Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Gobaleedka Galmudug waxaa tababar ay iska kaashanayaan maamulka Caasimada iyo Shirkada hormuud lagu siiyay dhalinyaro loo carbinayay bilowga sida loogu shaqeeyo gaadiidka dab damiska oo magaaladu yeelatay markii ugu horreysay.
Tababare Jamaal Ali Diiriye oo ka mid ah macalimiinta tababarka bixinayay intii uu socday ayaa SOMA u sheegay in ujeedka Tababarkan uu ahaa, sidii ay Magaalada u heli lahayd dhallinyaro badbaado u sameysa haddii ay gasho marxalad uu dab ka kaco.
Waxa uu tilmaamay in dhallinyaru ay si wanaagsan uga faa’iideysteen mudadii ay qaadanayeen Tababarka, ayna ka rajeynayaan in ay qaataan kaalintooda ah, gudbinta wixii ay barteen.
Jamaal ayaa sheegay in dhallinyaru waxyaabaha aya barayeen ay kamid ahayd gar-gaarka deg dega ah ee dab damiska, iyo sidii ay Naftooda uga taxadari lahaayeen khatart dabka ay wajahayaan.
“Waxaan dhuusmareeb u imid inaan tababaro dadka ku shaqeyn lahaa dab damiska cusub ee loogu talagalay gobalka gaar’aan caasimada. Waxan ku taba barnay dab damis tababarkii ay qaadan lahaayeen, sidii ay meesha dhibaato dab oga jirto u badbaadin lahaa. Si buuxda ahey ugu shaqeyn karaan kaliya waxaa u dhiman wax yar-yar. Waxan ugu kolsoonahay iney ka soo bixi karaan shaqadooda oo maalmo ku filin inta badan ay qaaten cashiro. Ayuu yiri Tababre Jamaal.”
Tababarkan oo socday intii u dhaxeysay Shanta ilaa Shan & Tobanka bishan JUNE waxaa ka faa’iideystay 15 dhallinyaro ah, kuwaa loo baray adeegsida Gawaarida dab-damiska ah, xilliyada uu ka kaco, gobaha ganacsiga, xafiisyada Maamulka, gaadiidka, isbitaalada, schoolada iyo meelaha kale.
Axmed Maxamed Cusmaan oo kamid ahaa dhallinyarada loo tababaray dab damiska magaaladu yeelatay ayaa sheegaya, in ay diyaar u yihiin u shaqeynta bulshada, maadaama la baray casharo muhiim u ah, badbaadada Naf, iyo Hantiba.
Wuxuu tilmaamay tababarka la siiyay inuu isugu jiray laba qaybood oo kala ah Haamaha waaweyn iyo haamaha yar yar oo macalimiintuna sida ugu wanaagsan ugu tababareen labadii todobaad qaybaha ugu muhiimsan ee dab damiska, inta la baray iyagana dad kale ay kusii tababari karaan.
“Bulshada wax noloo baray waxaan rajeynayaa inaan faaiido u noqono, Tababarka nala siiayay waxaan ka faaiidnay aqoon sida gaariga dab damiska ah loogu shaqeeyo, Meesha la rabi inan ka marno marka dabeeshu socoto, wadadu marka ay cariiri noqoto sida aan ka yeeleyno, sidii anaga nafteena dabka oga badbaadin lahayn una damin lahayn. Wixii hada ka danbeeyana waxaan noqonay sida ugu filan ugu shaqeyn ayuu Yiri.”
Guud ahaan 15 qof ee dab damiska dhuusmareeb loo tababaray ayaa wada ah rag oo kuma jiraan wax dumar ah, waxaana labada todobaad la siiyay cashirada kobaad ee dab damiska iyo sidii aay oga faaiideyn lahaayeen bulshada caasimada ku nool ogana hortagi lahaayeen khasaaraha dabku ku hayo magaalada.
Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Dhuusamareeb Abdihakin Abdullahi Warsame Dhagawayne ayaa sheegay in Magaalada ay muhiim u ahayd in ay hesho Gaadiid Dab-damis, maadaama uu dhowr jeer ka kacay Dab intiisa badan geystay khasaaro Maaliyadeed.
Waxa uu xusay in tababarkaan ay iyagu dalbadeen, kaddib ay waayeen cid ku shaqeyn karta gaadiidka oo Magaalada loo soo iibiyey, balse hadda ay kalsooni badan u qabaan in dhallinayaradaan qaadato kaalinteeda.
Dhagawayne ayaa SOMA u sheegay, in qiimeyn ay sameeyeen kaddib ay gaareen go’aanka ah in Rag kaliya la siiyo Tababarka Koowaad, laakin waxa uu xusay in ay jiri doonaan tababarada xiga ay kusoo daraan Dumarka Magaalada.
“Dhuusmareeb intaad hada joogteen sedex ilaa afar dab ayaa kacay wax walbana anagoo arkeyna ayey isku basbeeleen oo wax aanaan ka qaban karin aysan jirin. Laakin maanta waxaan haysnaa oo na horyaala qalabkii dabka qax looga qaban lahaa Alle ayaa wax bad baadiya lakin wixii wax looga qaban lahaa waa yaalaan. Waxaana loo baahan yahay adkeysi colool adeyg soo jeed iyo in loogu shaqeeyo sida saxda ah oo waxa la idin baro aad magaalada wax ugu tartaan Ayuu yiri Godomiye Dhagaweyne.”
WD:- Cabdi-Qadar Xasan oo ka tirsan Radio Galgaduud.