Dhallinyarada Magaalada Dhuusamreeb ee Gobolka Galgaduud ayaa si iskaa wax u qabso ah dib u dayactir ugu bilaabay waddooyinka magaalada dhuusmareeb oo uu roobkii guga biyo badan dhigay shacabkuna aad uga cabanayeen.
Calas Cabdi Nuur Gudoomiyaha ururka dhalinyarada caasimada galmudug ayaa sheegay in howashan si iskaa wax u qabsa ah ururka dhalinyaradu magaalada uga curiyeen, Kadib markii wadooyinkii magaalada & qaybo ka mid ah laamiga ay biyihii roobku fadhiisteen.
Wuxuu tilmaamay Godoomiyuhu in markii ay arkeyn in Maamulkii degmada ee howshan iskalahaana uusan waxba ka qabaneyn ay isku tashi bulshada dhexdeeda ah kaga bilaabeyn xaafada dayax wadooyinkeeda.
“Waxaan rabaa inan wax badan muujiyo howshan sidey ku bilaabaty hindisaada, curinta iyo sida howshan ku bilaabatay howshan socota waxaa iska leh ururka dhalin yarada, kadib markey arkeen wadoyinka sidey noqdeen biyaha fadhiya, markey arken laamiga dhexdiisa sidey noqdeen waxey ula tageen maamulka degmada oo iska jiifsaday oo sidii la rabay waxba oga qaban ayey timid inaan angu xaafadaha sitoos ah ugu tagno ogana falgalno oo aan ku bilowno xafada dayax. Ayuu yiri.”
Fikrada ururka dhalinyarada ee caasimada Galmudug oo isku tashi in wadooyinka biyaha iyo dhiiqada ku xirmay loogu wada istaago waxaa aad uso dhaweeyey qaybaha bulshada magaalada dhuusamareeb.
Shiikh Abdullaahi Foorfoor oo ka mid culamada caasimada ayaa xusay bilicda magaalada & hagaajintu iney faaido u tahay guud ahaan dadka reer galmudug, Wuxuuna ad ugu dhiira galiyay dhalinyarada u istaagay iyo howsha socota ee isku tashiga ah.
“Magaalada bilicdeeda an hagaajino caasimadii galmudug weeye cid kaste auaa daawaneysa jidadkeedi waa halaabeen jidadka in la furo weeye inan hagaajino weeye. waxaan oga mahad celinayaa dhalinyarada iyo xaafada dayax garashada ay garteen iney isku taagaan. af, adin, muruqba iyo maalba waa lagu taageeri donaa. cid kaste oo dal iyo dibadba joogta waa iney ka qayb qaadato wado la dhisyo waa sadaqo jaariyaha. ayuu yiri Shiikh Abdullahi”
Maamulka caasimada dowlad gobaledka galmudug oo howshan isagu aan qayb ka aheyn bilowgeedi ayaa hada ku soo biiray, iyadoo markan guud ahaan bulshada ku dhaqan caasimada ay uwada istaageen howsha socota.
Godoomiyaha degmada dhuusamareeb ee caasimada Galmudug Macalim Abdirixman Geeda Qoroow ayaa sheegay kaalintan loo baahnaa mar hore wuxuuna uga mahad celiyay ururka dhalinyarada ee u istaagay iyaguna hada ay qayb ka yihiin.
Waxaa uu sidoo kale xusay in dhalinyarada ay yihiin xoogga ugu muhiimsan dalka loona baahan yahay in ay hormuud u noqdaan dadaallada dib loogu dacyactiraayo wadooyinka caasimadda maadaama hadda maamulka uusan aheyn lacago uu ku dhiso wadooyinka.
“Buundoyinkii labada ahaa ee magaalada laga dhex istcmaali jiray dadbaa dhistay waxey u baahan yihiin in la furo Gadaalna wey ka go’anyihiin oo biyuhu wey ka socn ala yihiin, Intaas oo dhan oo is kaashaty wexey u baahan yihiin injineerin in la helo maskax iyo waqti in la helo, Dadka reer dhuusmarebeed wey mideysan yihiin waxaan mar labaad ku celineynaa in arintaa nalaga gacan siiyo. Ayuu yiri Gudoomiyaha Caasimadu.
Wadooyinka dhex mara xaafaddaha magaalada Dhuusamareeb ayaan helin wax dayactir wixii ka dambeeyay burburkii dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana hadda maamulka Galmudug ay waddaan dadaallo ay ku doonayaan in ay ku dhisaan wadooyinka dhex mara Magaalada.
WQ: Cabdi Qadar Xasan oo ka tirsan Radio Galgaduud