Tabbarkan oo kusaabsan tabinta doorashooyinka iyo badqabka Wariyaha oo socondoono mudo 4 maalin ah ayaa waxaa ka qeyb galaayo 20 wariyaye oo ka kala socdo dagmooyinka Koofur galbeed sida Afooye Baraawe wanlaweyn iyo Xudur iyo Magaalada Baydhabo.
Gudoomiyaha Dalada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan ayaa ugu horeyn ka hadlay ujeedadad tababarka iyo tirada wariyayaasha ka Faaideysanaayo iyo deegaanada ay ka kala yimaadeen.
Maxamed Xusmaan Makaraan ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay uga qeyb galay barnaamijka iyo soo dhaweynta Wasiirka Madaxda SOMA u muujiyey.
Madaxa barnaamijyada iyo Xiriirka hayadaha IMS iyo FOJA Abuukar Albadri ayaa bogaadiyay SOMA iyo sida ay tababarka ugu sameysay wariyayaasha Soomaaliyeed waxana uu intaa raaciyay sababta ay u taageerayaan SOMA
Muxudiin Xasan Maxamed Xusni Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Koofur Galbeed ayaa so dhaweyay tababarka maanta ay magaalada Baydhabo ka furtay Dalada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA.
Wasiirka wasaarada Warfaafinta iyo Haniininta Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Ilyaas Saciid qalinle oo maanta furay tababarka ayaa siweyn ugu mahadceliyay Daladda Warbaahinta Soomaaliyed,isagoona Wariyaasha kula dardaaramay iney ka faa,iideystaan