1,300 oo qof oo u badan carruur ay da’doodu u dhaxeyso 4 illaa 14 jir ayaa tan iyo bishii July ee sanadkii 2021 la dhigay Isbitaalka guud ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo kaddib markii uu ku dhacay Cudurka Jadeecada, sida ay SOMA u sheegeen saraakiisha caafimaad ee Isbitaalka, iyadoo todobaadkii aynu soo dhaafnay kaliya la jiifiyey dad gaaraya 104 qof.
Farxiyo Cabdi Guuleed waxay keentay Isbitaalka Saddex wiil oo ay dhashay, oo laba kamida ay Jadeecada ku dhacday bishii Janaayo ee sanadkaan, halka midka kalana ay ku aragtay Bishii December, oo ay laba xilli oo kala duwan Isbitaalka uga timid xaafada Garsoo ee Gaalkacyo. Waxa ay sheegtay in mid kamida saddexdeeda wiil oo aad u darsaday illaa uu gaaro in lagu xiro oxygen mudo 24 saac ah, waana Wiilka kaliya ee hadda uga jira Isbitaalka, maadaama ay loo sheegay in wiilasha kale ay u caafimaad qabaan.
Waxay tilmaamtay in markii hore carruurta mid kamid ah ay ku aragtay qufac ayna mooday hargab madaama aysan horay oga dhicin carruurtaeeda Jadeeecada, kaddibna ay xaladooda kasii dartay markaasna Isbitaalka ay keentay loona sheegay inay Jadeeco qabaan, xilligaas oo ay dareentay walwal xooggan.
Waxa ay Farxiya dareensan tahay in wacyigalinta xanuunka Jadeecada haddii ay heli lahayd, aysan mari lahayn dhibaatada ay ku aragtay carruurteeda, iyada oo hadda rajeyneysa in ay Tallaalka siiyo carruurta kale ee aan wali u qaadan, si ay u badbaadiso.
“Waxaan u imid meeshaan cudurka layiraahdo jadeeco saddex ciyaal ah ayaan keensaday mid waa bogsooday labana waa ii jiiftaaa gaar ahaan midaa naqas iiga dhagay oksijiin baa afar iyo labaatan iigu xirnaa hada xaaladooda waa fiicantahay”.
Wasaaradda caafimaadka Galmudug iyo Isbitaalka guud ee Koonfurta Galkacyo ayaa iska kaashanaya wacyigalinta qaadashada Tallaalka Jadeecada oo ay ka bilaabeen qeybintiisa December ee sanadkii hore, maadaama ay arkeen baahida loo qabo.
Dr Cabdi Mahad Maxamuud Diiriye oo ka howlgala isbitalka guud ee Koonfurta Galkacyo gaar ahaan qeybta Jadeecada ayaa sheegay in dadka la keeno ay isugu jiraan da’ walba, balse ay ugu badan yihiin carruurta da’doodu ka hooseyso Shanta sano oo boqolkiiba Sideetan ka ah bukaanada. Wuxuu intaas ku daray in sababta cudurka u dillaacay waqtigaan ay qeyb ka tahay dadka deegaannada oo aan biyo nadiif ah helin xilligii xagaaga.
Waxa uu tilmaamay in carruurta qaatay Tallaalka Jadeecada ay ka halis yar yihiin kuwa aan qaadan marka uu xanuunka haleelo, isla markaana kiisaska qaarkoo ay yihiin kuwa culus. Dr Cabdi Mahad waxa uu xusay in dadka deegaanka aysan wali aad u gaarin wacyigalinta qaadashada Talaalka Jadeecada taasoo badisay Todobadii bilood ee lasoo dhaafay.
Waxa uu SOMA u sheegay in isbitaalka uu daboolay baahida bukaanada hadda, laakin ay walaac xooggan ka qabaan halki ay jiifin lahaayeen haddii ay Isbitaalka la keeno kiisas kale, maadaama ay buuxdo qeybta loogu talagalay dadkaan. Waxa sidoo kale sheegay Dr Cabdi Mahad Isbitaalka ay ku geeriyoodeen Laba wiil oo da’doodu ka hooseyso Shanta sano saddexdii Todobaad ee lasoo dhaafay.
“Cudurkaan jadeecada tan iyo markii uu soo bilowday sidaan hadaato sheegay oo bishii july 2021 kasoo bilowday ilaa iyo maantaydaan waxaan filayaa inay ahaayeen labo kiis oo labaduba ay rag ahaayeen midkii ugu danbeeyey uu hadeertan bishii 11 aad uu ahaa labadaas qof kaliyah oo labuduba rag ah oo caruur ah oo shan sano ka yar ah ayaa ilaa iyo hadeertaan xaqiijin karnaa”
Kulane Cabdi Maxamed oo laba carruur ah uu dhalay oo da’doodu u dhaxeyso Hal ilaa Saddex sano jir iyo hooyadood keenay Isbitaalka Guud ee Koofurta Gaalkacyo ayaa sheegay in mudo ku dhow 20 bari uu isbitaalka kula jiray ay hadda yihiin xaaladoodu mid wanaagsan sida loo sheegay.
Waxa uu tilmaamay in mudo Laba maalin ah uu wadada kusoo jiray, kahor inta uusan soo gaarin Isbitaalka, uuna ka yimid deegaanka Qeydaro oo qiyaastii 120 km dhanka Koonfur bari ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxa uu xusay in intii ay safarka soo ahaayeen uu ka quustay wiilkiisa Hal sano jirka ah, maadaama ay uu xaalad adag ku sugnaa.
Kulane ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dad badan oo la daganaa oo caruurtooda sidaan oo kale ugu dhacday Jadeecada kuwasoo qaarkood la geeyey farmashiyaasha tulooyinka u dhow halkaas, isaga oo aad uga walwalsan xaaladda ay ku sugan yihiin, balse uu wacay una sheegay in carruurtooda ay heyso Jadeecada.
“Markii jirada aan ku arkay sida ugu dhaqsiyaha badan waan ka taxadaroo hade kii fiyoobaana waxaan iri meel gaar ah baan geeyo labadaan meel gaar ah baan geeyey bacdigeeedna waan soo qaado oo waxaa weeye gaaari baan u raadiyey ingeer ah waa u howlgalay, baadiyahaas waxaa layiraaahda qaydare gaar ahaan intuu noo jiro marka la fiiriyo boqol iyo labaaatan kilo mitir ayuu noo jiraa”.
WQ: Mahad Abshir Warsame oo ka tirsan Radio Hayaan