• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Guriceel oo markii ugu horreysay yeelaneysa Xarun lagu karantiilo dadka qaba Covid-19

Last updated May 5, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Maamulka Dagmada Guriceel iyo wasaarada Caafimaadka Dowlad gobaledka Galmudug oo iskaa shanaya ayaa 28 bishii lasoo dhaafay ka hirgaliyey Xarunta xakameynta iyo daaweynta Cudurka CoronoVirus Gudaha Isbitaalka Isterliin ee degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Agaasimaha Wasaarada cafimadka ee Galmudug Dr Abdiwali Maxamed Axmed ayaa sheegay in hadda wixii ka danbeya degmada qofka qaba xanuunka Covid-19 lagu karantiili doono, sidoo kalana ay kusii fikirayaan in ay ka furaan magaaloyinka kale ee Galmudug ee aan lahayn xarumaha Karantiilka si loo yareeyo Faafitaanka Karoonaha.

Waxa uu tilmaamay in xarunta gaarka ah ee isbaalka laga dhex furay ay ku diyaarsan yihiin shaqaale loo tababaray xakameynta cudurka iyo la tacaalida dadka qaba, sidoo kalana Agabkii loogu talagalay qayb ka mid ah ay ku diyaarsan tahay. Cidii isku aragta calaamadaha ay lasoo xariirto ama timaado goobtan loo gaar yeelay.

“Waxan halkan u joognaa inan xariga ka jarno xaruntii gaarka u ahayd in lagula tacaalo xanuunka corona viruska oo Galmudug dalka & guud ahaan intaba dhibaato farabadan ku haya waxaan labo maalmood u joognahay halkan diyaarinta xaruntaas. Degmada Guriceel oo ka mid ah meelaha uu cudurku saameyay dadbadana laga helay in aan xaruntii u diyaarino. Dhabarkeena waxaa ka muuqda waa shaqaalihii caafimaadka & xarintii oo u diyaarsan iney qaabilaan bukaanada cudarka qaba ee laga yaabo iney u baahdaan Oksijiin iyo isbitaal iney u diyaarsan yihiin. ayuu yiri Agaasime Abdi Wali.”

Degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud oo ay dad farabadan bilihii ugu danbeyay ugu geeriyodeen xanuunku Covid-19 Saameyn ba’ana uu ku yeeshay ayaa xaruntan waxay u noqoneysaa mid faa’iido leh, maadaama qofka laga helo xanuunka halkan lagu dabiibayo.

Dr’ Liibaan Abdi Dirito oo ka mid ah dhakhaatiirta ka howl gasha degmada ayaa tilaabadan iyo in la helo xarun u gaar ah xanuunka covid-19 ku tilmaamay mid yareyn karta in dadku si dhib yar isugu gudbiyaa xanuunka.

Wuxuu tilmaamay in xaruntan aysan ahayn mid dhamaan ay ku idil yihiin wax kaste oo lagula tacaali karo qofka uu xanuunka soo rito balse laga heli karo caawimaad. Waxa uuna uga mahadceliyay wasaarada caafimadka faderalka & tan maamulka Galmudug iyo kaalinta maamulka degmada Guriceel ku lahaa.

” Guriceel adbuu xabuunku faro ugu hayaa dadbadan ayaa u dhintay dad kalana wey la jiifaan In xaruntan laga hirgaliyo ama laga helo magaalada waa tilaabo loo baahnaa. in la helo qofka xanunka qaba meel lagu gaar yeelo iyo kan isaga shakiya loogu xaqiijiyo waa muhiim waxaan rajeynayaa in bulshadu ka faaideysto. Wasaarada & maamulka degamada oo kaalintan bilowwga ah keenay wan oga mahad celinayaa inta ka dhiman xaruntan in losoo dhameystiri doono ayan dajeynaya. Ayuu yiri.”

Maamulka Degmada Guriceel ayaa tilmaamay in wixii maanta ka danbeeya degmada yeelatay xarun u gaar ah Cudurka Coranavirus-ka oo dadka ku nool magaalada fara ba’an ku haya.

Godoomiyaha degmada Guriceel Anas Abdi Macalin ayaa sheegay in lagu diyaariyay shaqaalihii caafimaadka iyo qalabkii lagula dadaali lahaa qayb ka mid ah dadka qaba iyo goob u gaar ah dadka xanuunka qaba si looga ilaaliyo bulshada kale.

Godoomiye Anas wuxuu bulshada degmada Guriceel ugu baaqay iney timaado goobta loo gaar yeelay xanuunka oo aysan shacabku aadin xafadaha farmashiyaasha iyo meelaha kale. Wuxuu bulshada ka codsaday iney qaataan talooyinka iyo digniinta bahda caafimaadka madaama xanuunka covid-19 uu yahay wax dhibaata ku ah dadka.

“Waxaan maanta jognaa inaan haysano xaruntii u gaarka ahayd ee xanuunka coranaha oo dhibaato ku hayay magaalada. Xaruntan ad arkeysaan waxaa laga soo galaa iridan ilaa intaan oo dhan u xirnay oo an gaar oga dhignay anago la kaashaneyna wasaarada Federalka iyo wasaarada Galmudugba inaan u helno bulshada qabta xanuunka iyo kuwa looga shikiyayba. Bulshadu waxaa muhiim ah iney imaato goobtan oo wax walba inta badan oo xanunkan ah lagu diyaariyay oo aysan adin meelaha kale. Ayuu yiri Godomiyaha dagmada Guricel.”

WD: Cabdiqadar Xasan oo ka tirsan Radio Galgaduud.

Share

Prev Post

Gabdho Waxbarashada Jaamacadda dhammeyey oo isku diyaarinaya in ay dhaqaalo ka sameeyaan Cilaan saarka

Next Post

SJS and SOMA support Radio Mustaqbal’s lawsuit against senior govt officials

You might also like More from author
Highlights

Twenty Journalists have completed SOMA organized training program in Adado City,…

Highlights

SOMA Oo Maanta Tababar Ugu So Gabagabeysay 20 Suxufi Magaalada Cadaado.(SAWIRO)

Highlights

(SAWIRO) Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo maanta Saxafiyiin Tababar uga…

Highlights

SOMA has concluded training workshop on improving the safety of journalists in…

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

Twenty Journalists have completed SOMA organized training…

Jun 3, 2023
Prev Next 1 of 242
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.