Illaa Laba boqol oo ruux oo isugu jira carruur, haween, iyo da’a ah ayey ku dhaceen Cudurada Jadeecada, Mallaariyada, & Shuban biyoodka Sideedii bil ee lasoo dhaafay, kuwaas oo hadda ka bogsaday qaarkood, sida uu noo sheegay isku duwaha Wasaaradda caafimaadka Hirshabelle, kuwaas oo ku nool Tuulooyin hoos taga Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/ Dhexe.
Maxamuud Axmed Cali oo ka mid yahay dadka deegaanka Lebiga ee hoos yimaada Jowhar, ayaa sheegaya in laba kamida carruurtiisa uu ku dhacay cudurka Shuban biyoodka, bishii lasoo dhaafay, isaga oo keenay Isbitaalka Magaalada oo uu rajeynayey inuu ka helo daaweyn, balse aan loo helin.
Waxa uu tilmaamay in lagu wargaliyey in ay go’een daawadii loogu talagalay, sidaas darteedna ay ka doontaan bannaanka si ay carruurtooda loogu daweeyo.
Maxamuud carruurtiisa oo ah laba wiil oo mid uu jiro Sideed sano halka kan kalana uu yahay Toban jir, ayaa helay qol kamida Isbitaalka oo hadda xaaladooda lagula tacaalayo, waxaana uu rajeynayaa in uu kala baxo Isbitaalka Afar maalin kaddib sida ay u sheegeen Dhakhaatiirta.
Waxa uu sheegay in hadda qoyskiisa ay barakac ku yihiin Tuulada Sariiraale kaddib markii ay sameyn xooggan ku yeelatay Fatahaadii ka dhacday Gobolka, taasoo ay ka baabi’isay dhul beereed dhan Saddex Hiktar.
“Waxaan deganeen tuulada lebiga waana bara kacnay fataahada bareey ka soo baxday ayaa sameyn nagu yeelatay dadka weey kala qaxeen qaar waxeey u qaxeen dhaaygawaan iyo jowhar aniga qooyskeyga waxaan ula qaxay tuulo la yiraahdo sariiraale waxaa jirto in tuulada uu ka dilaacay cuduro kala duwan oo sameyn ku yeeshay caruurta haweenka iyo da’da ah aniga naftirkeeyga waxaa dhacday in laba caruur ah uu igaga dhacay cudurka shuban biyoodka waxaan daawo ugu soo raadiyey jowhar isbitaalka weyn waxaan kala kulnay waaxan ka fileyn waxaa la ii sheegay in daawada aan bananka ka raadsado oo aan farmashiyaasha ka soo iibsado waxaa jirtay in imaatinka jowhar aay caqabad nagu noqtay oo doomo kala duwan aan magaalaa u soo raceynay qarash badan ayaana igaga baxayey markaan jowhar soo adayey”
Waxaa jira illaa iyo saddex carruur ah oo u geeriyootay cudurka Shuban biyoodka Tuulada Maandheere, oo qiyaastii Lix Kiiloomitir dhanka Koonfur ka xigta Jowhar, sidoo kalana ay jiraan dadka kale oo aan tiradooda la xaqiijin Karina uu cudurka ku dhacay.
Agaasimaha Isbitaalka guud ee Gobolka Sh/Dhexe Dr Cabdiraxmaan Dufle ayaa sheegay in 178 ruux uu ku dhacay Shuban biyoodka lasoo gaarsiiyey Isbitaalka tan iyo bishii Oktoobar, iyadoo 90 kamida dadkaas ay yihiin caruur, halka ay u geeriyoodeen Saddex qof oo laba kamida Isbitaalka gudihiisa ku dhinteen, halka ruuxa kalana uu geeriyooday iyada oo aan lasoo gaarsiin Ibitaalka.
Waxa uu tilmaamay in bukaanada la xanuunsan cudurka la keenay isbitalka, ay u sameeyeen daaweyn, sidoo kalana ay jiraan Dhakhaatiir habeen iyo maalin heegan ugu jira sidii ay ula tacaali lahaayeen dadkaan loo keeno.
