• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

GEDO: Dadka Gobolka oo helay Adeeg Caafimad oo lacag la’aan ah 30 sano kaddib

Last updated Jan 19, 2022
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa laga fuliyey mashruuc caafimaad oo ay ka faa’iideysteen dad kabadan 2,600 oo qof, kaas oo soconayey mudo bil ah ayna fuliyeen hay,adda Fatxi Gargaar oo hay,ad maxali ah oo dhowaan deegaanka ka bilowdey adeegyo Caafimaad.

Xasan Daahir oo ah Aabe 60 sano jir ah, kana mid ah dadkii ka faa’iideystay adeegan caafimaad ee lacag la’aanta ah waxa uu hadda ku faraxsan yahay howsha loo qabtay bartamihii bishii December ee aynu soo dhaafnay.

Waxa uu sheegay in muddo laba sano ah oo xanuun ka haayey Xaniinyaha, kaas oo mararka qaar sabab u noqonayey Hurdo la’aan, iyadoo uu mararka qaarna isticmaalayey daawooyin xanuun baabi’iye ah, isaga oo ka mahadceliyey adeega isugu jiray Qalliinka & daaweynta ee loo sameeyey.

Xasan oo Muddo laba sano ah xanuunkan haayey, ayaa baaris lagu sameeyey kaddib loo sheegay in lagu sameynayo qalliin isagana uu aqbalay, maadaama uu qorsheynayey in uu safar u aado Muqdisho. Waxa muddo Toban maalin ah oo uu bukaan jiif ahaa kaddib hadda dareemayaa in culeys badan ka dega.

“Xaniinyaha waxaa iga galey biyo xanuun badan ayaa I hayey ilaa 2 sanno, waxaan u diyaar garoowey inaan muqdisho aan aado, waxaana aan iska iibiyey Xoolo u badan Lo,a iyo Geel si aan isugu daaweeyo, markii aan bixi lahaa ayaan Idaacadda ka maqley Ogaysiis inay imaanayaan dhakhaatiir, waan ka baaqdey safarkii ,waa ilaah mahadii Qaliin ayaa la igu sameeyey, wax lacag ahana la igama qaadin” sidaas waxaa yiri Xasan Daahir.

Mashruucan caafimaad ayaa dadkii ka faa’iideystay isugu jira haween, caruur, iyo dad da’ ah, oo qaarkood muddo sanado ah la noolaa xanuuno kale duwan, iyadoo ay adeegaan fuliyeen Sagaal dhakhtar, iyo sideed iyo toban kalkaaliye oo qaarkood ka kala yimid Magaalooyinka Muqdisho iyo Garbahaarey mudadii ay socotay howshaan.

Maxamed Cabdi Caafi waa Aas-aasaha Mashruuca Fatxi gargaar ee laga fuliyey Baardheere ayaa SOMA u sheegay in ujeedada ay ka leeyahiin ay tahay sidii daryeel caafimaad ay u heli lahaayeen dadka deegaanka, maadaama ay baahi weyn u qabaan, taas oo uu sheegay in aysan wali daboolin adeegii ay u qabteen bulshada.

Waxa uu xusay in mudadii bisha ahayd in ay adeegyo caafimaad u qabteen Bukaaro gaaraya guud ahaan 2,664 qof, 290 ka mid ah waxuu tilmaamay in ay ahaayeen Rag, halka 431 ruux ay ahaayeen Caruur, iyadoo 1943 qofna  ay ahaayeen Dumar aad uga baahi badnaa dadka kale ee ay adeegga Caafimaad u sameeyeen.

Waxa uu sheegay Cudurada Haweenka ku dhaca, sida isku furanka, Dhalmada oo ku adkaato, Burooyinka ka soo baxa minka, Xanuunada ku dhaca Kiliyaha & Kaadi mareenka, cudurada ku dhaca Xaniinyaha, Qaliinada sida Dhaawacyada Rasaasta, iyo kuwa kale ay fuliyeen dhakhaatiirta ay keeneen Baardheeree.

Maxamed ayaa intaa ku daray intii ay joogeen ay ku shaqeynayeen Guri kiro ah oo ka kooban Sideed qol, oo ay qeyb kamida ugu talagaleen bukaanada in la jiifiyo, iyadoo Adeeggaan Caafimaad ee lacag la’aanta ah ay rajeynayaan in markale ka fuliyaan Deegaanka maadaama ay u arkeen in aysan dhamaan wali baahida ay dadka u qabaan adeeg caafimaad oo sare.

” Adeegyada Caafimaad loogu sameeyey dadka Bukaanada waxaa ku baxay dhaqaalo aad u tiro xaga daawada, Qalabka loo isticmaalo adeegyada iyo kharashaad kale ee ku baxay Dhakhaatiirta mudada bisha ahayd,isagoona sheegay in lacago kumanaan doolar ah in lagu leeyahay balse talaabadan oo muddo badan uu ku  fikirayey inay hir geshay” sidaas waxaa yiri Maxamed Caafi.

Bukaanada helay adeegga Caafimaad ee bilaashka ah ayaa ka kala yimid gudaha degmada iyo deegaano hoostaga Baardheere iyo weliba kuwa kale oo ka kala yimid degmooyin ay ka mid yahiin, Ceelwaaq, Bu’aale, Saakow, Kismaayo, Diinsoor, Buurdhuubo iyo weliba dhulka miyiga ee ku teedsan.

Maxamed Weli Yusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha Baardheere ayaa sheegay inay bogaadinayan Adeegyada Caafimaad ee loo qabtay bulshada, iyaguna ay si dhaw ula shaqeeyeen Hay’adda, ka maamul ahanna ay ka caawiyeen wixii ay kaga baahdeen, isaga oo tilmaamay in tani ay tahay markii ugu horreysay oo uu maamulka la kulmo.

Waxa uu xusay inay ugu dhigan tahay dadka deegaanka mid ka mid ah baahiyaha ay qabaan ee dhinaca caafimaadka oo la haqab tirey, laakin ay wali jirto, isaga oo ka dalbaday Hay’adda inay sii wadaan mashruucaan, islamarkaana ay si buuxda ula wareegaan adeegyada caafimaadka ee degmada oo ay baahi weyn u qabaan dadka.

“Waxaa farxad inoo ah in bukano u badan danyar iyo barakacayaal oo qaarkood muddo sanado ah la noolaa xanuuno iyo cuduro lagu daaweeyo Baardheere iyo kuwa kale oo ka kala yimid deegaano hoostaga degmooyinka Saakow, buurdhuubo, Qansaxdheere iyo Bu’aale” sidaas waxaa yiri MaxamedWeli Yusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha Baardheere.

Adeeg noocani oo kale ah ayaa dadka deegaanka waxaa ugu dambeysay 1994-tii xilligaasi oo Hay’adda MSF France ay adeegyo sidaan oo kale ah ay ka fulisey Isbitaalka guud ee degmada Baardheere.

WQ: Axmed Cumar Saalixi oo ka midaRadio Markabley

Share

Prev Post

MUQDISHO: Dhallinyaro Barakac ah oo shaqo abuur ka helay xarun dhirta lagu koriyo

Next Post

Wanlaweyn:- Carruur da’da waxbasho dhaafay oo helay fursado waxbarasho oo bilaash ah

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.