil ah.

Iyada iyo haween kale waxa ay ka walwal qabaan, sida ay noqon doonaan, marka la gaaro xilligooda dhalmada, iyo halka ay u jiheysan doonaan.

“ Waxaan leeyahay uur shan bilood ah. Aad ayaan u cabsanayaa, Haween badan oo waxaan arkay silic ku dhalay. Waan u baahan nahay daryeel. Waan dhibaateysan nahay mana helno adeeg Caafimaad” ayey tiri Faaduma.

Nuuradiin Faarax  waa horjoogaha kaamka Macruuf waxa uu inoo sheegay  in bishan kaliya 25 haween ah ay ku dhaleen kaamkan xaldooda caafimaadna ay aad u liidato.

Sidoo kale waxa uu ii sheegay xaaladda 25 haweenka ah ay ugu daran yihiin canug iyo hooyada dhashay oo hadda u baahan in si deg deg ah ay u helaan nafaqeen.

“Nolol xumaa jirto halkan, waxay u baahan yihiin caawinaad. Bishaan kaliya waxa ku dhalay 25 haween ah Kaamkan, waa suuragal in ay jiraan, kuwa kale oo ku dhalay, Kaamamka kale, laakiin kuuma sheegi karo”. Ayuu yiri Nuuradiin

“Xoogaha cunno ah ayey quutaan, wax caawinaad ah, ma soo gaarin. Mudo fog ayaa ugu dambeysay, Energy xooggan ma haystaan hooyada iyo dhallaankaba”. Ayuu hadalkiisa raaciyey.

Deegaanka Garasbaleey waxaa kunool qoysas barakacayaal ah, iyadoo kuwo cusubna ay soo gaaraan maalin maalinta ka dambeysa, deegankaoo ku yaala duleedka Muqdisho ayaa qoysaskan waxaa ku haysta daruufo kala duwan.

W/Q: Maxamed Bootaan Yuusuf oo jooga Muqdisho, kana tirsan Radio Risaala.

 

 

 

 

Share

Prev Post

Waalidiinta Baydhaba oo dalbanaya in goobaha Waxbarashada dib loo furo

Next Post

Sidee Diinta Islaamka uga hadashay Sinnaanta, Qabiilka & Dowladnimada, iyo Cadaaladda?

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.