Dr Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dadka uu ku dhacay cudurka shubanka intooda bada la keeno tuulooyinka Maandheere iyo Raqeyle, sidoo kalana beeniyey cabashada dadka qaar ay jeedinayaan oo ah in ay jirto Daawo yari, Isbitaalkana ay gacanta ku hayaan hey’ad lagu magacaabo Terasol dala iyo Wasaarada Caafimaadka Hirshabelle islamarkaana ay diyaar u yihiin iney mar walba bukaanada xaladoodu wax uga qabtaan sida ugu haboon.
“Isbitaalka waxaa la keenay 178 bukaan 90 ka mida waa caruur halka 80ka kalena waa waxeey isugu jiraan dad da’ah iyo dhexdhexaad waxaan u sameynay daaweyn dadka intooda badan waxaa laga keenay tuulooyinka maandheere iyo raqeyle bukaanadana waxaa la keenaa iyagoo aad u daran qaarna iyagoo aan fuuq bax gaarin ayaa la keenaa hada isbitaalka waxaa ku jirta 15 oo 24 saac gudohood la keenay inata kaloo dhan weey baxeen marka laga reebo 3 qof oo u dhitay cudurka 2 qof isbitaalka ayey ku dhinteen qof kalena waxa uu ku dhintay in wadada lagu soo waday isbitaalka wax daawo yari ah kama jirto waxana isbitaalka gacanta kuheysa hey’ad la yiraahdo terasol dala iyo wasaarada caafimaadka hirshabelle dhaqaatiirta iyo howl wadeenada caafimaadka waxeey ku iraan heegan waxeeyna diyaar u yihiin la tacaalida bukaanada dawaada isbitaalkana waa mid free ah waligiis bunadana wax lacag ah lama qaado”.
Tuulooyinka ay ka dilaaceen cudurada ay ka mid yihiin Jadeecada, Mallaariyada, & Shuban biyoodka ayaa kala ah Maandheere, Deyma-same, Boodaale, Jiilaale iyo Gaanshaanle, oo dhammaantood dhaca jiinka wabiga, iyadoo aysan jirin xarumo caafimaad oo deegaanadan ku yaalla.
Cabdulle Raage Tifow oo ka mida dadka xoola dhaqatada ah ee degan Tuulada Xaanshooley oo hoos timaada Jowhar ayaa sheegaya in marka laga soo tago cudurada uu kamid yahay Shuban biyoodka ee deegaanka ka jira ay u dheer tahay in ay go’doomiyeen Fatahaadda Wabiga ee dhacday.
Waxa uu tilmaamay in Caanihii ay u safri jireen Magaalada aysan qaadin Saddexdii bil ee lasoo dhaafay maadaama ay biyaha ka jareen isku socodka, taasna ay hadda ku dareemayaan dhibaatooyin dhanka nolosha ah.
Cabdulle iyo qoyskiisa oo sidoo kale ahaa beeraley ayaan hadda haysan beertoodi maadaama ay ka qaadeen Biyaha, walina ay ku jiraan biyaha, oo aysan beeri Karin, isaga oo tilmaamay in ay u baahan yihiin in laga maareeyo biyaha si dib ugu soo laabato noloshoodii caadiga ahayd.
“Dadkaan waxeey nolashooda ku tiirsaneyd tacab iyo dhaqashada xoolaha hada labada maheystaan fahadii ayaa saameyn ku yeelatay beerihii aay tacbadeen waa aay ka go’een waxaa ugu yiilay qare sisin digir iyo galeey canaha xoolaha laga maalo ayaan u safrin jirnay magaalada oo nolosheyna aay ku tiirsaneyd hadeer xoolihii waxeey cunan ayeey la yihiin beerihiina biyaha ayaa wali ku jira”
WQ: Maxamed Ibraahim Jimcaale oo ka kamida Radio Jowhar