• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

BALEDWEYN: Qoysas barakaca ah oo lacago isku darsada si ay guri u dhistaan

On Oct 14, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Tan iyo bishii Maarso ee sanadka dadka ku nool xerada dadka soo barakacay ee ku nool Kaamka Shareeca oo dhaca dhanka Galbeed ee Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waday dadaalo ay ku dhisanayaan guryo, maadaama la galay xilli roobaad guryaha ay ku nool yihiinna aysan celin karin biyaha.

Maariya Cabdullaahi oo ah hooyada Toban carruur ah, kana mid ah dadkii ka faa’iidey guryaha sida isxilqaanka ah ay uga dhisteen Kaamka Shareeca dadka soo barakacay ayaa sheegeysa in dhibaatooyin ay kamid tahay qabowga ay markii hore ku qabeen aqalkii ay deganaayeen oo ka sameysnaa maryop, iyo cooshado.

Maariya oo deggan xeradaan muddo Kow iyo toban sano ah ayaa loo dhisay hal qol iyo barsad jiingad iyo dhis isugu jiray, bishii June ee sanadkaan ayaa aad uga faraxsan hoyga cusub oo ay heshay, iyada sheegtay in todobaad walba laga qaado lacag dhan Hal dollar ah, iyada iyo dadka kale eek u nool xerayada si loo sii wado dhismaha guriga.

Waxa ay tilmaamtay in markii hore haddii ay shaqo tagto carruurteeda ahaayeen kuwa ku dheela raashinka aan bisleyn, balse hadda ay u heshay fursad ah in ay qolka ka xirto illaa ay kasoo laabaneyso. Waxa ay xustay in dhowr mar Kaamka uu usoo galay roob ka qaaday guryihii u dhisnaa, laakin hadda waxa ay rajo wanaagsan ka qabtaan in uusan saameyn ku yeellan roobkan hadda socda.

“Waxaan kamid ahay dadka guryaha loo dhisay dadka walaalahey ahna in loo dhso waan waan jeclahay sda hadda an u dhisanay inaan uwada dhisano ayaan jeclahay waxaa la yiri gacmo wada jir beey geed ku gooyaan qofkii walaal ah ee na caawinayana waa rabnaa hal hal doolar ayaan talephon ku tuuraneynay waana dhisanay guryo badan xoogaayna iyo dadaal kaayna ayaana ku dhisanaya waxaan ka shaqeeyaa qudaarta iyo dharka waan iibiyaa qudaartana suuqaweyne ayaan kasoo gadaa waana sii gadaa shan caruur ah ayaa wax ii barata shanna guriga ayey ii joogtaa dadka walaalahaa hadii aynasaacidi karaan waan rabnaa”.

Dhismaha guryahaan ayaa ka caawinaya dadka ku nool Kaamka Shareeca gaar ahaan haweenka & carruurta, maadaama xilliyada habeenkii ah ee jira mugdiga ay kala kulmi jireen tacadiyo, & in ay usoo dhacaan Tuugo.

Cabdullaahi Xasan Cabdi oo ah horjoogaha Kaamka Shareeca ayaa SOMA u sheegay in ololahaan ay ugu talageen in ay ugu dhisaan dhammaan Boqolka Qoys ee kaamka ku jirta, balse ay hadda u dhiseen 25 qoys guryo ka kooban Jiingado iyo dhis, dadkana ay u kala hormariyeen hadba sida ay u kala nugul yihiin.

Waxa uu tilmaamay in arrintaan ay ku dhalatay kaddib markii uu arkay baahida gurya xumi eek a jirta kaamka, uu dadka isugu yeeray una sheegay in ay u baahan yihiin iska kaashi guryo ay ku dhisanayaan, kaas oo todobaadkii qoys walba laga qaadayo ugu yaraan Hal dollar, iyo ka badan.

Cabdullaahi ayaa sheegaya in lacagaha ay ku bixiyaan kaliya in ay soo iibiyaan alaabaha guriga lagu dhisayo, balse aysan lacag ku bixin dadka dhisaya, maadaama rag qaar ee degan Kaamka ku jiraan kuwa yaqaana dhismaha guriga.

