In ka badan afartan dhallinyaro oo isugu jira rag iyo dumar ayaa shaqo abuur ka helay xarun oo lagu koriyo geedaha lagu beero Magaalooyinka, Wadooyinka iyo kuwa Harsiga loo isticmaalo oo ku taalla Duleedka Muqdisho taa oo la keeno miro kala duwan oo laga abuuro geedo kaddibna inta ay yar yihiin lagu iibiyo Wadooyinka Caasimada.
Cabdiraxmaan Yuusuf Xirsi oo ka mid ah dadka soo barakacay ee ku nool xerada Alle bari ee deegaanka Garasbaaley waxa uu hada ka howlgalaa xaruntaan lagu kobciyo dhirta isagoona ku dabara nolosha qoyskiisa oo ka kooban Shan caruur ah iyo hooyadood .
Waxa uu Isgoyska Soobe ee Muqdisho ku iibiyaa Geeddaha wadooyinka lagu qurxiyo, isaga oo sheegay in Geedaha ay ugu fadhiyaan lacag ku dhow boqol doollar balse geed walba uu saarto Faa’iido kadibna uu iska celiyo lafihii uu kusoo qaatay.
Cabadiraxmaan ayaa tilmaamay in Geedaha uu qiima ahaan iibiyo kuwa ugu yar lacag u dhaxeysa Saddex illaa Shan Dollar halkii xabo, isagana uu celcelis maalintii ka helo lacag dhan Konton illaa Lixdan Dollar, dadkuna ay si aad ah uga iibsadaan.
Waxaa uu xusay in uu shaqaddaan ku jiro Afar bilood oo uu ka helay nolol maalmeedka qoyskiisa oo inta uusan helan shaqadaan ka maareyn jiray shaqo muruq maal ah oo dadka u qodi jiray godadka qashinka iyo inuu u qaado alaabaha culus.
“Waya aragnimada aan ka dhaxlay waxa ka mid ah geedahan waala beera isagoo mir ah ayaa la galinaa carada markuu so baxo yaryahay ayaan magaalada keenaa kadibna dadka ayaan ka iibiya geedkan waxa la dhaha fiyoore galeemo ubax ah ayuu bixiya kan waxa la dhaha muqshabeel waad beere kadib markuu waynaado waa jaree hada waad beeraysaa qiimahooda waa uu kala duwanyahay geedka cambaha waxan ibiya afar dolar saytuunka sadax dolar geedka fiyorahana waxan ibiya labo dolar”.
Aqoonyahana Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay in ay tani qeyb ka tahay ilbaxnimada deegaanka, sidoo kalana ay wax tar weyn u leedahay haddii dhir badan lagu beero deegaanka, oo xitaa baajin karta Abaaraha soo noqnoqday ee dalka ka dhaca.
Jaamac Cabdinuur oo ka mid ah aqoonyahanada aas aasay xaruntaan ayaa sheegay in dhallinyarada ay u tababareen ilaalinta geedaha markay soo korayaan kaddibna ay ka howlgaliyeen oo Geedaha ay soo iibiyaan Faa’iidana ay saartaan, kaddibna ay iska soo celiyaan Lafaha.
Sidoo kale waxa uu xusay in xaruntaan ay furan tahay muddo Laba sano ah, ayna geedaha ka keenaan gobolada dalka iyo dalalka aan daraiska dhahay sida Itoobiya, iyadoo ay mararka qaarna ay soo iibsadaan Miraha dhirta, kaddibna ay beeraan, inta ay yar yihiinna u iib geeyaan Magaalada.
Jaamac oo ah aqoon yahan bartay cilimiga deegaanka ayaa aaminsan in xaruntooda ay fursad wanaagsan u tahay bilicda caasimada, iyo shaqo abuurka dhallinyarada, sidoo kalana ay rajeynayaan in xarumo sidaan oo kale ah ka hirgaliyaan Magaalooyinka Maamul Goboleedyada.
“Faa’iidada dhirta ay uleedahay degaanka lama so koobi karo marka hore dhirta waxa laga helaa har qabow doogsi indhaha ah iyo in ay ka qayb qaadato isbedelka cimilada iyo iyo ka hortaga nabaad guurka carada waxaa u bahan dadka duunyada iyo deeganka lagamana maarmo dhirta waxay qurxisaa bilicda magaalada iyo cagaarinta dhulka”
Marka laga soo tago dhallinyarada Geedaha ku iibiya waddooyinka Muqdisho, waxaa kaloo jira in xarunta dhexdeeda ay shaqo abuur ka heleen haween danyar ah oo hadda ka dabara nolosha carruurtooda oo qaarkooda karintooda kali ku yihiin.
Binti Xaaji Aways oo kamida haweenka shaqada nadaafada ka helay xaruntan oo lagu magacaabo Kobcinta dhirta ayaa xilligaan aad ugu faraxsan, maadaama ay heyso howl ay bil walba kaga xisaabtameyso mushaar joogto ah, oo wax badan ka baddelay nolosha carruurteeda, mar marka qaarna ay ka qayb qaadato soo ibinta dhirta lagu keydiyo xaruntan.
Waxa ay tilmaamtay in ay xaaqdo subaxi hore xafiisyaa xaruntan iyo barxadda hore, kaddibna ay kasii raadiso shaqada dhar-dhaqida oo ay marba si ah, taa oo ay noloshooda ka maareyn jirtay tan iyo sanadkii 2019 markaas oo ay kasoo barakaceen deegaanka Mubaarak ee Shabeelaha Hoose oo ay ku ahaayeen dad beeraley ah.
Binti oo ah Hooyada Lix carruur ah, ayaa saddex kamida ilmaheeda geysay Dugsi Qur’aan bishii May ee sanadkii 2021-kii, maadaama ay awooday in ay ka bixiso kaddib shaqada nadaafadda oo ay heshay, iyada oo ku rajo weyn in ay sii horumariso shaqadeeda.
“Maasha Allah meel fican weye waxan ka helay faaifo badan waxan ka shaqeya nadafada waxan ka shaqenaya mudo hal sano ah markaan so barakacnay waxan shaqo ka helay xaruntaan wacana bishii ka helaa boqol dolar qoyskeygana waa ay ku filantahay hada waana ku faraxsanahay shaqadaan aan helay”.
WQ: Shukri Caabi oo ka tirsan Radio Risaala