• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Muqdisho: Dhallinyaro Tahriibka kasoo laabatay oo wada wacyigalinta dhibaatada uu leeyahay

Last updated Dec 15, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Dhallinyaro ka kooban Kow iyo toban isugu jira wiilal & gabdho ayaa Muqdisho ka wada tan iyo bishii July ee sanadkaan, wacyigalin la xiriirta dhibaatada uu leeyahay, iyaga oo taga Goobaha waxbarashada, nasiinada, & garoomada ciyaaraha oo ay isugu yimaadan dhallinyarada iyagaoo oo ku dhiirigaliya in ay wadanka ka shaqeystaan.

Maxamed Saciid Faarax oo kamida dhallinyarada wada wacyigalin la xiriirta ka hortagga Tahriibka ayaa sheegaya in Shantii bil ee ay wadeen howshaan ay tageen 10 Iskuul iyo Saddex jaamacadood walina ay rajeynayaan in ay gaaraan kuwa kale.

Ujeedada Maxamed & kooxdiisa ay leeyihiin ayaa ah in dhallinta ay uga digaan sababashada kooxaha magafayaasha ah oo dhow weydiin doona lacag aysan awoodin waalidkooda. Sababta ku kaliftay ayuu sheegay in ay tahay in uu arkay arday badan oo tahriibaysa, wuxuu sheegay in ugu yaraan sagaal dhalinyaro ah oo uu yaqaan uu tahriibeen tan iyo markii uu dalka kusoo laabtay, waxaa uu sidoo kale sheegay in wali ay jiraan kuwo kale oo ku haminaya.

Maxamed waxaa Tahriibka uga baxay lacag dhan 7 kun dollar oo waalidkiisa laga qaaday, islamarkaana uusan ku gaarin halkii uu socday. Maxamed waxaa uu ku xirnaa xabsi ku yaalla Libiya Muddo 2 sano ah ayaa la kulmay dhibaatooyin ay kamid ahaayeen jirdil, & cunno xumi intii uu xirnaa. Wuxuu ka mid ahaa dadkii dowladda Soomaaliya 2018-kii ay ku guuleysatay in ayd dalka dib ugu soo celiso, Maxamed hadda wuxuu macalin ka yahay Iskuulka Aqsa oo galabtii ka dhiggo maadooyinka dugsiga Hoose, shaqaddaasi uu hayay ka hor inta uusan tahriibin.

“Waxaa nagu kaliftay in aan sameeno wacyigalinta runtii rafaadka iyo dhibka  aan soo aragnaa ognahay. Arintaas waa arin jirta waa sax waxaa jira dad xiriir dhow la leh  magafayaasha ku sugan liibiya  dadka ayay inta ka qaadan waxay geeyaan itoobiya  suudaan ilaa liibiya xataa qarashaadka ku baxa dadkaa waxa bixiya waa iyaga magafayaasha dadka loo keeno ayay la wareegaan kadibna waxa ay waydiyaan lacago badan oo waalidooda aysan awoodin dhalinyarada la tahriibiyay”.

Waxaa jira dhallinyaro ay la kulmeen kooxda wada wacigalinta dhibaatada tahriibka ay la kulmeen kuwaas oo baddelay mowqifkooda ah in ay dalka isaga cararaan, iyagoo sheegaya in ay ka jirin fursado shaqo in ay u maareeyaan noloshooda.

Xafsa Daahir Axmed waxay ka mid tahay dhallinyaro laga wacyigaliayay dhibaatooyinka tahriibka saddex bil kahor, waxa ay sheegtay in ka hor inta aysan helin wacyigalinta uu u degsanaa qorshe ah in dalka ay isaga tagto bishan, balse ay go’aansatay kaddib markii looga sheekeeyey dhibaatada badan ee loo maro in la gaaro dalalka Yururb.

Waxa ay SOMA u sheegtay in sidoo kale ay Kooxdaan ku wargaliyeen habka ay dadka wax tahriibiya ula dhaqmaan tahriibyaasha iyo in ay gacanta ay u galinayaan dad Magafayaal ah oo qof walboo gacanta ay ku dhigaan ay waydiyaan madaxfurasho, dumarkana ay u geystaan xadgudubyo dhinaca jinsiga ah.

