Farxaan Xasan waxaa uu kamid yahay dhallinyarada ku dhalatay degmada Feer-Feer Soomaaliya xilligii ay socdeen dagaalaadii u dhaxeeyay qabaa’ilka wada daga deegaankan, oo aan dadkiisu helin nabadda mudo kabadan 25 sano, halkaas oo ay ku dhinteen boqolaal qof oo ay ku jiraan dad shacab ah.
2003, Farxaan oo Sagaal jir ahaa waxa uu ku waayay Caasho 22 jir ahayd iyo Axmed oo Sideed jir ahaa, arrintaas oo markii dambe sababtay in isaga iyo qoyskiisa u soo barakacaan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo amni ahaan ka fiicneyd deegaanka Feer-Feer, iyaga oo tan iyo xilligaas weli degan.
Dhimashada walaalaha la dhashay Farxaan ayaa timid kaddib markii iyaga oo gurigooda jooga ay xabado wiifto ah kula dhaceen barxadda gurigooda, waxaana ay kamid noqdeen maatada aan waxba galabsan ee dhibaatadu kasoo gaartay dagaaladii sokeeye ee ka dhici jiray Feer-Feer Soomaaliya.
Farxaan oo waxbarashadiisa aasaasiga ah ka bilowday Beledweyne ayaa kaga haray fasalka 7-aad ee dugsiga dhexe, maadaama ay qoyskiisu awoodi waayeen in ay ka bixiyaan lacagaha lagu dhigto Iskuulka, isaga oo hadda ku shaqeysta Mooto Bajaajta oo uu ka maareeyo nolosha waalidkiis & Shan carruur ah oo isaga ka yar, oo laba kamid ah ay hadda waxbarashada ay aadaan.
“Waxaan kamid ahaa dadkii daganaa feerer muddo ka hor xilligaas oo dhawr sano ka hor aheyd waxaa ka qarxay dagaal beeleedyo oo in muddo ah socday waana uu soolaalaabtay waxaan ku jiraa dadkii ksoo qaxay dagaalada dad badan ayaana kuwaynay dagaalada waxaan soo galay magaalada waxaaan ahay xoogsato oo waxaan ku shaqeeystaa bajaaj, si gaar ah aniga waxaan ku waayay laba kam ida walaalaheey gabar iyo wiil ila dhashay markii ay dagaalada xoogeysteen ayey barandad gurigeena kula dhacday xabbad wiifto ah allaah ha unaxariisto xilli hore ayey aheyd hadda dhowr sano ayaa kasoo wareegtay”.
28 Janaayo ee sanadkii lasoo dhaafay 2021, ayaa maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle u magacaabay maamul uu yeesho Feer-Feer, si ay loo ilaaliyo dhaqan-galka heshiis la dhex dhigay beelihii ku dagaalamayey, iyo in ay hormarkii nolosha ee ka jiray deegaanka markale la helo.
Jeele Faarax Ciyoow oo Gudoomiyaha Feer-Feer ee Gobolka Hiiraan ayaa SOMA u sheegay in Degmada ay hadda dib ugu laabanayaan dadkii ka cararay, maadaama xabad joojintii ay sameeyeen Odayaasha dhaqan & Maamulada Dowlad deegaanka & Gobolka Hiiraan ay dhaqan gal noqotay, islamarkaana ay ku sugan yihiin Ciidamo loogu talagalay in ay ilaaliyaan xalisoonida.
Waxa uu xusay in dadka Feer-Feer ay baahi weyn u qabeen Nabadda, ka maamul ahaanna ay qabtaan markasta kulamo bulshada lagu fahamsiinayo muhiimadda nabadda, & isdhexgalka bulshada, wacyiga ay dadka ka qabaan wada deganaashana ay si wanaagan u fahmeen.
Jeele Faarax ayaa tilmaamay in hadda degmada ay ka socdaan horumaro dhinacyada ganacsiga, waxbarashada iyo in dib loo dhiso xaruumahii dowliga ahaa ee ku bur-buray dagaalada, & dhismaha guryaha dadka rayidka ah, taas oo fursad shaqo abuur ah u noqotay dadka yaqaana dhismaha guryaha.
“Maamulka gobolka kandagmada iyo xubno kasocdo DDS iyo odayaasha dhaqanka ayaa iska kaashaday nabadeeynta feerfeer soomaalia dagmada ayeey ka jireen inta badan dhibaatada dagmadana qabiilaad badan ayaa dagan wabiga jiinkiisa illaa buuraha magaalada ku hareereysan oo ay dagmadu ka dhaxeeysaa. Dadkaas oo dhan waxaa ay u hadlaayeen soomaali ahaan si walaalnimo soomaalinimo iyo islaamnimo ku jirto ayaa loo dhexdhexaadiyay qabiilada laguna heshiisiiyay nabadda ayaana wanaagsan in qabiil leeysku dilo macno maleh”
Cabdifataax Aadan waxaa uu kamid ahaa dadka bartamaha Feer-Feer kulahaa goob Farmashi ah inta aan aysan dhicin dagaallada, ayaa sheegay in marba uu marxalad uu ku shaqeynaayey intii uusan ka cararin degmada, oo ay dhaceysa marna uu furo shaqdiisa, marna uu xiro taas oo keentay in hoos u dhaco dhaqaalihii uu heli jiray, go’aanka ah in magaalada uu ka baxana dhashay.
Waxa uu xusay in khasaaro maaliyeed oo u dhaxeysay Afar kun illaa Shan kun oo dollar uu ku waayey intii ay dagaalada socdeen, kuwaas oo ah hantidii tiilay Farmashigiisa oo ahaa dawooyin iyo qalab caafimaad, oo uusan awoodin inuu horey usii qaato, maadaama ay dagaaladii qaraaraaden isna xitaa uu waayey fursad uu kula soo baxo.
Cabdifataax oo ah Aabbe Afar caruura ay u joogto, ayaa u qaxay magaalada Beledweyne, halkaas oo ay reerkiisu nolol cusub kaga bilaabantay 13 sano kahor, balse uu dib deegaankiisii ugu soo laabtay sanad & bar kahor, maadaama uu nabad noqday, wuxuu ku dhiiraday inuu dib farmashi cusub u furto isaga oo hadda markale lacag kale, oo uu rajo weyn ka qabo inuu ballaarto ganacsiisana uu gaaro illaa heer uu degamda Daawadeeda dhan isaga keeno.
“Ganacsigeeyga laba jeer ayuu xirmay aniga waxaana uu u xiramay sababo jiray oo ay kamid tahay dagaaalada kasocday deegaankeyga iyo dhibaatada dagaalka ka dhalatay oo badneed oo ka jirtay deegaanka uu ganacsiga iiga furnaa hantida ugu badan aan kuwaayay waxaa ay ahyed farmashi ii furnaa oo aan ku waayay wixii dhaxyiilay oo ahaa daawo ama qalab caafimaad maadaama ay hadda feercfeer soomaalia ay nabad noqotay waxaan jeclahy in aan ganacsigeygaan yar aan meesha kusii bulaaliyo”.
WQ/; Shukri Baryare oo kamida Radio Hiiraanweyn