Qiyaastii 40 kun oo qoys oo isugu jira beeraley, & xoola dhaqato ku noolaa Gobolka Gedo ayey saameyn ku yeelatay abaarta ka jirta gobolka, iyadoo uusan di’in roobkii xilliga deyrta ee la filayey inuu curto bishii Oktoobar, taas oo keentay in dadka & xoolahaba lasoo daristo Oon iyo daaq la’aan.
Dadkaan oo intooda badan u guuray deegaano ka tirsan Gobolka Jubada dhexe ee uu maro Webiga Jubba si ay dadka iyo duunyada ugu helaanBiyo iyo daaq. Deeganada laga soo sheegay abaaraha ee ay dadka ka guureen, ayaa ah dhulka miyiga ah ee u dhaxeeyo degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq.
Cabdullaahi Xuseen waxaa uu ka mid yahay Xoolo dhaqatada ka soo hayaamey nawaaxiga Tuulada Faanweyn oo Baardheere u jirta ilaa 55 KM.
Waxa uuwataa Xoolo dhan 42 neef oo geel ah iyo 75 neef oo ari ah,ayuu sheegay in uu kala soo cararay abaaraha ka jira Gobolka, isaga iyo qoysas badan oo xoola dhaqato ah ayaa kusii jeeda degmada Saakow ee Jubada dhexe si uu xoolahiisa inta hartey uu ugu helo Biyo iyo baad.
Waxa uu tilmaamay in abaarta ay kaga dhinteen15 neef oo ari ah iyo 7neef oo geel ah. Cabdalla ayaa rajeynaya nolol ka duwan tan hadda uu ka cararay ka filanayo halka uu u socdo oo ah degmada Saakow, balse waxa uu ka cabsi qabaa in inta uu wada kusii jiro kaga dhintaan qaar kamida xoolaha uu hadda wato, oo qeybtood ah kuwa weyd ama caato ah.
“ilaa muddo bil ah xaaladeenu ma wanaagsana Xoolaha waa caato aan socon karin,maalmahii u dambeeyeyna ilaa 37 neef ayaa u dhimatey Daaq la,aan dadkuna waxba ma haystaan mana muuqato ifafaalo Roobeed iyo meel aan gaari karno,haddii xaalada ay sidan ku sii socotana Xoolo warkooda iska daaye ,waxaa halis ku jira nafteena sidaasi waxaa yiri Cabdulahi xuseen oo ka mid ah Xoolo dhaqatada ay saameynta ku yeelatey Abaarta.
Abaarta & biyo la’aanta ka jirta Gobolka Gedo, waxaa sidoo kale lasoo warinayaa in ay ugu geeriyoodeen wiil iyo gabar nawaaxiga tuulooyinka Sanadacar iyo Muudaale oo dadkii ay ka barakaceen.
Sidoo kale Muxumad Geelle ooah Aabe haysta 8 caruur ah, kuna noolaa deegaanka Garileey ee Gobolka Gedo oo ka tagay halkaan, ayaa u jihaystay dhinaca Gobolka Jubada dhexe, oo ay inta badan dadkii gobolka ka cararay ay maciin bideen, maadaama uu wabiga maro.
Waxa uu sheegayaa in nolosha adag ee ka jirta deegaankiisa ay ku qasabtay inuu ka tago, balse inta uu dhex kusii socdeen, ay iswaayeen qaar kamida carruurtiisa oo ay markii dambe is heleen & xoolihii uu watay, oo ka dhinteen sideed neef, oo isugu jira 5 neef oo Lo’ ah, & saddex Geel ah.
Muxumad oo muddo hal todobaad ay ku qaadatay inuu gaaro Tuulada Arabow oo u dhaxeysa Diinsoow°mada Bu’aalle, ayaa la kulmey kuleyl, intii ay kusoo jireen dhulka aadka u fog ee ay u guureen, iyadoo xitaa ay dhex kaga go’day sahaydii ay wateen..
“Abaartu aad beey noo saameysay anaga iyo caruurteena iyo xoolihii waan is weynay hadda xoolo warkooda iskadaaye noloshii ayaa qiil qiil kujirta .
Xaaladda Gobolka Gedo ayaa u muuqata daran, iyadoo Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Gobolka Gedo ay wataan qeylo dhaan ay ku doonayaan in ay wax ka beddesho sida ay xaaladda hadda tahay.
Ismaaciil Cumar Macallin oo ka mida Guddiga ayaa SOMA u sheegay in dad gaaraya ilaa 40 kun qoys oo u badan xoolo dhaqo ay saameyn ku yeelatey Abaaraha iyo Biyo la’aanta ka taagan Gobolka tan iyo Sagaalaad ee sanadkaan.
Waxa uu tilmaamay in si dhaw ay ula socdaan guddi ahaan xaaladda, sidoo kale ay jirto qeylo dhaqaan ay u direen Hay’adaha samafalka oo ku aaddan sidii dadkaan loo caawin lahaa, oo ay qeybtooda la fariisteen, una sharxeen xaalada adag ee ka taagan Gobolka Gedo.
Waxa uu xusay in ay socdaan qorshe wax lagaga qabanayo dhibaatadan, balse sidoo kale ay jirto dhibaatada Ayaxa oo mar labaad ku soo laabtey Gobolka,iyadoo uu ku degay Salaxdheer,Cabdi afey,daar ilaa galgasha &Cabdi kheyr, isaga oo ugu baaqey hay,adaha samafalka iyo Dowlada Federalka in gurmad deg deg ah ay la soo gaaraan kumanaanka Qoys ee dhibaateysan.
“xilligan inta badan degmooyinka Gobolka Gedo waxaa ka taagan abaar saameysay nolosha dadka iyo duunyada,waxaana la arkayaa maalin weliba Boqolaal xoolo ah oo isugu jira ari,Geel,Ari iyo Lo oo loola cararayo deegaano Gobolada Bay,J/Dhexe iyo J,.hoose,haddii xaalada ay sidaan ku sii socoto ,waxaana halis ku jira nolosha dadka,iyadoo deeganada qaarna laga soo sheegayo in caruur ay u dhinteen Oon iyo haraad sidaasi waxaa yiri Ismaaciil cumar Macalin oo ka mid ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Gobolka Gedo.
Sanadkasta marka la gaaro xilligaan jiilaalka ah ayaa deeganadaan hadda biyo la’aantu ka jirta noqdaan kuwo qalalan oo dadka iyo duuyaduba haraadaan, mana lahan degaanadani ceelal iyo ilo kale oo biyo laga helo.
WQ: Axmed Cumar Saalixi oo ka tirsan Radio Markabley