Xafsa ayaa hadda ka fikireysa in ay keensato hal abuur ganacsi oo ay rajeyneyso in wax badan ka baddelo nolosha waqtigaan ay ku jirto, iyada oo dhigata Jaamacadda Soomaaliya sanadkeeda Saddexaad, ayna ka tanaasushay fikirla tahriibka ay mudo qorshenaysay taa badalkeedana ay hada dooneyso in ay hormar ka gaarto waxbarashadeeda.

“Wlhi waxa igu dhaliyay fikirkaas dhalinta asaagayga ee dalka ka baxday ee yurubta ku nool  ayaan arkay sida ay noloshooda u badaleen  oo nolol qurux badan u bauurteen anigana markaas waxan go ansaday in aan ana tahriibo si aan u galo wadamada yurub lakiin taas waxa iga badalay oo go ankeeda aan u badalay markaan helay wacyigalin dhibaatada tahriibka  iyo waxyaabaha lagala kulmo tahriibka waxaana go ansaday in ugu danbeen aan ku qancay  inan dalkeyga hooyo ku noolaado oo hormar aan ku sameeyo”

Afrax Macallin Geedi oo 26 jir ah waxa uu ka mid yahay dhallinyarada kusoo hungoobay Tahriibka ee doonayey in ay gaaraan Yurub, si ay u helaan nolol ka gadisan tan haysata. Hadda waxa uu goob ganacsi oo lagu iibiyo dharka dumarka iyo ragga ku leeyahay iskooska Banaadir ee Muqdisho. Waxa uu SOMA u sheegay in 2018 uu tahriibay balse uusan gaarin halkii uu rabay oo ahayd dalka Ingiriiska.

Waxa uu gacanta u galay Koox Magafayaal ah oo ku sugnaa saxaraha Liibiya, oo dhibaato ay u geysteen muddo Afar bilood ah oo uu u xirnaa ay qoyskiisu bixiyeen Shan & Toban Kun oo dollar. Balse Afrax oo aan quusan ayaa markale isku dayey sanadkii 2020-kii in markale uu Tahriibo, kaddib markii qaar kamida asxaabtiisa oo joogta dalalka Jarmalka, Faransiiska, & Ingiriiska ku dhiirigaliyeen.

Waxa uu tilmaamay in markale aysan u suuragalin, maadaama ay ciidamada Gariiga kasoo celiyeen xadka Gariiga iyo Turkiga habeeno badan oo hakasi ay ku sugnaa kaddib isaga iyo Muhaajiriintii kale ay dib ugu soo laabteen.

Afrax waxa uu dib u bilaabay waxbarashadii uu dhex kaga tagay, isaga oo dhigtay Jaamacadda SIU, maalmaha Khamiista & Jimcaha. Waxa uu tilmaamay in ganacsiga u furan uu ka maareeyo nolosha qoyskiisa, haddana uusan ku jirin fikirka Tahriibka, ka gadaal wacyigalin lasiiyey uu go’aansaday inuu waalidkii ka dalbado in la maalgaliyo uu ganacsiga ugu biiro.

“Dhalinyarada soomaaliya waxan kula talin lahaa in ay ka dhaafan tahriibka ma aha wax fiican  wadankooda wax udhaama  ma laha aniga hada waxa ii furan goob ganacsi waxan ka raadsadaa qutulyoobkayga  galina waxan bartaa galina waan shaqeeyaa aad ayaan ugu faraxsanahay  waxaan rajeena inan hormar wayn sameeyo anigoo ku sugan dalkayga hooyo dalkaag wax kuu dhaama malaha waxaan ugu baaqayaa dhalinta in ay dalkooda ku noolaadaan”.

WQ: Shukri Caabi oo ka tirsan Radio Risaala.

Share

Prev Post

Jubada Hoose: Abaarta Gobolka oo saameysay ganacsatadii ku tiirsanaa xoolo-dhaqatada

Next Post

Muqdisho: Dhibaatada dhallinyarda ay ku qabaan Guurka xilliga shaqo la’aanta

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.