Guurka deg degga ah ayaa ka mid ah caqabadaha gabdho badan ka hortaagan inay waxbarashada sii wataan. Iyadoo xilligaan magaalada Baydhabo ay jiraan Haween si xooggan ugu dhabar adeegay in ay isku wadaan korinta carruurta & sii wadadi waxbarashada.
In u dhaxeysa 20 illaa 30 gabdhood ayaa laga guursadaa gabdhaha fadhiya Dugsiyada dhexe & sare ee Magaalaa Baydhaba sanadkasta iyadoo ay aad u yar tahay in waxbarashada sii wataan. Maano Diini Cabdi oo 21 sano jir ah oo hadda nuujisa gabadh hal sano jirta.
Maano waxaa la guursaday 2015 oo ay ahayd fasalka Sideedaad ee dugsiga dhexe ee iskuulka Cabdala Deerow ee Baydhabo, iyadoo isaga tagtay waxbarashada Afar bilood kaddib guurkeeda, sababo la xiriira xanuuno dumar oo ay kamid tahay walaca.
Waxay sheegeysaa inay markii ay guri gashayba isku taxaluujisay inay waxbarasheeda aysan ka harin oo sii wadato, ninka guursadayna uu ahaa in ay mid diyaar ula ah inuu ka bixiyo kharashka waxbarashada.
Maano ayaa tilmaamtay caqabada ugu weyn ay uga hartay waxbarashada ay tahay in halka loo guursaday iyo Iskuulka ay ku qaadaneysay inay usoo lugeyso mudo Hal saac kabadan, sidoo kalana ay jireen in subax kastana ka soo daaheysay xiisadda hore, taasoo ay ugu wacan tahay shaqada guriga oo ay soo qabato.
“ walaahi markii koowaad ee la igaynaayey iskuulka hooyo ayaa igaysay waxaan ka bilaabay fasalka koowaad ee iskuulka Cabdala Deerow fasalka 8aad Ayaa ugu baxay waxaan galay guur lkn hooyo ayaa iwaydiisa markasta waxbarashadeyda halka ay ku dambayso balse waan ku rajo waynahay inaan dib-u-dhamaystirto waxbarashada”
Maano ayaa xilligaan ku hammineysa in ay dib u bilowdo waxbarashadeeda, maadaama ay seygeeda ay kala tashatay in ay jeceshay waxbarashada, ayna tahay in ay degaan meel ka dhaw Iskuul oo aan waqti badan uga baxeynin.
In kabadan 50 Haween xaas ah ayaa xilligaan aada goobaha waxbarashada Magaalada Baydhaba kuwaas oo markii hore dhex uga tagay waxbarashada, balse hadda go’aansaday in ay dib u bilaabaan waxbarashadooda, si ay usii hormariyaan aqoontooda.
Xabiibo Maxamed Cabdiqaadir oo ah 26 jir haysata Lix carruur ah, ayaa isaga hartay Jaamacadda sagaal sano kahor sababo la xiriira ay in seygeeda uu u diiday in ay sii wadato, sidoo kalana ay qaaday guurkeedii kaddib Laba bilood Uur, aysanna u suura galin ay sii wataan.
Waxa ay sheegtay in sanadkan ay dib u bilowday, kaddib markii ay ninka qaba ku qancisay in ay sii wadi karto waxbarashada, sidoo kalana ay ogaan karto carruurteeda, iyadoo hadda aada Jaamacadda maalamaha Khamiista & Jimcaha.
Xabiibo ayaa sheegtay in arrintaan ay go’aansatay kaddib markii ay aragtay haween xaas ah, carruurna ay u joogaan, kuwaas oo aada waxabarashada Jaamacadeed, iyadana ay ka qaaday dhiiranaan badan sidaasna ay ku bilowday.
“ qofka bini’aadamka ah hadii mar loo diido inuu waxbarto maalin uun buu heli doonaa fursadihiisa qaaliga ah hada marka all xamdulilaah waxaan dib ugu laabtay inaan waxbarto oo meesha kasii dhamaystiro waayihii hore gabdhaha waxbarashada looma ogolaan jirin hada waxaan joognaa in hooyooyikii waxbarta ay hada horay u siiwataan waxbarashadooda marka gabdhaha waxan kula talin lahaa hadii laguursado xitaa ay waxbarashada horay usii watan mida kale marka laguursanayo ay sharuud isaga xiraan ragga guursanaya una sheegaan in ay sii wadan doonaan waxbarashadooda”
Ustaad Mukhtaar Aadan Isxaaq oo ah Barre Culuumta bulshada sidoo kalana falanqeeya arrimaha qoyska kuna nool Magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in loo baahan yahay si looga hortago in gabdhuhu uga tagaan waxabarashada guur dartiis, ay tahay in goobaha waxbarashada lagu diyaariyo qol ay gabdhaha ku dhar bedeshaan, sidoo kale gabdhaha la guursado markay uur yeeshaan inay siiyaan fasax iyo macalimiin gaar ah oo xiisadihii dhaafay ugu soo celiya u qabtaan.
Waxa uu xusay in, sidoo kale loo bahan yahay waalidiinta, culimada, maamulka iyo goobaha waxbarashadu si wada jir ah uga wada qayb qaataan, in gabdhaha loo qabto wacyigalin joogto ah oo lagu dhiirigalinayo in ay wataan waxabarashada marka la guursado.
Ustaad Mukhtaar ayaa intaa ku daray in gabdhaha ay markasta haystaan culayso guriga ah, loona baahan yahay in aysan is dhiibin, maadaama haddii ay waxbartaan, ay sidoo kale si xooggan u caawineyso carrurta ay dhalaan.
“ anfacada laga heli karo hooyada waxbarata waxaa kamid ah in caruurteeda ay noqdaan kuwo kaalima fiican ka galaan waxbarashada maxaa yeelay macalinka kadib guriga ayada ayaa joogta Aabaha reerka badanaa in uu mashquulsan yahay ayaa laga yaabaa ayadaa dhisaysa oo kala shaqaynaysa caruurta ee layliyadii loo soo diray kala shaqaynaysa caruurta in ay sifiican ula dhaqmaan macalinka oo ayadaa waxbaratay oo taqaana hab macmiilka macalinka marka gabar waxbaratay waxa ay soo gelinayso waa mid maadi ah iyo mid anwaaci ah labaduba way soo gelinaysaa oo faa’ido ayey leedahay”
Waxaa la sheegaa in guurka deg deg ah ee gabdhaha xilliga ay waxbarashada ku jiraan ay sabab u yihiin waalidka maadaama ku khasbaan guurka, iyadoo ujeedka yahay in waalidka uu xeerinaya dhaqaalaha yar ee ninka gabadha kasoo doontay uu bixinayo, maadaama ay saboolnimo darani ka jirto magaalada, halka waalidna ay aaminsan yihiin in gabadha inay guursato ay uga muhiimsan tahay waxbarashada.
WQ: Maxamed Cabdiraxmaan oo ka tirsan Radio Warsan, Baydhaba.