SOMA oo Muqdisho ku qabtaya Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee dhameynta la xisaabtan la’aanta Xadgudubyada loo geysto Suxufiyiinta

Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Caalamiga ee dhameynta la Xisaab la”aanta Tacsiyada loo geyso Bahda Warbaahinta ee 2- da November ee uu soo qaban qaabiyey Daladda SOMA ayaa lagu qabtwy Magaalada Muqdisho, waxaa ka qayb galey Qaybaha Warbaahinta iyo qaybaha Bulshada.

Munaasabada oo si heersaro ah loo so agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay  Xoghayaha Guud ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan wuxuuna sheegey in  aan marnaba la isaga hari Doonin Xadgudubyadii loo geystey Suxiufiyiinta Soomaaliyeed.

Ismaaciil Khaliifa oo ah Xoghaayihii hore ee SOMA oo islamarkaana dhaawac Culus ka soo gaarey Qarax Miino oo loogu Xirey Gaarigiisa oo ka hadlayay munaasabada dhameynta la xisaabtan laanta xad gudubyada Warbaahinta ayaa dalbadey in Cadaalada la hor keeno kuwii dhibka u geystey.

Agaasimaha Warbaahinta Gobolka Banaadir Cabdi naasir Xirsi Iidle oo ka qeyb galaayay Munaasabada dhameynta la xisaabtan la aanta Xadgudubyada warbaahinta ayaa Yiri “Sanadkii 2020 waxaa la diiwaan galiyay dhimadashada 62-Wariye oo aduunka oo dhan ah,afar iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay in kabadan kun iyo labo boqol oo wariye ah ayaa la dilay,kiisaskaas hal kiis oo kaliya ayaa cadaalad helay”

Qoraa Axmed Dhicisoow oo inkabadan 40 sano ka shaqeynaayay Warbaahinta gaar ahaan qoraalka ayaa ku adkeeyay madaxda dalka in ay ka qeyb qataan sidii loo yareyn lahaa xadgudubyada warbaahunta
Mr dhicisoow ayaa oo ka sheekeynaayo xadgudubyada loo geysto warbaahinta ayaa Yiri”anaga xaansho wax lagu qoro ayaa nagula qabsadaa,xadgudubkaan in la joojiyo ayaan codsaneynaa”
Cabdullahi Cali Cabdulle oo ah Maamulaha Xafiiska Xogheynta Somali Journalists Syndicate – SJS oo ka qeyb galaayay munaasabada maalinta Caalamiga ah ee dhameeynta la xisaabtan la aanta suxufiyiinta ayaa ka sheekeeyay dhibaatada iyo Cadaaladdarada loo geyso Suxufiyiinta.
Gabagabadii Axmed Ciisa Guutaale oo kamid ah Bahda SOMA ayaa ku dheeraaday ka hadalka xad gudubyada loo geeysto warbaahinta iyo sida ay ku bilaawdaan,waxaana uu la dardaarmay Agaasimayaasha iyo Suxufiyiintii ka qeyb galuyay munaasabada in ay bartaan mahnada saxaafada ka hor inta aysan shaqada bilaabin.