Saxaafadda Soomaaliya oo qeyb ka ah dalalka ugu horreeya tacadiyada ka dhanka ah suxufiyiinta, waxay wajahayeen dhibaatooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, hanjbaad, afduub iyo wixii soo raaca.
In ka badan 11 wariye ayaa la dilay tan iyo sannadkii 2017 iyaga oo qaarkood gudanaya howlahooda suxufinimo. Qaar kale ayaa lagu soo oogay dambiyo aysan galin sida Maxamed Cabduwahaab Abuuja oo 7dii bishii Maarso ee sannadkan laamaha ammaanku ku xireen Muqdisho, balse la soo daayay markii wax dambi ah ay ku weysay maxkamadda Ciidamada qalabka sida 5 bishii August ee sannadkan. Waxa uu dalka isaga tagay 2 bishan December ee sannadkan 2020, baqdin uu ka qabo darteed gudashada howshiisa suxufinimo. Safarkaas uu kaga amba baxay dalka, waxaa u wehliya dareen niyad ahaan ku taagan, taas oo ah in uu ka fogaaday halkii uu kula noolaa qoyskiisa.
“ Cabsi xoogan ayaan qabay intii aan joogay dalkeyga, maxaa yeelay waxaa Magaalada ila joogay raggii soo abaabulay kiiskii been abuurka ahaa ee lagu baneysan rabay nafteyda, taas waxay markasta igu abuureysay walwal xoogan iyo inan ku nagaan waayo dhulkeyga, waxaana dareemayaa hadda dareen ah inan ka soo tagay reerkeyga oo ah mid niyad ahaan aad ii taabaneysa inan ka soo fogaado la noolaanshahooda”. Ayuu yiri wariye Abuuja.
Ficillada kaliya ee laga bixiyo tacadiyada ka dhanka ah suxufiyiinta, wuxu ku simayahay cambaareyn iyo ballan qaad laga bixiyo in lagu raad joogo danbiilayaasha, taasna ma ahan midda ay ka dhowrsugaan xirfadlayaasha warbaahinta.
Shamso Cabdiraxmaan waxay ka howlgashaa STN TV, waxay baqdin ka qabtaa gudashada howsheeda saxaafadeed, kaddib saaxibadeeda shaqada qaarkood oo nolosha la dhaafiyay oo midkii ugu dambeeyay la dilay 4, May ee sannadkan 2020. kuwaas oo aanan weli helin wax cadaallad ah.
“ Asxaab aan aqaanay iyo kuwo aan ka soo wada shaqeynay xirfadan warbaahinta qaarkood waa la dilay, halka in kalena ay la kulmeen tacadiyo kala duwan oo ay ka mid tahay xarig iyo jirdil, welina ma jiraan wax cadaallada loo soo taagay dhibaateynta suxufiyiintaas,marka hadii ay iyagu aysan helin weli wax cadaallad ah, aniga iyo kuwa kale ee ila midka ah ma u maleynaayo inan heleyno cadaallada, alle ha naga hayee dhibaato oo dhan”. Ayay sheegtay Shamso Cabdiraxmaan.
Baqdinta warfidiyeennadu ka qabaan gudashada howlahooda suxufinimo waxay keentay in ay ka cararaan dalkooda, sannadkii 2019, 11 wariye ka haajirtay Soomaaliya, kaddib markii ay soo wajahday cabsi la xariirta gudashada waajibaadkooda shaqo, sannadkan 2020 na in ku dhaw tiradaas ayaa la diiwaan galiyay sida uu innala wadaagayo Cabdalla Muumin oo ah xoghayaha Iskuxirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo marka magacooda loo soo gaabiyo afka qalaad loo yaqaano (SJS).
“Baqdinta wariyeyaasha iyo in ay dalka ka cararaan waxaa keeni kara marka uu wariyuhu dareemo in uusan ku badbaadeyn dalkiisa, in si sharci darro ah lagu xiro, loona geysto jirdil iyo mararka qaar loo dilo warar xaqiiqo ah oo ay tabiyaan, marka inta laga helayo cadaallad arrintani way taagnaaneysaa, in ka badan 10 wariye ayaa dalka ka carartay sannadkii 2019, sannadkanna tiradaas in ku dhaw ayaa isaga tagtay dalka sababo amni”. Ayuu yiri Cabdalla Muumin.
Garabsiinta saxafiyiinta iyo ka warqabkooda marka ay la kulmaan tacadiyada, Iskuxirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ka ahaan waxay gudataa waajibaadkeeda kaga aadan cadaallad u raadinta dhibanayaasha iyo halka ay ku nabad gali karaan sida uu sheegayo Cabdalla Muumin.
“Wariyeyaasha dalka ka carara waxyaabaha ugu horreeya ee aan u qabano waxaa ka mid ah inan kala shaqeyno dukumiintiyada cadeynaya howshooda saxaafadeed, waxyaabaha ay dalka uga tageen iyo in meelaha ay taagaan xaaladooda dhaqaale laga warqabo iyada oo aan kaa shaneyno hay’adaha ama dadka na saacida” ayuu yiri Cabdalla Muumin.
Soomaaliya oo ka mid ah goobaha aadku uga jiro xad-gudubyada kala duwan ee xuquuqda Aadanaha, marka loo eego warfidiyeenka caalamka. Suxufiyiintu waa kuwa ku jira kaalmaha hore. Suuragal ma noqoneyso inay dabar go’aan dambiilayaasha caadeystay dhibaateynta suxufiyiinta inta laga helayo cadaallad loo wada dhanyahay, taas oo sahli karta gacan ku dhigista iyo marsiinta cadaallad aysan ku dhiiraneyn kuwa u arka inan lala xisaabtameyn.
WQ: Maxamed Qadar Cabdi oo ka tirsan Radio Himilo