• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Haween loo diiday Shaqooyin ay ka dabari jireen nolosha & waxbarashada caruurtooda

On Jan 14, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Ilaa Shan & Toban haween ah oo ku nool Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan kana shaqeyn jiray Shaqada dhismaha guryaha dhagaxa ah ayaa xilligaan wajahaya Shaqo la’aan kaddib markii loo diiday shaqadii ay haayeen.

Wiilo Maxamed Faarax oo kamida Haweenkaas oo mudo Toban sano ah ka shaqeyneysay Dhismaha guryaha ayaa sheegeysa in ay u ahayd shaqo muhiim ah oo ay ka dabarto nolosha caruurteeda.

Waxa ay tilmaamtay in sababta looga ceyriyey shaqadan aysan mid cad, balse ay u sheegeen kaliya dadkii maamulayey shaqada in aysan qaban Karin oo ay dhibaato ku tahay in ay kasii shaqeeyaan Dhismaha guryaha dhagaxa ah.

Wiilo ayaa sheegeysa in markii horaba aysan u ahayn mid joogto ah shaqadaan, maadaama marna ay ahayd mid la waayo, mararka qaarna la heli jiray, haddase dhibaatadaas mid ka daran ay dareymeyso.

“Magaaladii aan ku dhalanaan iska dhex joognaa maalintaan dhagaxa soo helnana ilmahaa dabka ugu shubanaa maalintaan soowaayno faara qabiilkaas naloo sheegto ama xoog yari naloosheegtana waan kasoo tagnaa ilmahane ilmo leeygu furay aan u shaqeeystaa dadka guryaha iskaleh dadaaba dhahaa naagu nama soo agroogso karto nin hadda dabaqdhistay  iyadoo shaqadii labixiyay aan soo istaagnay anigiyo islaan kale oow nagu daray asoo asagana yimid markaas ninka guriga dhisanaay oo yiri naag ma arki karo labo nin ayey kalayihiin”.

Lacagaha ay ka hesho shaqadaan Wiila oo u dhaxeyso Lix ilaa Todoba Dollar ayey kaga dabari jirtay waxbarashada, oo ay kaga bixin jirtay Laba caruur ah oo ay dhashay, oo hadda jooga heerka Jaamacadda.

Maamo wiila ayaa dhinaca kale sheegtay in dhibaatada ay ku qabto, shaqadaan aysan yareen, ayna jeclaan lahayd, in ay hesho, maalgalin ay ku sameyso ganacsi yar, oo ay ku maareyso noloshooda, maadaama aysan xilligaan shaqo heynin.

“Hooyo hadii wax nalasiiyo anaga qofka hadii layiraa halahaan qaadana waaa qodob hadii layiraa iska soo celina lacagtaas lafahaa iska soo celi faaidadana ka reebo  waa nimco nimco kusug

waxaan jeclahay in ganacsi leeyga caawiyo ama shaqo kale hayad leeygu daryaaa iyo meel soo xaaq leey yiriyaa ama badar wax usoo kari leeyiriyaa adiga taasaaa ii roon”.

Ragga ka shaqeeya dhismaha Guryaha dhagaxa ayaa u arka mid aan sahlaneyn in haweenka ay wax ka qabtaan shaqadaan oo ay culeys badan ku dareemayaan.

Cabdiqaadir Faarax Cabdulle oo kamid ah dadka ay wadashaqeeyaan Wiilo ayaa SOMA u sheegay in shaqooyinka ay haweenka qaban jireen ay ahayd kuwa kaalintooda kasoo baxa, iyaguna ay ka caawin jireen qabashada howlaha culus.

Waxaa uu sheegay in sababaha ay tuhunsan yihiin in shaqada looga reebay haweenka in ay tahay in dhismaha ay u badan yihiin ragga oo dadka loo shaqeeynayo ee bixinaya lacagta maalinkii lagu shaqeeyo aysan aamini Karin in shaqada dadka qabta ay ku jiraan haween, ayna caddaadis dhanka shaqadda aysan ka imaanin shaqaallaha iyo injineerada balse ay tahay dadka loo shaqeynaayo.

Cabdiqaadir iyo saaxiibadiisba waxa ay kusoo baraarugeen iyaga oo ay Haweenka ka maqan shaqada mudo laba maalin ah, iyugana aysan waxba ka qaban Karin sida ay wax u dhaceen.

“Waxaan ka caawinaa shamiitadoo kale dhagaxoo kale markeey qaadayaan oow ninka meel kore uu saaran yahay oo kle anagaa ka qaadno ayagaa u gudbinaa markaas

Hooyooyinka markeey nalashaqeeynaayiin madadaalooyin badan iyo qosol badaniyo waxeey nooga sheekeeynaan badan oo sabansaban lii eh anagana intaasaa usii bagnaa maamooyinka ku jecelnahay in ay naga maqnaadaana marabno”.

Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada MaAmulka Gobolka Hiiraan Sheikh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay baaritaano ku sameyn doonaan sababta keentay in haweenkaas ay waayaan shaqadii ay qaban jireen sabab la’aan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dhiirigaliyaan haweenka ka shaqeeya dhismaha oo ah kuwo qabta shaqooyinka adag oo u baahan karti dheeri ah.

Waxaa uu tilmaamay in haweenka ka shaqeeya dhagaxa ay yihiin kuwo kooban oo xaaladoodu uu la socdo maamulka gobolka Hiiraan qaarkoodna ay horay ula kulmeen, balse Maamulka uu diyaar u yahay in ay ka qeyb qaataan shaqo u abuurista Haweenkan.

“Dadka dhagaxa ka shaqeeyo waa jiraan gabdho dhagaxa ka shaqeeya lkn naguma baddna gobolka hiiraan markaa fiirisid laakinse waa jiraan dad ka shaqeeysto oo ka xamaasha iyaga meesheey tagaan markeey tagaan ayey yiraan shaqaa rabnaa wax gaboodfal ah ama wax xadgudub ah ama cid gaar loo tagooraayo majirton anaga cidii xafiisyadeena timaado waa caawin karnaa lkn si qasab ah maaha shaqooyinka dad madax banaan eey leeyihiin maku qasbi karno anaga”.

WQ: Shukri Bariyare oo ka tirsan Radio Hiiraanweyn.

 

 

Share

Prev Post

{DAAWO SAWIRADA} SOMA 20 Wariye oo Tababar uga Furtay Magaalada Baydhabo.

Next Post

Sida saameynya ugu leeyahay ganacsatada xeeladaha dhaca daah-soon

You might also like More from author
News

Carruur loo tababaray sameynta Jijimaha oo hadda kasoo saara lacago

SOMA PROGRAM SHARING

Sidee ayey Beeraleydu uga hortagi karaan Ayaxa xaalufinta ku haaya Beerahooda?

SOMA PROGRAM SHARING

Waddo si isxilqaanka ah lagu dhisayey oo u istaagay dhaqaalo yari darteed

SOMA PROGRAM SHARING

Maxaa ka dhalan kara go’aanka DFS ku qabaneyso doorashada?

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

Carruur loo tababaray sameynta Jijimaha oo hadda kasoo saara…

Jan 21, 2021
Prev Next 1 of 71
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.