“Kaamkan shareeco waxaana uu dhisan yahay mudo dhan 17 sano oo ay dad dagan yahiin waxaan ku dhisanay anagaa is xilqaanay dadka dagan iyo anigoo ah horjooge dhista anagaa dalbanay lacag waxaan sameysanay simcard jimco ka jimcaa lacag ku ridaneynay lacagteenaa aruursanay”. Sidoo kale waxa uu raaciyey “Xoogeenaa geedo kusoo guranay mareeda aan ku mareedeysanay xoogeenaa kusoo guranay qarashaan baxsanay shaqaalaa noo dhisay laamayeeriga waa soo gadanaya alwaaxa waan soo gadanay dhista waan soo gadanaya shaqaalaa ku dhisanay anaga jeebkeena cid kale oo naga saaciday ma jirto maadaama xili roobaad lagu jiro waxa aan dagneyne ay ahaayeen baco iyo calallo xoogeena iyo anaga oo xoogeena iyo xoolaheena gashanay ayaa dhisanaya muddo badanaa aruursaneynay jimca kasta mi hal dolar iska aruurinaa boqol qoys ayaa dagan guryaha aan dhisanay waa 25 guri ayaan hadda gacanteena  ku dhisanay sida aan uka liidano ayaan u dagnaa guryaha hadda toban guri ayaan dhisa rabnaa mardhaw go,aankeena waa inaan boqolkeena qoys wada dhisanaa”

Waxaa jira qoys badan kabadan inta guryaha hadda ay u dhisan yihiin guryaha, kuwaas oo rajeynaya in ay soo gaarto dhismahan ay sida isku tashiga ah ku wadaan dadka ku nool Kaamka Shareeca ee Baledweyn.

Faadumo Cabdi Cabdullaahi oo ah 65 jir aan wali helay in guri loo dhiso ayaa si weyn u bogaadisay dadkii ka dambeeyey fikirdaan oo wax badan ka beddeleysa nolosha dadka soo barakacay ee ku jira Kaam Shareeca.

Waxa ay tilmaamay in iyada gabar ay dhashay, & carruurteeda oo agoon ah ay soo degeen Kaamka 2019, haddan ay u dhisan tahay laba qol oo ka sameysan baco & cooshado, balse waxa ay rajeyneysaa in guryaha loo dhisayo qoysaska halkaan ku nool ay soo gaarto.

Qoyska Faadumo oo ay usoo shaqeyso gabadheeda oo marna soo hesha, marna soo weyday ayaa markii hore walwal xooggan ka qabtay waxa ay sameyn doonto xilli roobaadka, kana fikireysay in ay ka guurto xerada Shareeca ayaa ku kalsoon in ay sii deganaato maadaama ay helaan dhisme guri cusub.

“Halkaan waxaan ku jirnaa adi illaaa laba sanaa joognaa walina wax guri ah ma helin waa tanaa baxdii waa iga buubtay albaab malahan wixii aan soo dhigto waa leeyga qaadanaa wax aan heysto ma jiraan guri waxaan u heli waayay horteeyaa la dhisay guryaha gadaal ayaan kaamka uga soo biiray dadkii gadaal kasoo galay guri wali ma helin awood aan guri ku dhisto  milihi awoodeen halahaan waaye halmar wax mawada dhisan karno hayadaha hana caawiyaan. Caruuraa ii joogta ay gabadheeyda dhashay oo agoon ah oo aabahood dhintay wax aan wax ku barno mahaayno wax na caawiyana malahan wiilasheydi waa dhinteen gabarta ayaa dad oo dhan ka heystaa oo caruurtaas heysatao noloshaaan wlhi aad iyo aad  ayey u xuntahay waxba maheysano gabartaa shaqeyso maqaayad yar shishido”.

WQ: Shukri Baryare oo ka tirsan Radio Hiiraanweyn

 

 

 

Share

Prev Post

Muqdisho: Wiil Naafo ah oo intii ay socotay xafladiisa qalin jabinta helay shaqo uu ku taamayey

Next Post

MUQDISHO: Saameyn ka dhalatay Gaaska cunada lagu kariyo oo gabaabsi noqday

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.