• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Muqdisho: Gabdho khudaarta dalka kasoo go’da u helay keyd muddo fog ah

Khudaarta dalka kasoo go'ada ee ay farsameeyaan gabdhahaa ayaan isbaddeleynin xitaa Sanad

Last updated Dec 29, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Koox gabdho ah oo isu tagay ayaa Muqdisho kawada Sideedii bilood ee lasoo dhaafay habka keedinta casriga ah ee Khudaarta loogu talagalay in ay baaqi kusii ahaato dhowr bil iyada oo aan wax isbaddel ah ku dhicin.

Najmo Musamil Muqtaar oo ah horjoogaha kooxdan ayaa sheegeysay in habka ay ku dhalatay waqtigii Jaamacadda ay dhiganeysay, markaas oo ay iyada iyo afar kamida gabdhaha hadda howsha la wada ay ka diyaariyeen Buugga qallin jabinta Jaamacadda oo ku saabsanaa Keydka Khudaarta, kaddibna ay ku fikireen in ay si ficil ah u baddelaan daraasadihii ay baareen.

Waxa ay tilmaamtay in tan iyo bishii May ee sanadkaan oo ay shaqadaan bilaabeen ay si wanaagsan ku wadaan, inkastoo bilowgii hore ay la kulmeen caqabado ay kamid ahaayeen sida ay beeraha uga heli lahaayeen khudaarta ay u baahan yihiin, oo ay kamid yihiin Cambaha, Mooska, Isbaandheeska iyo noocyada kale ee miraha.

Najmo ayaa SOMA la wadaagtay in Keydinta khudaarta u sameeyaan laba nuuc oo kale ah in la jarjaro oo la habeeyo, iyo in iyada oo la fiiqin laga dilo jeermiska kaddibna ay ku ridaan caagado loogu talagalay. Waxa ay sheegtay in muddo hal sano ah ay keyd ahaan karto khudaarta iyada oo aan isbaddel ku dhicin. Nuuca khudaarta ee keydka ku haboon ayey sheegtay in ay tahay mida aan wali si fiican u bislaan, ee maasakootada ah.

“Yacni qof walba mashiinka uu hayso ayay ku xirantahay anigana waxan isticmalayya nooca out kalef  wax yara kululenaysaa waxaad ka dilaysaa bacteria madama uu bannaka yaalay kadibna waad kaso bixinaysaa waxa samenaysaa oo aad diyaarsaneysa super sorofta iyo sokortii aad karkarsatay   waxaadka ku darsanaysaa cambihii kuu diyaarsana  waxaan isugu geenesa weelkii oo diyaarsan oo hore aad ukarkarisay”.

Xuseen Cabdi Muumin oo ka mid ah dadka macaamiisha u ah Najma & kooxdeeda ayaa sheegaya in labo jer uu iibsaday qudaarta laga dilay jeermiska ee ay gabdhahaani farsameeyaan, taas oo isaga ahaan fursad wanaagsan u noqotay, maadaama ay khudaarta qaarkood uu iibsado ay ka hallaabi jirtay.

Xuseen oo goob yar oo lagu iibiyo cabitaanka ku leh Isgoyska Dabka ee Muqdisho ayaa tilammay in markii hore uu khudaarta uu baahan yahay uu kasoo iibsan jiray suuqa bakaaraha maalin walba, laakin hadda uu todobaadkii hal mar kaliya uu soo gato Khudaarta, maadaama ay macaamiil badan ku xiran yihiin, firaaq badan oo shaqa ahna uusan dooneynin.

Waxa uu xusay in tani ay fursad weyn usiiyey in shaqadiisa sii wato, maadaama uu khudaar iibsaday uu isticmaaley muddo saddex bilood ah taas oo uu aad ugu farxay. Waxa uu sheegay in maalmaha qaar uu dalab ahaan ugu sheego inta uu rabo in loogu keeno goobtiisa ganacsi, uu helo.

“Adiga ugu yaraan shan iyo toban bari in ay iitaalo oo cabitanka aan ku samaysto lakiin markii danbe waxan la kulmay habdhahan oo qudaartooda oo tayo leh labaatan bari itaalay iitalay kadibna waxan unoqday macaamiil joogyo ah waqti walba goobtayda ayay iigu Kenan”.

Waxaa jira afar ruux oo laba kamid ah ay yihiin wiilal kuwaas oo ay shaqo abuur u sameeyeen Kooxdan gabdhaha ah, waxa ay khudaarta ay soo dalbadaan Maqaayadaha, Hoteelada, iyo dadka ku sugan guryaha ugu geeyaan goobahooda.

Najmo Musamil ayaa markale sheegeysa in khudaarta ay ka keenaan labada Shabeelle ay caagiiba iibiyaan lacag dhan Laba Dollar, iyadoo ay caagiiba ay ku jirto laba illaa afar xabo oo cambo ah. Waxa ay tilmaamtay in aysan khudaartan caafimaad ahaan aysan qofka waxba u dhimeynin.

Waxa ay xustay in hadda iyada iyo Kooxdeeda ay ka fikirayaan sidii ay usii ballaarin lahaayeen Howsha ay haayaan, oo ay gaarsiiyaan Gobollada dalka si ay dadka uga faa’iideeyaan habka keydinta casriga ah ee khudaarta oo dalka ku cusub, taas oo fursad wanaagsan oo shaqo ah u noqoneysa dhallinyaro baagamuundo ah.

“Qudaarta noocwalba ayaa lakeedinkaraa vambo kaliyana ma aha lakiin sida loo diyaarinayo ayaa kala duwan. Hadaa rabto qudaar sida cabitaanka ah waxaa maraysaa hab gooni ah hadii aad rabo mid adagna waa hab kle oo gaar ah in loo sameeyaa”.

WQ: Shukri Caabi oo ka tirsan Radio Risaala.

 

 

Share

Prev Post

Baledweyn: Gabdho laga badbaadiyey in ay maraan gudniinka adag ee fircooniga

Next Post

JOWHAR: Dad u geeriyooday cudurka Shuban Biyoodka oo ka dilaacay Tuulooyin hoos taga Magaalada

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.