Cabdiraxmaan Axmed Cabdi aqal galkiisa waxaa ka soo wareegatay Todoba bilood waxa uu la aqal galay Xaaskiisa Almaas Cabdi isaga oo shaqo la’aan ah, kaddib markii ay uu waayey shaqo uu raadinaayey muddo saddex bilood ah.
Mudnaan gaar ah uma kala lahan Cabdiraxmaan guurka xilliga baagamuundada iyo marka uu qofku shaqeeyo, wuxuuna garab ka helaa Hooyadiis iyo Aabihiis oo ka taageera marashada iyo masruufka, inkastoo uu dareensan yahay in arrintaas ay culeyskeeda leedahay.
Cabdiraxmaan oo ah wiilka kaliya ee qoyskiisa ku jira ayaa tilmaamay in dhibaatada ay bulshada kaga imaan karto ay tahay in xaaska lagu diro, iyada oo loo sheegayo inuusan shaqeynin, sidaas darteedna ay ka madax bannaanaato, halkaasna uu kaga burburo qoyskiisa.
Waxa uu SOMA u sheegay in uusan helin lacag ka dheeri ah biilka guriga, gabadhana ay u baahan tahay in ay soo dukaameysato, ama ay aado goobaha dalxiiska isagana uusan awoodin, balse ay xaaladdu noqotay si ka duwan fikirka uu qabay guurka kahor.
‘‘Waxaan ka aamisanahay in uu aad u wanaagsan yahay guurka xili kasta, hadii aad tahay baagamuude ama aad shaqeyso intab, inkastoo ay ku fiican tahay in aad heysato dad ku garab taagnaada si waalikaa oo kale , waxaana igu kalifay inaan guursado kaddib markii la gaaray xiligii aan ku ballannay inan is guursano xaaskeyga maanta”. Ayuu yiri Cabdiraxmaan
Waxaa jira in kale oo aan taageersaneyn aragtida Cabdiraxmaan, Sida Maxamuud Cabdinaasir oo fikir ahaan qaba in aysan habooneyn in la guursado xiliga shaqo la’aanta ah, maadaama uu qoyska kaaga burburi karo dhaqaalo darteed.
Waxa uu hadda ku guda jiraa shaqo raadis si uu u dadab galo marka ay u suuragasho helidda fursad shaqo, markaas oo uu aaminsan yahay in uu xallin karo waxkasta oo ay u baahato gabadha uu guursan doono.
Maxamuud oo horey marqaati uga soo noqday kala tagga lamaane ay asxaab ahaayeen, shaqo la’aan darteed, isagana uu qorsheystay in uu guursado marka uu lacag ku filan meel dhigto, gabadha uu shukaansadana uu hadda lasii wadaagay.
“Waxaan ka aaminsanahay in caqabado badan ay ka dhashaan guurka xiliga shaqo la’aanta, marna kuma fikirin inaan guursado anigoo shaqo seeg ah, waxaan muddo wada soconaa gabar uu xiriir guur naga dhaxeeyo, waxaana rajeynayaa inan la aqal galo markan helo fursad shaqo ee aan berry ku maareyn karo nolosheenna’’. Waxaa sidaas noo sheegay Maxamuud
Dadka ka faalooda arrimaha qoyska qaarkood ayaa ku dhiirageliya dhallinyarada in ay guursadaan xiliga ay is dabiri karaan dhaqaale ahaan, markaas oo ay ka hortagi karaan waxyaabo si fudud guriga uga dumin lahaa.
Maryan Cumar oo muddo lix sano ah ka shaqeyneysay arrimaha latalinta qoyska ayaa sheegeysa in shaqo la’aanta iyo guurka aysan meel gali Karin, qofkana looga baahan yahay in uu dejiyo qorshe fog kahor inta aysan aqlka dhisan.
Waxa ay tilmaamtay in dhallinyarada kaliya ay ku fikireysa sida uu carrur u dhali lahaayeen, & in qaar ku daysan rabay asxaabtooda ay kala taliyeen in marka hore helaan shaqooyin kaddib ay qorsheeyaan guurka ay ku guuleysteen, maadaama ay diiwan galisay kow iyo toban qoys oo arrintaan darteed u burburay.
Maryan Cumar ayaa xustay guurka xiliga baagamuunda lagu dhaqaaqo ee aanan taageero dhaqaale laheyn in uu ku dambeyn karo kala irdhoobid, taasna aysan u wanaagsaneen labada qof ee is doonaya, iyada oo kula talineysa in dhallinyarada aysan fiirin kaliya baahida jinsi ee haysa, balse ay ka fikiraan duruufaha kale ee jira sida dhaqaalaha.
“ Caqabado badan ayaa ka dhalanaaya, qofka hadii uusan heysan cid caawisa oo garab istaagta oo ay ugu weyn tahay in ay kala irdhoobaan, inkastoo markii hore la isku soo raacay jaceyl iyo xamaasad, hadanna bilooyin ama sannad kaddib waxaa dhaceysa in la is fahmi waayo madama ay runta meesha timid”. Maryan ayaa marka kale sidaas tiri.
In dhalinyaradu helaan fursado shaqo oo ay ku maareyn karaan noloshooda waxay ka dhigeysaa kuwo ku dhiirada guurka oo haatan qaarkood ka hor istaagsan caqabado ay ugu weyntahay shaqo la’aanta.