• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Baledweyn: Gabdho laga badbaadiyey in ay maraan gudniinka adag ee fircooniga

Last updated Dec 21, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Tan iyo 2016-kii dgallinyaro u badan Haween ayaa Magaalada Baledweyne iyo deegaanada hoos yimaada ka waday wacyigalinno la xiriirta sidii looga hortagi lahaa in gabdhaha yaryar looga badbaadin lahaa gudniinka Fircooniga ah oo dhibaato badan ku haaya Haweenka.

Maryan Cabdulle Xasan oo gudoomiya Ururka ka hortaga gudniinka fircooniga ayaa shegeysa in wacyiga bulshada wax badan iska beddelay sanadihii dambe, taas oo muujineysa in sanadkaan sii dhaamanaya ay ka badbaadiyeen gudniinka fircooniga ah in kabadan 20 hablood oo da’dooda u dhaxeyso 7 ilaa13 sano jir  kadib wacyigilin badan oo ay sameeyeen.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay jiraan tiro ka badan 25 gabdhood oo gargaar ay u sameeyeen kaddib markii lagu sameeeyay gudniinka firciiniga ah oo qaarkood iyagoo dhiig baxaya dadaal uu ururku sameeyay lagu geeyay isbitaalo sidaana ay ku heleen daryeel caafimaad.

Waxa ay tilmaamtay in howshaan ay sii wadi doonaan inta isbaddel la taaban karo uu ka imaanayo fahamka dadka ku nool Gobolka Hiiraan dhibaatada uu leeyahay gudniinka Fircooniga ah, ayna u adeegsadaan warbaahinta Gobolka, iyaga oo kaashanaya dhakhaatiirta, & Culimada Gobolka ku nool.

Maryan ayaa SOMA u sheegtay in Haweenka Baledweyn & deeganada hoos yimaada ay u qabtaan Siminaaro ku saabsan joojinta gudniinka fircooniga ah bil walba saddex jeer, taas oo wax badan ka badeshay fikirka hooyooyin badan oo qorsheenayey in gabdhahooda u gudaan gudniinka dhibaatada badan ee Fircooniga.

“Baraamishkaa wacyi galinta ah waxaan bilaawnay sanadkii 2016kii ilaa hadda waan wadnaa meelaha aan wacyi galinta ka sameeyno waa magaaladaan baledweyne afarteeda xaafadood iyo tuulooyinka hoos yimaado anagoo wacyigalintaas u sameeyno qaabab kala duwan qoraalada ama in idaacadaha aan u marsiino iyo in aan siminaro u qabano laba qaab ayaan wax u fahamsiinaa waxaan adeegsanaa codka culimada iyo dhaqaatiirta”

Gudniinka fircooniga ah oo dhaqan soo jireen u ah Soomaalida ayaa gabdhaha ku reeba dhibaatooyin noloshooda oo dhan saameya, waxyeelada  ugu bandanna waxaa ay la kulmaan xilliyada  dhiiga caadada, guurka, iyo dhalmada.

Deeqo Axmed Cabdulle oo dhibbane u ah gudniinka adag ayaa sheegtay in marka laga hadlo gudniinka adag ay damqato oo ay xasuusato dhibki ay ka soo martay. Waxa ay tilmaamtay in 40 sano kahor lagu guday tuulo qiyaastii 15 KM u jirta Baledweyne, hadana ay haysato Todobo caruur oo saddex kamida ay hablo yihiin.

Waxa ay sheegeysa in waqtigiii ugu horreeyay ee ay caado ku dhacdo ay dareentay xanuuno ay kamid yihiin dhabar xanuun, kilyo xanuun iyo caadada oo mararka ku ceshoonta xanuunadaas ayey la nooleed oo ay gabarnimadeedii ilaa ay ka ilma dhameysay si joogta ah u dareemeysay.

“Dhowr sano kahor ayaa leeygu sameeyay gudniinka fircooniga ah nolosheyda oo dhan ayuu ila qaatay illaa markii leeygu sameeyay intiii aan  dhaqamaadalahaa oo aan ilmo dhalaayay dhibaatadauu leeyahay gudniin waxaa kamida dhinaca dhalmada oo kale oo la jarjaraayo meelahii horay loo tolay dhinaca caadada oo kale waxaakale oo uu leeyahay cuduro baddan oo soo noqnoqda waxaa uu sababi karaa in ay dhiig baxdo gabadha marka la gudo qaarkood miyga fog dagan ayaaba u dhinta dhiig baxaas waxaan dhalay 7caruur ah sadax kamida waa hablo’.

Gudniinka fircooniga oo dhaqaan ahaan Soomaaliya muddo badan ka soo jiray waxaa ku shaqaysta dumar ku nool Magaalada Baledweyne, kuwaas oo qaarkood dhaqaale ahaan ugu tiirsan, balse markii ay ka faa’iideysteen wacyigalinta ay go’aansadeen joojinta ku shaqaynta farsamada gudniinka adag.

Deeqo oo kamid noqotay hooyooyin dhowr maalin qaatay wacyigalinta ka hortagga gudniinka Fircooniga ayaa sheegtay in ay garwaaqsatay dhibaatada uu leeyahay gudniinka, gabdhaheedana ay mareen Gudniinka sunniga afara sano kahor.

Balse Aabaha carruurteeda uu kasoo horjeesaday sida gabdhahiisa loo guday, laakin ay ka dhaadhicisay dhibaatada uu u geysanayo oo ay iyadu soomartay, kaddin uu ku qancay.

Maama Deeqa ayaa hadda isku dayeeysaa in ay ka qeyb qaadato wacyi galinta oo ay hooyooyinka xaafadaha ladagan ay u sheegtaa in ay ku daydaan iyada, si aysan carrurtooda dhibaato u marin.

“Uma gudin gabdhaheey sideeyda oo kale ee sunno ayaan u guday gabdhaheeyga maadaama aan aniga dhibaato baddan kasoo maray gudniinkan dhibkii aan soomaray kuma sameyn gabdhaheeyga.

Weey jiraan aabayaal kasoo horjeeda oo dhahaayo gudniinka sunnaha ma fiicno oo weey halaabaan markii saas loo gdo sidookale gabdhaha sunada guurka ayey ku dagdagaan hadii fircooni laga dhigo gabadha guurka kuma dagdageeyso balse aniga waan ka dhaadhiciyay dhibaatadab gudniinka fircooniga ee aan soomaray waana uu iga aqbalay in aan sunno ka dhigo”.

WQ: Shukri Baryare oo ka tirsan Radio Hiiraanweyn

 

 

Share

Prev Post

Muqdisho: Haween laga joojiyey Shaqooyin ay ka dabari jireen nolosha caruurtooda

Next Post

Muqdisho: Gabdho khudaarta dalka kasoo go’da u helay keyd muddo fog ah

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.