Marka ruuxu qaan-gaaro waxaa maankiisa ka guuxa waxyaabo badan oo ay ka mid tahay yagleelidda guri iyo ka fikirka ruuxa ku haboon noloshiisa.
Waa go’aan u baahan taxadar dheeraad ah marka ruuxu gaaraayo go’aan noloshiisa saameyn ku leh, guurkune waxa uu u baahanyahay ka fiirsi iyo inaad si qoto dheer u ogaato ruuxa ku haboon Noloshaada.
Waxaa jirta kala duwanaan ay dhallinyaradu ka qabaan aragti ahaan guurka xiliga ay shaqo la’aanta yihiin.
Cabduqadir Mustaf aqal galkiisa waxaa ka soo wareegatay sideed bilood waxa uu la aqal galay Xaaskiisa Muna Cismaan isaga oo shaqo la’aan ah.
Mudnaan gaar ah uma kala lahan Cabduqadir guurka xiliga baagamuundada iyo marka uu qofku shaqeeyo, wuxuuna garab ka helaa Hooyadiis iyo Aabihiis oo ka taageera marashada iyo masruufka.
‘‘ Waxaan ka aamisanahay in uu aad u wanaagsan yahay guurka xili kasta, hadii aad tahay baagamuude ama aad shaqeyso intab, inkastoo ay ku fiican tahay in aad heysato dad ku garab taagnaada si waalikaa oo kale , waxaana igu kalifay inaan guursado kaddib markii la gaaray xiligii aan ku ballannay inan is guursano xaaskeyga maanta”. Ayuu yiri Cabduqadir
Waxaa jira in kale oo aan taageersaneyn aragtida Cabduqadir, Sida Cabdinaasir Maxamed oo fikir ahaan qaba in aysan habooneyn in la guursado xiliga shaqo la’aanta ah, waxa uu ku guda jiraa shaqo raadis si uu u dadab galo marka ay u suuragasho helidda fursad shaqo.
“Waxaan ka aaminsanahay in caqabado badan ay ka dhashaan guurka xiliga shaqo la’aanta, marna kuma fikirin inaan guursado anigoo shaqo seeg ah, waxaan muddo wada soconaa gabar uu xiriir guur naga dhaxeeyo, waxaana rajeynayaa inan la aqal galo markan helo fursad shaqo ee aan berry ku maareyn karo nolosheenna’’. Waxaa sidaas noo sheegay Cabdinaasir
Dadka ka faalooda arrimaha qoyska qaarkood ayaa ku dhiirageliya dhallinyarada in ay guursadaan xiliga ay is dabiri karaan dhaqaale ahaan. Mid ka mid ah waa Raxmo Salaad.
“ Qofka dhallinyarada hadii uusan heysan wax shaqo ah, sida ay rabto haku timaadee, waxaa wanaagsan in uu dib isaga dhigto guurka madama uusan awoodin maareynta reerka, taa bedelkeedana ay tahay in uu soomo, dadaalna ku bixiyo sidii uu ku heli lahaa shaqo, si uu u xaqiijiyo riyadiisa guur”. Ayey tiri Raxmo.
Cabduqadir Mustaf ayaan dafirsaneyn in uu la kulmo caqabado ay ugu wacan tahay dhinaca dhaqaalaha iyo warar aan ku habooneyn dhismaha qoyskooda oo kaga yimaada shaqsiyaad bulshada ka mid ah.
“ waan la kulmay caqabado ay ka mid yihiin in aan awood u helin maareynta qarashaadka yar yare e ay iiga baahato xaaskeyga iyo inaan la kulanno caqabad ka timaada gabdhaha qaar ee ay is garanayaan oo igu dira, kuna yiraahda, ma waxaad ku qanacsan tahay inaad labada canjeero la cunto reerkiisa, waxaana ku qanciyaa inaan maalin aan guuleysaneyno”. Ayuu yiri Cabduqadir.
Raxma Salaad ayaa tilmaameysa guurka xiliga baagamuunda lagu dhaqaaqo ee aanan taageero dhaqaale laheyn in uu ku dambeyn karo kala irdhoobid.
“ Caqabado badan ayaa ka dhalanaaya, qofka hadii uusan heysan cid caawisa oo garab istaagta oo ay ugu weyn tahay in ay kala irdhoobaan, inkastoo markii hore la isku soo raacay jaceyl iyo xamaasad, hadanna bilooyin ama sannad kaddib waxaa dhaceysa in la is fahmi waayo madama ay runta meesha timid”. Raxma ayaa marka kale sidaas tiri.
In dhalinyaradu helaan fursado shaqo oo ay ku maareyn karaan noloshooda waxay ka dhigeysaa kuwo ku dhiirada guurka oo haatan qaarkood ka hor istaagsan caqabado ay ugu weyntahay shaqo la’aanta.
WQ: Maxamed-Qadar Cabdi Maxamed oo ka tirsan Radio Himilo.