KULANKA GOLAHA GUUD EE DALLADDA WARBAAHINTA SOOMAALIYEED (SOMA) OO KA FURMAY MUQDISHO

 Kulankan oo ah midkii 5aad ee ay isugu yimaadaan xarumaha warbaahinta ee xubnaha ka ah Dalladda Warbaahinta Soomaalieed SOMA, ayaa ka furmay Muqdisho, waxaana ka qaybagkay kudhowaad 40 xarun warbaahineed oo xubno ka ah Dalladdan.

 

Shirka golaha guud ee SOMA, oo socon doona muddo laba cishoo ah oo maanta ka billaabaneysa ayaa waxa ay madaxda, agaasimeyaasha iyo tifaftirayaasha ka qaybgalay uga hadleen guulaha ay gaareen xubnaha SOMA iyo caqabadaha ka horyimid shaqada iyo tayadaba.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qaar katirsan madaxda xubnaha SOMA ee gobolada& Muqdisho

Waxa looga dooday kulankan dib u eegidda dastuurka SOMA, xeer hoosaadka Dalladda, Barnaamijka Wadaag oo ah barnaamij ay xubnaha SOMA si wada jir ah u soosaaraan iyaga oo kaashanaya Raadiyaha arrimaha bani’aadminimada ee Ergo.

Gudoomiyaha SOMA

waxaa Shirweynahaa furay Ku Simaha gudoomiyaha SOMA Maxamed Cismaan Makaraan , waxaana uu sheegey in Shirweynaha looga hadli doona sidii Warbaahinta kumideysan SOMA ay isaga Kaashan lahayd Horumarinta xarumaha, shaqaalaha iyo tayada baahinta  .

“Maanta waxaan u Fadhinaa sidii Xubaha ku mideysan SOMA ay wax uga badeli lahaayeen islamarkaana waxa ugu dari lahaayeen Xeerka  Ururka sidoo kale waxaa Shirweynahaan uu u noqon doonaa mid balaaran oo ay xubno ka noqon doonaa  Telefishinada, Wargeysyada iyo Web-Site-yada” sidaa waxaa yiri  Ku simaha GudoomiyahaSOMA mudane Makaraan .

Sii haya xilka xog-hayaha guud ee SOMA mudane Maxamed Cabdi Wahaab ayaa ka sheegay furitaankii shirka golaha guud ee SOMA in muddada labada maalmood ah ee shirku u socda SOMA ay ka doodi doonaan islana meel dhigi doonaan dhammaan qorshaha iyo ku talagalka sanadkan ee Ururka, sidaas oo kalana ay goluhu go’aan wadajir ah ka gaarayaan sida loo wajahayo tayeynta iyo xoojinta xiriirka ay SOMA la leedahay dalladaha warbaahinta iyo gobolka iyo adduunkaba.
Xubnaha SOMA oo ka qyabqaadanaya doodda dib u eegidda sadtuurka SOMA

Goalaha guud ee SOMA ayaa si wanaagsan uga dooday Dibu eegidda dastuurka SOMA iyo xeer-hoosadaka (Regulation) oo labaduba ay kaalin fiican ka qaadan doonaan horumarinta tayada baahineed iyo awoodda isgaarsiineed ee SOMA.

Sidoo kale Shirweynahaas  ayaa  waxaa looga hadli doonaa sidii loo balaarin lahaa Barnaamijka WADAAG oo ay  Baahin jireen Qaar ka mid ah Idaacadaha ku mideysan SOMA, waxaana la filyaa in Shirweynhaas lagu xulo Idaacado kale oo baahiya Barnaamjkaas  waxaana Shirweynahaas lagu soo bandhigi doonaa  Buug si weyn uga hadlaya Badqabka Wariyaha waxaana la filyaa in Berri oo ay Bisha tahay 15 la soo gabagabeyn doonaa Shirweynhaas

Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa sanadkan sameyneysa isbeddel weyn oo ku wajahan baahsanaanta iyo dhisamaha tayada iyo qalabka xarumaha ku  mideysan.

Xubanaha SOMA ee ka yimid Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofurgalbeed iyo Hirshabeelle ayaa si weyn u muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin kaalinta firfircoon ee Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ka qaadatay hagaajinta iyo xiriirka ay SOMA la leedahay ururada kale ee dalka iyo kuwa adduunka ee ka shaqeeya horumarinta warbaahinta.