• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Wiil Dhallinyaro ah oo Hal abuur ganacsi Baledweyn ka sameeyey

On Aug 13, 2020
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Caqabadaha dhinaca shaqada ka haysto dhalinyrada waxbaratay ee ku nool Baladweyne ayaa bartay qaarkood in ay sameeyaan hal-abuur Ganacsi oo Magaalada aanan horey uga jirin.

Koox dhallinyaro isu tagay ayaa magaalada ka sameeyay Mehrad yar oo ay ku iibiyaan kalluunka bisil iyo kuwa ceeriinka ah. Waxa ay sameeyaan in macaamiisha ay ugu geeyaan halka ay joogaan.

Mustaf Faarax Barqadle oo ku jira da’da Labaatameeyada, sanadkanna soo dhameeyey Dugsiga sare ayaa ah aas-aasaha goobtan, oo dhallinyaro badan shaqo abuur u noqotay.

Waxa uu waayey dhowr shaqo oo uu isku dayey, waxaana ku dhalatay sameynta howshan, oo wax badan ka bedeshay noloshiisa, iyo tan reerkiisaba.

900$ ayaa ku baxday maalgalinta xaruntan, oo uu u arkay fursad ka banaan magaalada. Xaruntan uu Hirgeliye Mustaf, waxa ay u qeybsan tahay qeyb xarunta lagu cuno, qeyb dadka Goobaha Ganacsiga loogu geeyo, iyo qeyb Maleeyga aan bisleyn lagu iibiyo.

Dhaqaalaha Goobtan ka soo gala ayuu sheegay in uu ku maareeyo Nolosha Qooyskiisa tan waxbarashadiisa iyo dhalinyaro la dhalatay oo uu ka Bixiyo Waxbarashada School-ka.

Barnaamijka Wadaagga ayuu uga waramay Rajada uu ka leeyhay in ay xaruntiisu intaan ka sii Balaarato.

“Waxaa ii suurta geliyey howshan labadeyda waalid oo aan u mahadcelinayo  Allah ka sokow, runtii mudo laba sano ah ayaan shaqo la’aan ahaa, laakin hadda, waxbarashadeyda, biilka Qoyskeyga iyo kan waalidkaba halkan Ayaan kasoo saaraa” Ayuu yiri Mustaf.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey “ runtii Caqabadaha aan la kulmay waxaa kamid ah Dadka inta badan aanan Kaluunka Fahansaneen maadaama anaga Gobol aan ka shaqeyno. Waxaa dhaceysa in mararka qaar laga waayo oo kalluunka”.

Cumar Cabdi Cismaan waa wiilka ugu yar ee xaruntaan ka shaqeeya, waana Laba iyo Toban jira.

Cumar oo jooga da’da waxbarashada nasiib uma helin jaanqaado caruurta asaagii ah ee waxbarashada aada. Qoyskiisa oo ka kooban Lix caruur ah oo isaga la dhalatay iyo Hooyadood, ayaa keentay in uu noqdo isha ay qoyska ku tiirsan yihiin hadda.

Lacag u dhaxeysa Konton Kun ilaa Todobaatan iyo Shan oo shilinka Soomaaliga oo uu si maalinle ah goobtaan looga siiyo ayuu Hooyadii kula noqdaa, si ay wax ay cunaan qoyska loogu sameeyo.

“Halkaan waxaan u joogaa, in aan shaqeysto si aan Hooyo u caawiyo, Kalluunka & Maraqa iyo Waxa aay Dadku rabaan Ayaan ugu geeyaa halka ay joogaan, sidoo kale alaabta ayaan Dhaqaa. Qof Dugsi I geysa ayaan waaye oo wax ibra, Waalidiinteyda Hooyo waa shaqeysaa, Aabana Xamar ayuu jiraa, Lacagta aan helo Hooyo”. Ayuu yiri Cumar.

Ganacsatada Magaalada Beledweyne ayey fursad u noqotay, taas oo meesha ka saartay in haddii ay u baahdaan Kalluunka ay xiraan goobta ganacsi, ama ugu yaraan ay uga tagaan qof ay xigta yihiin.

Cabdi Cali Jeele oo ka mid ah ganacsatada, kuna Xunta Irid Aamin ayaa ka waramaya faa’iidada ay ku qabaan hal-abuurkan ganacsi oo uu hirgaliyey Mustaf.

“Dhalin yaradan halkan ku iibiyo Malaayga waxay ay soo kordhiyeen xirfad aan horay Magaalada looga baranin, inkastoo goobaha lagu iibiyo Malayga ay ku yartahay Baledweeyne. Malayga waxa ay kuugu keenayaan goobtaada isaga oo diyaarsan. Awal markii hore ma aysan jiri jirin in malay diyaar san goobtada laguugu keeno” Ayuu yiri Cabdi Cali.

W/Q:- Cumar Muxidiin Cumar, oo jooga Baledweyn, kana tirsan Radio Hiiraanweyn.

Share

Prev Post

Barakacayaasha Baydhaba oo ka cabanaya Suuli la’aan & Nadaafad darro

Next Post

JOINT STATEMENT: A cameraman seriously injured during hotel attack, NISA briefly detains radio director in Mogadishu

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.