Dalaladda SOMA oo Dhiirrigilineyso Dib u eegista & Wax ka beddelka lagu sameeyo Xeerka Saxaafadda,+SAWIRADA

Axad 24-07-2022-Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 40 xarumo warbaahineed ah ayaa Muqdisho ku qabatay kulan ay ka qeyb galeen qeybaha ka duwan ee ururada saxaafadda, Agaasimeyaal, wariyeyaal, rug cadaayo warbaahineed iyo sharci yaqaano.

 

Kulanka ayaa ahaa mid looga doodayay dhiirigalinta dib u eegista & wax ka badalka xeerka saxaafadda ee uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya.

 

Madaxa tabarada ee SOMA Axmed Ciise Guutaale oo dhaw ula socday bilowga xeerka iyo marxaladihii kala duwaa ee uu soo maray ayaa dadkii kulan goob jooga u ahaa u sharaxay qodobada caqabada ku ah howsha warbaahinta ee u baahan in dib u eegis ama fasiraad la falgali karta warbaahinta lagu soo sameeyo.

 

Maxamed Maxamuud Cadde oo ka mid ah wariyeyaasha rug cadaaga ah oo aragtidiisa xeerkan soo gudbiyay ayaa ku dhiirigaliyay saxaafadda in iyaga ay ka arrinsadaan qodobada aan ku habooneyn shaqadooda ka dibna ay ka shaqeeyaan sidii loo ansixin lahaa, Maadaama uu sharcigu yahay mid saameyn ku yeelanaya mustaqbalka saxaafadda Soomaaliya.

 

Xoghayaha ururka FESOJ Faarax Cumar Nuur ayaa carabka ku adkeeyay sharci la saxiixo oo aan la dhaqan galineyn in ay dhaanto sharci la’aan “ Sharci markii uu madaxweynaha saxiixay bil ka dib waxaa la dilay wariye mana jirto cid loo ciqaabay ama loo soo xiray” ayuu hadalkiisa raaciyay.

 

Dhianaca kale xoghayaha ururka SJS Cabdala Muumin oo in muddo ahba ka shaqeynayay arrimaha difaaca suxufiga iyo saxaafadda xorta ah ayaa si cad u sheegay in xeer aanu dhaqan gali karin hadii aysan raali ka aheyn dadkii lagu dhaqayay ee uu saameynta ku lahaa, “Waana sababta aan xeerkaan mudaba u daba joognay oo aan u codsaneynay in dib loo soo celiyo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale oo qeyb ka ah kulan looga hadlaayo Dhiirigalinta dib u eegista & wax ka badalka xeerka saxaafadda ayaa hadal jeedin uu sameyay ku sheegay in uu soo dhaweynayo kulanka.

 

“Xeerkaan ma aha lama taabtaan wax waa laga badali karaa waxne waa lagu dari karaa sidiisana waa loo deyn karaa” ayuu yiri Agaasime Xayin.

 

Gabagabda kulan waxaa soo xiray xoghayaha daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan isagoona sheegay in ujeedka kulan uu yahay in la dhageysto saxaafada lana diiwaan galiyo aragtiddooda ku aadan xeerkan ka dibna loo gudbiyo cida ay quseyso sida baarlamaanka Soomaaliya, sharci  yaqaanada iyo ururada ku howlan ka shaqeynta arrimaha warbaahinta.

 

 

Xoghaye Makaran ayaa siweyn ugu  mahadceliyay hay’adaha IMS iyo FOJO oo gacan ka geystay qabsoomida kulankaan.

 

Kulankaan oo ciwaankiisu ahaa dhiirigalinta dib u eegista & wax ka badalka xeerka saxaafadda ayaa qeyb ka ah kulamo saxaafadu ay ku dalbaneyso in ay talo ku yeeshaan xeerka ay Dowladda dooneyso in ay ku maamusho suxufiga iyo saxaafadda Soomaaliya.