• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Baledweyn: Haween isu tagay oo dhallinyarada ka caawiya lacagaha ku baxa guurkooda

Last updated Sep 29, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

280 Haween ah oo ku mideeysan magaca kooxda Shan iyo tobanka shumeey kana jira magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan waxa ay dhallinyarada u fududeeyaan guurka, iyadoo ay bixiyaan wax walba oo ku baxaya oo dhaqaale ah.

Cabdi Xasan Cabdi oo ah hadda Aabaha Saddex carruur ah ayaa kamida wiilashii ka faa’iideystay taageerida haweenkan afar sano kahor, isaga oo walaac xooggan ka muujinayey halka uu ka keenayo lacagta uga baxeysa reerka uu rabo inuu dhisto, balse markii ay soo gaartay arrintan ah in ay jiraan haween dadka caawiya uu ku dhaqaaqay, maadaama dhaqaalaha ku baxaya arooskiisa dhammaan laga bixiyey, marka laga reebo Lacagta uu u geynayey gabadha uu guursanaayo reerkeeda.

Waxa uu tilmaamtay in arrinta guurkiisa uu u bandhigay marka hore Hooyadiis oo kamida kooxdaan Shan & Tobanka Shumeey, kaddibna ay ku wargalisay in ay jiraan haween ay iyadu kamid tahay oo wiilasha caawiya marka ay guursanayaan, dhiiranaan bandanna ka qaaday warka hooyadiis, isagoo ka dalbaday in ay u gudbiso damaciisa ah inuu rabo guur, si ay u caawiyaan.

Cabdi Xasan oo ah hadda mid leh dukaan oo uu ka maareeyo nolosha qoyskiisa oo ka kooban Afar ruux, ayaa sheegaya in mehradiisa uu ku kabtay lacagihii ay ugu talagaleen arooskiisa Kooxdan haweenka ah, taas oo kasoo hartay guurkiisa, tan iyo markaasna uu si tartiib tartiib ah u weyneynayey dukaankiisa oo yeeshay macaamiil badan oo ku xiran.

“Runtii waxaan dareemay aad iyo aad ayaan ugu farxay sababtoo ah waxaan ahay nin dhalin yaro oo aan awoodin in arooska qarashkiisa uu iska bixiyo lkn markii ay iga caawiyeen kooxda 15shubeey farxad ayaan dareemay aad ayaan ugu mahad celinayaa kooxda caqabda ugy weyn ee inaan guursado iga hortaagneeyd waxey aheyd dhaqaale yare wadanka oo fursadahiisa shaqo iska yar yihiin. Hadda shaqo saas u weyn ma qabto dukaan yar ayaa  magaalada ku leeyahay ayaan nolosha qoyska ka maaareeyaa”.

Maryan Maxamed Muuse oo ah gudoomiyaha kooxdan ayaa sheegeysa in ay arkeen caqabado guurka ah oo haysta dhallinyarada kaddib ay go’aansadeen in ay saacidaan, iyaga oo lacago isku daraya marka loo sheego in uu guursanayo wiil qaraabadooda ah, ama ay dhashay mid kamida haweenkan.

Waxa ay tilmaamtay in wiilasha ay ka caawiyaan lacagaha ku baxaya Alaabaha guriga loo dhigayo caruuska, & sidoo kale raashinka ay isticmaali lahaayeen bisha ugu horreysa aqalgalkooda, sida Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo dharka ay xiran lahaayeen wiilka & gabadha, sidoo kalana ay jirto in guriga gabarta ay geeyaan dahab loogu tala galay in ay xirato caruusada iyo hooyada dhashay si aan wax deyn ah loogu yeelan.

Maryan ayaa xustay in kooxdooda Haweenka kaliya ka kooban in ay caawiyeen in kabadan Boqol wiil oo aroos ah, tan iyo 2015-kii oo ay dhisan yihiin. Waxa ay sheegtay in Haweenka lagu soo wargaliyo bil kahor guurka inta uusan dhicin, iyaguna ay iska aruuriyaan bil walba lacag dhan $10 oo qofkiiba laga qaadayo, haddii ay lacagta soo hartana ay ku wareejiyaan si wadajir ah lamaanaha.

“Kooxdaan in la aas aaso sababta ka danbeeysay waxey tahay inaan istaakuleeynowiil hadeey tahay iyo gabar hadeey tahayba aan guurino aqal geysmadoodii aan sharaf iyo nadaam ku geyno caqabadaha kaloo sababay waxeey yihiin dadka waa dad iska dan yar aan waxba heysanin guurkiina diyaar u ah markaa hadii ay sameeyeen oo inteey baqaaro tageen ay raashin soo qaataan ay baxaan ay alaabo soo deyn sadaan kadib markii uu arooska dhamaado la qabsado oo la dacweeyo oo ay xarig ku muteeystaan markaasaan go,aan ku gaarnay inaan is taakuleeyno. Dhaqaalaha aan ku saacideeyno waa mid iskaashato ah oo aan iska aruurino waxyaabaha aanka caawino waxa waaye waxaan usoo iibinaa alaabaha aqalka sida jiifka fadhiga joodariyaasha maacuunta iyo dhaman qarashka ku baxaya arooska gabadhana waxaan u xirnaa tiban garaan oo dahab ah”

Waxaa jira dhallinyaro badan oo ka faa’iideystay kaalinta haweenkan ka dhisan magaalada Baledweyne, oo hadda ah kuwa reer leh, iyagoo markii hore ka walwalsanaa dhaqaalaha uga baxaya arooska, maadaama aysan ogeyn meel ay ka keenayaan lacagaha ku baxaya guurka.

Sidoo kale Cabdi raxiin Jimcaale oo sanadkii hore dhammeeyay Jaamacad, kana walwalsanaa lacagaha guurka uga baxaya, maadaama uu Aabihii geeriyooday isagoo yar, gabadha ay isjeclaayeenna ka dalbaneysay in uu guursado, balse isaga uu ka caga jiidayey.

Waxa uu dhacay guurkiisa sadax bilood kahor, kaddib markii ay masuuliyadda dhaqaalaha dusha saarteen Kooxda 15 Shumeey uu ku galay xaafada Buundaweyn ee Magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in uu aad ugu faraxsan yahay, howsha ay wadaan haweenkan, oo sidoo kale ku dhiirigalineysay in wiilal badan ay guursadaan.

Cabdiraxiin oo hadda xoogsade shaqeystay si uu u maareeyo nolosha reerkiisa cusub, ayaa hammin badan ka leh in uu helo shaqooyin ka fudud mid uu hadda qabto.

“Waxaa ay iga caawiyeen qarashaadkii arooska  aniga waxaan la imaaday lacagaha doonashada gabadha ama lacagta aan ka geyn lahaa gabadha wax yaabaha la iiga caawi waxaa kamida raashinka iyo dharka,jiifka iyo aalabahii kale wax badan ayey iga caawiyeen wax sharuud ahna leeyguma xirin oo shuruud la,aan ayaa la igu caawiyay wax weyn ayey iiga dhigan tahay waayo waa ley garab qabtay sidaas darted  wax weyn ayey iiga dhigantahay meel ayeyna iiga soo baxeeb”.

WQ: Shukri Baryare oo ka tirsan Radio Hiiraanweyn.

Share

Prev Post

On IDUAI 2021, SJS and SOMA call for media, journalists’ access to information amid increased pressure against media freedom

Next Post

Muqdisho: Wiil Naafo ah oo intii ay socotay xafladiisa qalin jabinta helay shaqo uu ku taamayey

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.