• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Sida saameynya ugu leeyahay ganacsatada xeeladaha dhaca daah-soon

On Jan 14, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

In hanti qof leeyahay looga dhaco hab xirfadeysan waa mid aan ku cusbeyn magaalada, hayeshee waa mid saameysay ganacsatada oo ku waayay lacago iyo badeecooyin ay iibiyaan.

Axmed Cumar waxa uu ka ganacsadaa tukaan uu ku iibiyo bagaagshka iyo raashiinka quutul daruuriga ah oo ku yaala dagmada Dharkenley, bilowgii bishan Janaury waxaa laga dhacay lacag cadadeedu ku dhowdahay 500 oo doolar xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi. kaddib markii ruux watay gaari raaxo ah uu ku soo ag baakimay goobtiisa ganacsi islamarkaana sida uu tilmaamay uu ruuxaasi indho sarcaadiyay.

Lacagaha laga qaatay Axmed oo uu damacsanaa in uu dib u galiyo Ganacsiga si uu u yeesho Waxsoo saar fiican, ayaa u muuqanaya hadda in uu kasoo kabanayo, kaddib lacago deyn ah oo uu qaatay.

” Wuxuu ahaa nin labisan oo ka soo degay gaari, goobteyda ganacsi ayuu iigu soo galay, salaan gacanta ah kaddib, waan miir daboolmay sababtoo ah waxba kala ma ogeyn, Ninkii wuxuu qaatay lacag shiling Soomaali gaareysa seddex malyan iyo lacag dolar ah oo cadadeedu dhan tahay 400 oo dolar, taas oo ay la haayeen macaamiisheyda, khasaarahaas i gaaray hadda waan ka soo kabanayaa Allxamdulilah”.

Dabinnadaas lagula kaco ganacsatada, waxaa ka bad-baada tiro ka mid ah oo maqla dhacdooyinkaas kaddibna muujiya feejignaan dheeri ah si aysan ugu dhacin.

Farxaan Daahir, waxa uu isna ka mid yahay ganacsatada iibisa Shobinka iyo qalabka electronics-ka ee Muqdisho, waxa uu 10 bishan ka bad-baaday isku day looga beddelan rabay Simcard-ka taleefankiisa kaddib markii uu u yimid ruux iska dhigayay in uu ka wax iibsan rabo.

Waxa uu sheegayaa Farxaan in xilligaas uusan qof u adeegeynin, taas oo ka caawisay in dareenkiisa oo jooga, & shaki ninka ka galay ay sababtay in uu ka qaato Taleefoonka, dabadeedna loo sheegay in ninka u yimid uu ahaa ruux dadka lacagaha ka dirta.

” Qof ayaa kuu imaanaya oo iska dhigaya mid wax kaa iibsanaaya, wuxuu kugu dayayaa xatooyo,maalin dhaweyd ruux aan muuqaalkiisa laga shakineyn ayaa ii yimid waxa uu iga dalbaday dhowr alaabood oo aan iibiyo markii aan u diyaariyay dhammaantood ayuu iga dalbaday taleefankeyga inan u dhiibo si uu u gashto Simcard-kiisa kaddib markii uu ka damay taleefankiisa oo aheyd arrin been ah, si kasta ugu dambeyn waan ku fahmay waxa uu damacsanaa”.

Dabinnada iyo indho sarcaadinta xatooyada ah waxaa sido kale la kulma bulshada sida waayeelka qaar oo la kulma shaqsiyaad iska dhiga in ay ka rabaan in ay u duceyaan ama ay wardi u aqriyaan sidaasna ay isaga dhigaan qof taleefankooda lacag ugu tuuraya.

Muxidiin Maxamed oo ah Todobaatan jir ka yimid Miyiga, ayaa ku dhacay dabin ah, in lacago uu haystay laga qaato waliba si xirfadeysan, iyadoo loo sheegay in laga doonayo, in Qur’aan uu saaro boos la dhex geeyey, sida uu SOMA u sheegay Mustaf Hashim oo ah wiil uu adeer u yahay.

” Adeerka waxa uu ka mid yimid Miyiga, isaga oo fadhiya banaanka guriya ayaa waxaa u yimid ruux watay gaari raaxada ah salaan kaddib, waxa uu adeerka way diiyay in uu yaqaano Qur’aanka, wuxuuna ugu jawaabay waan aqaanaa, wuxuuna ka dalbaday in uu boos uu leeyahay wardi ku aqriyo, kaddibna uu siin doono qidmad lacag ah, isaga oo ku yiri, waxaan kuu tuurayaa 300 oo dolar balse hadii ay lacag kuugu jirto ma soo gali karto ilaa laga bixiyo lacagta ee hadii ay lacag kugu jirto soo sarifo si aan tan kugu shubo, lacagtii ayuu soo sariftay, kaddib gaarigii ayay wada raaceen waxayna u dhaqaaqeen booskii si Qur’aan loogu aqriyo, adeerka iyo Ninkii ayaa ka soo degay gaariga markii ay yimadeen booskii ninka sheegayay kaddib adeerkii wuxuu bilaabay Qur’aankii Ninkiina wuxuu u sheegay in meel dhaw uu gaarayo kaddibna uu ugu imaanayo booska inta uusan dhameyn Qur’aanka, Lacagtii sarifneyd ee adeerkana sidaas uu ninkii kula tagay”.

Hababkaas lagu u gaarsado hantida dadka waxaa caadiyan fuliya dad ay shaqo u noqotay madama si maalinle ah ay uga dhex-dhacdo bulshada.

WQ: Maxamed-Qadar Cabdi oo ka tirsan Radio Himilo.

 

 

Share

Prev Post

Haween loo diiday Shaqooyin ay ka dabari jireen nolosha & waxbarashada caruurtooda

Next Post

Maxaa ka dhalan kara go’aanka DFS ku qabaneyso doorashada?

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.