Waxqabad

HIRAALKA

Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) wuxuu leeyahay aragitda  ah inuu noqdo Midowga warbaahinta ugu horeeya ee laga xushmeeyo dalka Soomaaliya.

WAXQABADKA

Inuu si waxtar leh u taageero, una dhiirigeliyo madaxbannaanida, danaha dhaqaale iy sharci ee xubnaha Midowga iyadoo loo sii maraayo cilmi baaris tayo leh, dib- u- eegid , la talin, u ololayn iyadoo lala jaanqaadayo nidaamka deegaanka iyo ganacsiga isbedelaya.

QIYAMKA

Qiyamka Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (S)MA) waxaa hogaamiya falsadaha muuhiimka ah soo socda:-

  • Xirfadlenimo
  • Dhexdhexaadnimo
  • Cad-caddaan
  • Qiimeyn dhex-dhexaad ah
  • Madax bannaani
  • Sinnaan
  • Wada Shaqeyn Kooxeed
  • Ka go’naansho

 

UJEEDOOYINKA

Ujeedooyinka Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay ku xiddidaysan yihiin rumaysashada sare u qaadidda bulshada. Waxay noqonaysaa injiinka horumarinta bulshada

 

Ujeedooyinka SOMA u degsan waxaa ka mid ah :

  • In la awood siiyo bulshada iyadoo loo sii maraayo warfaafinta awoodaha warbaahinta
  • In la dhiso Isku Xiryo ay si joogta ah bulshada ugu qeybgalaan iyadoo laga qeybgelinaayo dadweynaha hawlaha horumarinta
  • In cod la siiyo kuwa aan codka lahayn iyo in wax laga qabto arimaha dadka ay walaaca ka qabaan
  • Horumarinta Saxaafadda Nabadda
  • Ka go’naanshaha awood siinta xaruumaha warbaahinta iyo suxufiyiinta
  • Xoojinta midnimada xubnaha warbaahinta SOMA