Dalladda warbaahinta #SOMA iyo ururka suxufiinta #SJS ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kulan ku saabsanaa sida Soomaaliya ay ugu baahantahay warbaahin xor ah, oo aan cabsan, oo masuul ah.
Kulankan oo ay ka qeybgaleen warfidiyeennada, madaxda warbaahinta madaxa-bannaan, metelayaasha bulshada rayidka, haweenka, ururka qareennada Soomaaliyeed iyo aqoonyahanno ayaa lagu faahfaahiyay inay tahay in la joojiyo xeerka ciqaabta ee hadda loo adeegsado warfidiyeenka si denbiyo loogu soo oogo.
Saxafiyiinta Soo aaliyee ayaa SOMA iyo SJS uga mahadceliyey sida ay ugu dhabar adeegeen sidi loo sii deyn lahaa wariyaasha kala ah #Abuuja iyo #Gurbiye, waxaana la gudoonsiiyey shahaado sharaf.