• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Baledweyn: Dhallinyaro ku shaqeysata Farsamada gacanta oo wax soo saarkooda u iibgeeya meelo ka baxsan Magaalada

Last updated Nov 10, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Dhallinyarada ku shaqeysta farsamada gacanta ee ku sugan magaalada Beledweyne ee Gobolka ayaa wajahaya shaqo la’aan ka dhalatay dagaalladii dhawaan ka dhacay Guricee kadib markii Alaabtii ay geeyn jireen halkaasi ay joogsatay.

Dhallinyaraddaan ayaa horumar badan ka sameeyay sanadihii lasoo dhaafay wax soo saarkooda oo ay geeyan magaalooyin badan oo dalka kamid ah, waxaana magaalada ugu badan oo ay alaabta geyn jireen ay aheyd Guriceel.

Yaasiin Cabdulle Guure oo da’deediiso tahay 24 sano waxaa ku shaqeynayay shaqaddaan muddo shan sano ah, waxaa uu ka dhaxlay aabihiisa oo ku shaqeyn jiray, waxaa uu hadda shaqaddan ku bilaa hooyadiisa iyo Lix carruur ah oo la dhalatay waxyaabaha uu soo saaro waxaa ka mid ah burjika yaasha raashinka lagu karsado iyo baafafka dharka lagu dhaqo.

Yaasiin ayaa noo sheegay in cida ugu badan ee ku xirneyd ahaayeen dadka ku nool magaalada Guriceel, islamarkaana maalmihii ay dagaalladu ka socdeen uu ku yimid hakad shaqadiisa oo aysan jirin cid ka adeegan jirtay.

“Shaqadaan waxaan ku jiraa shan sano cml waan ku nool nahay aniga iyo qoyskeyga waxaan sameeyaa burjikooyinkaan ayaan sameeyaa kuwaana waan dayac tiraa alx farsamadaas ayuu ilaahey na baray marba qabadooyin ayaa dhaca qabadaha waxaa kamida goblada ayaan u shaqeeynaa sida cadaado ookale dhusamareeb,guricaal dhanka koofurgalbeed baydhabo xudur iwm hadda culeeyska noogu daran waa waa markii magaalooyinkas buuq iyo dagaal ka dhaco sida kale waa alxamdu”

Qaar ka mid ah aqoonyahanada magaalada Beledweyne ayaa soo dhaweeyay shaqada ay hayaan dhaLlinyaraddaan ee ah in ay yeesheen wax soo saar ay gacantooda ku samEeyeen, islamarkaana loo baahan yahay in la gacansiiyo.

Cabdinaasir Daahir Cilmi waxaa uu kamid yahay aqoon yahanada ku nool Baledweyne waxaa uu SOMA u sheegay iney dhallinyarada farsamada gacanta ku shaqeysata ay ka taageeraan sidii ay usii wadan lahaayeen shaqadooda ayna ku dhiiri galiyaan islamarkaana ay ganacsatada iyo shirkadaha kala hadlaan in dhallinyarada ay gacan qabtaan.

Waxa uu tilmaamay in ay ka aqoon yahan ahaan ay ku dhawaad 200 oo dhallinyara ah kuna nool Baledweyne ay ka caawiyeen dhaqaalihii ay ku bilaabi lahaayeen shaqada Farsamada gacanta, oo hadda ah kuwa ku filan maareynta nolol maalmeedkooda.

Waxaa uu xusay in haddii aan dhallinyarada loo helin shaqooyin ay ka dhalan karto dhibaatooyin badan oo ay kamid tahay, in ay Qoryaha qaataan, ama ay noqdaan darbi jiif ah oo dadka waxyeelo gaarsiiya.

“Waxaa laga yaabaa in ay dhacaan daruufo adadag oo aysan shaqada ku bilaabi karin ama ayagoo shaqadii ku jira marka waxaan ka caawinaa in ka aqoon yahan ahaan intaan lacago iska aruurino oo aan ku caawino sidookale kanbaniyaasha ayaan la wadaagnaa ineey caawiyan dhalin yarada dhalin yaro kabadan 200 ayaan caawinay. Dhalinyarada hadii ay shaqeeysan waayaan waxa ya sameyn karaan waxaa yaabo badan ama dhicikara qaarkood baa noqon kara darbi jiif waxaa laga yaabaa inaysameeyaan wax dalka iyo dadkaba dhib ku ah qaarbaa burcad ama tuugo noqon kara”

Yaasiin Cabdulle Guure ayaa sidoo kale tilmaamay in asaga iyo kooxda la shaqeysaa ay maalinkii soo saaraan ugu yaraan Shan xabo oo halkii xabo laga siiyo lacag dhan shan dollar, islamarkaana hadda maadaama xaaladda magaalada Guriceel ay degan tahay in laga iibsado wax soo saarkiisa uu rajo badan ka qabo.

Meelaha Yaasiin u geeyo alaabiihiisa waxaa ka mid ah dagmooyinka Boosaaso, Gaalkacyo, Guriceel, Dhuusamareeb, Baydhabo, Xudur, iyo magaalooyin kale oo kamida Gobolka Hiiraan.

Yaasiin oo ka sameeya Burjikooyinka, & Baafafka, fuustooyinka shidaalka ee la iska tuuro, ayaa ku rajo weyn in ganacsigiisa uu noqdo mid horumar ka sameeya, waxaana uu mustaqbalka rajeynaya in uu noqdo shirkad weyn oo dad badan shaqo abuur ay ka helaan.

“Malinkii shan xabo ayaan soo saarnaa meeshaan shan ruux cml ayaan ku joognaa qofwalba asaa iskiisa ushaqeysta. Hammigeyga shaqadaan waa inan soo kiciyo dhakinyarada oo aan farsamadaan baro horena aan usocono farsamooyin cusubna aan keeno wadankana hormar gaarsiino hamigeeyga waa kaa”.

WQ: Shukri Baryare oo Radio Hiiraanweyn ka mid ah.

 

Share

Prev Post

SOMA oo Muqdisho ku qabtaya Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee dhameynta la xisaabtan la’aanta Xadgudubyada loo geysto Suxufiyiinta

Next Post

Baardheere: Dad & Xoolo u geeriyooday Abaaraha iyo Biyo la’aan ka jirta Gobolka

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.