• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Muqdisho: Ganacsato dib u bilaabay shaqadooda, kaddib furitaankii wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye

On Sep 23, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Kaddib furitaankii wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee horraantii bishaan ayey sabab u noqotay, in qaar kamida dadkii noloshooda ka maareyn jiray iibinta Khudaarta ay dib u helaan shaqooyinkooda oo in mudo ah hakad ka galay.

Maceey Cusman Xaaji oo dhamaadkii bishii Janaayo ee sanadkaan joojisay ganacsigeedii ahaa ibinta Khudaarta kaddib markii ay sii wadi waysay sababo la xiriira in qiimaheedu aad sara ugu kacay, balse mudo kabadan Sideed bilood oo ay suuqa ka maqneyd ayey dib ugu soo laabatay bartamihii bishan Semtember.

Waxa ay sheegtay in nolol ahaan ay dareentay culeys badan oo maareynta qoyska ah, maadaama ay ku biirtay dadka iibiya dhuxusha oo aysan aqoon badan u lahayn, balse ay u doorbiday in aysan istaagin shaqadeeda, oo ay ku tiirsan yihiin 7 carruur ah oo dhashay.

Maceey ayaa tilmaamtay intii ay ku jirtay iibinta dhuxusha maalintii ay biil ahaan u bixin jirtay lacag dhan 150 ilaa 170 kun oo Shillin Soomaali ah, haddase ay ka duwan tahay taas, maadaama ay iyada kusoo laabatay ka ganacsiga khudaarta, sidaas darteedna ay hadda lacag dhan 50 kun oo shallin Soomaali ah bixiso maalintii.

“iibinta qudaarta diba ugu soo laabtay rajo wayn ayaa iga gashay rajiis ayay soo noqotay hada waa la gadi karaa ganacsigana macaamiil waad ku yeelan kartaa dadka kaa adeegahaayana ganacsi waa la yeelan kartaa qaali marka ay tahay dadka macaamiil lama yeelan kartid waxna kama gadi kartid  adi wax ma gadi kartid waxbana kuma dheefi kartid illah mahad leh wadadii yaana noola sii furay rajo wayna waynagashay’’

Waxaa jira Haween badan oo sidoo kale qarka u fuulay in ay ka joogsadaan ganacsigaan khudaarta, kaddib deyn badan oo gashay, balse markii dib loo furay hammi badan uu ku abuurmay.

Xabiibo Cumar Iidow waxay ka mid tahay haweenka khudaarta ku iibiya suuqa beerta ee degmada Waabari ee Muqdisho, intii ay khudaarta qiimaheedu aadka u kacsaneyd ay gashay daymo badan si suuqa ay uga bixin, oo ganacsigeeda ay usii wadato.

Waxa ay sheegtay in Todobadii bilood ee lasoo dhaafay suuqa ay galisay Laba Milyan oo shillin soomaali ah oo keyd u ahayd, iyo sidoo kale Laba Milyan iyo shan boqol shilin Soomaali ah oo deyn ay kusoo qaaday.

Xabiibo ayaa tilmaamtay in ay mar ku dhawaatay in ay suuqa isaga baxdo, laakin ay ka caawiyeen haween ganacsiga iskula jiraan, oo dhaqaalo deyn ah siiyey, si ay isaga soo caddeyso, iyadana ay carruurteeda oo ka kooban Laba wiil iyo Saddex gabdhood oo waxbarashooda ka dhiibi jirtay u istaagin.

Xabiibo oo ganacsiga Khudaarta kusoo biirtay 2015-kii, ayaa tilmamtay in ay ku rajo wayntahay in ay iska bixin doonto lacagaha deynta ay gashay intii khudaarta qaaliga ahayd.

“haa way igu yeelatay saamayn aad u wayn waliba  markay gawaarida ay soo qaadan alaabta wado jjaban ayay soo mari jireen laakiin hada way ka fiicantahay sidii hore wadada nalo furay ,gawaarida markay soo maraan wadooyinka jajaban waxay qudaarta nogu soo qaadi jireen lacag badan balse hada qiimo jaban ayay nogu soo qaaday’’

Macey ayaa SOMA u sheegtay in jiraan haween badan oo iyada lamid ah kuwaa oo si weyn u doonaya in markale dib ugu soo laabtaan ganacsiga khudaarta, oo ay ka biilan jireen carruurta, haddesa qaarkood yihiin guri joog.

Waxay xustay in aad ugu faraxsan tahay in wadada u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho dib loo furay taasna ay rajo galisay ganacsigeedi, iyadoo khudaarta ugu timaado suuqa si ka duwan labadii sano ee lasoo dhaafay oo ay wadadu xirneyd.

Sidoo kalana ay hoos u dhaceen qiimihii lagu soo qaadi jiray halkii loor oo ah Labaatan kun oo Shilinka Soomaaliga ah balse hadda gaariga uu kusoo qaado halkii loor tobon kun oo Shilinka Soomaali ah taasna ay ka caawisay in maalintii ay usoo degto laba laab intii hore ay u keensan jirtay.

Macey Cusman Xaaji ayaa sheegtay xilligii ay suuqa ka baxeysay ay soo fuuleen culeys dhaqaale maadaama ay samayn ku yeelatay qiimaha Khudaarta oo saro u kacday taasoo ku qasabtay in mudo kabadan Sideed bilood ka maqnaato suuqa maadama ay awoodi waysay qarashka ay kuso iibsato khudaarta.

“waxa iga dhumay qarash badan  iyo kala iibinta sidoo kle waxa iga dhumay macaamiishii wax iga iibsan jirtay ilaa iyo hada wax macaamiil ah oo badan ma haysto sidii hore ma aha macaamiishayda  lacagihii markii hore aan wax ku iibin jiray xitaa way iga dhuntay laakiin hada dhib malaha mar hadaan soo noqday oo qudaartana ay soo jabtay waala helayaa’’

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa suuqyada Muqdisho laga dareemayey hoos u dhac ku yimid qiimaha la kala iibsado Khudaarta nuucyadeeda kala duwan, iyadoo kala bar hoos uga degtay intii markii hore ay joogtay, taas oo sabab u noqotay kaddib furitaankii wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye.

WQ: Shukri Caabi oo Radio Risaala ka tirsan

 

 

 

 

Share

Prev Post

Baydhaba: Haweenka guurka uu ka hakiyey waxbarashada oo ku laabanaya tacliinta

Next Post

On IDUAI 2021, SJS and SOMA call for media, journalists’ access to information amid increased pressure against media freedom

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.