Dadka gudaha dalka ku barakacay ee kunool Magaalada Baydhabo ee gobalka Bay ayaa waxay xiligan ka cabanayaan nadaafa daro xeriyaha ay degan ka jirta iyo suuli la,aanta ka taagan deegaanada ay ku nool yihiin ee kuyaala duleedyada Magaalada.
Xilagan oo ay da,ayaan roobabka xagaaga waxaa sii xumaanaya nadaafada xeriyaha aan laheyn musqulaha,iyadoo waliba kusoo aadey xili nadaafada in lagu dadaalo ay tahay oo Corona Virus uu jiro.
Boqolaal kaamamka ay degan yihiin qoysaska ku barakacay gudaha dalka ee kunool Magaalada Baydhabo ayaa hada cabasho ka ah nadaafada goobaha ay kunool yihiin o sii xumaaneysa,iyagoona sheegaya in hadii kaamamkooda musqulo lahaan lahaayeen sida ay yihiin ka wanaagsanan lahaayeen.
Qaar ka mid ah qoysaska degan duleedka koonfureed ee Magaalada Baydhabo oo ah halka ugu badan ee ka jirta suuli la,aanta Ayaan booqaney, waxaana la kulanay qoysaska qaar oo ka waramaya halista cuduro iney ka dilaacaan kaamka oo dadka ka walwalaya.
“Waxaa naheysa musqul la’aan, hal musqul xitaa nooma dhisna. Nadaafad kama jirto meeshaan, markii ay xaajo na qabato waxaan aadnaa duurka si aan usoo gudano. Mararka qaarna waxaan aadnaa deriska, waan u tagnay ha’adaha ku shaqada leh arrintaa, laakiin waxay noo sheegeen in aysan waxba u qaban Karin. Waxaan ka codsaneynaa Maamulka in ay Musqulo nalo dhiso”. Ayey yiraahdeen qaar kamida Dadka barakacyasha ah.
Dhulka xeriyaha barakacyaasha ay degan yihiin ayaa inta badan ah kuwo si KMG ah ku degan yihiin, oo keeneysa in hay,addaha degaanka aysan wax musqulo ah ka hirgelin xeriyaha dhulkooda dowlada hoose ee maamulka degmada Baydhabo warqado sharci ahaanshaha dhulka heysan.iyadoona mudo badan la arkey kaamam inta suuli laga hirgeliyey hadana dadkii deganaa laga raray,waana mida keentey culeyska in kaamamka arintan cabsho ka muujiyaan sida uu ku waramayo Axmed Maxamed Gaandi.
“Waxaa ka mid ah caqabadaha xeriyaha ka taagan oo iney musqul la,aan qaarkooda noqdeen,dadkii waxay degayaan dhul banaan oo qof leeyahay oo beer ah,ma dhahayo dhulka yaa leh,hay,addaha marka u taagan waxay dhahayaan anagaa leh ogolaansho ayaa ku joogtaa,waxaa dhacdey kuwo saas ah oo musqlo tobaneeya ah inta loo dhisey hadana lagaga raray meeshii musqulihiina laga dumiyey,waa caqabad wali taagan,hay,addahana waxay rabaan in meel la hubo maamul ogyahay wax ku dhisaan,marka tan ayaa sabab u ah waxaa ugu weyn ee musqul la,aanta barakacyasha ka jirta”
Inkastoo boqolaal kaamam ah oo Baydhyabo kuyaala islamarkaana barakacyaasha degan yihiin hadana waxaa jira kuwo hay,addaha iyo maamulka ka hirgeliyeen musqulo,waana kuwo dhulka ay degan yihiin u sharciyeysan Dowlada Hoose ee Maamulka cidna ka rarari Karin.
Axmed Maxamed Gaandi oo ah Mas,uul ka tirsan Hay,addaha ka howlgala Magaalada Baydhabo gaar ahaan ka tirsan kuwo Faydhoorka ee barakacyaasha ka howlgala ayaa qaba in arinta keliya ee ah caqabada musqul la,aanta xeriyaha barakacyaasha ka taagan looga bixi karo in maamulka Degmada Baydhabo uu qorsheeyo dhul balaaran oo ay leeyihin barakacyaasha oo wax kasta ay u baahan yihiin looga fuliyo.
“Lab xal wax dhaamo malahan oo arintan looga bixi karo,mida kowaad waa in dowlada dhul ay siiso dadkan gudaha ku barakacay oo ah dhul dowladeed si ay u degaan oo cid ka kicin karta aan laheyn,tan labaad waa in qoysaska barakacyasha qaarkooda ay degan yihiin dhul iyaga ay leeyihiin,wayna jirtaa qaar dhul iyaga leh ayay degan yihiin waxna waa loo qabtaa”
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kuyaala inka badan 400 oo kaam kuwaas oo badan kooda degan dhulal shakhsiyaad leeyihiin oo xiligii la rabanna dadka milkiyada dhulka leh ka raraan,hadii Maamulka koonfur galbeed uusan degan xal arintaan looga baxayo waa mid cabashadeeda taagnaan doonto.
W/Q:- Muxidiin Xasan Maxamed (Xusni), oo jooga Baydhaba, kana tirsan Radio Warsan.